Hanka Xukuumadda, Hardanka Shabaab iyo Hamiga Shacabka

Sanad walba oo dunida soo mara waqti, waayo, taariikh iyo xusuus gaar ah ayuu u leeyahay umadaha aduunka, xusuusahaasi waxay u kala qeybsami karaan kuwa farxadeed ama kuwa murugo, waxaana umadaha ay mid walba u calaamadeestaan si gaar ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Hanka Xukuumadda, Hardanka Shabaab iyo Hamiga Shacabka

Sanadkan ay iminka maalmaha ka bilowdeen ee 2011 Soomaalida waxay saadaalineysaa arimo kala duwan oo horumar, barwaaqo guul iyo baraaro ah, laakiin waxaa jira hamiga umadda caqabada ku hor gudban oo ah dagaalka u dhaxeeya Shabaab oo garab ka heleysa ajaanib kale duwan iyo dowlada oo garab ka heleysa Amisom.

R/wasaare Farmaajo tan iyo maalinkii la dhaariyay afkiisa kama dhamaan in boqol maalmood uu isbadal ku sameynayo, ma hami xumo laakiin waxaa ka hor imaan kara caqabada iyo turunturooyin badan oo xeelad iyo xariifnimo dheeri ah u baahan.

Fursad wanaagsan ayaa u bidhaameysa iminka R.wasaaraha oo uu uga faa’ideysan karo hamigiisa boqoleyda ku dhisan, waxaana fursadaasi ay tahay khilaafka iyo loolanka ka dhex jira kooxda shabaab ee ku saleysan qabyaalada.

Xogo hoose oo la helay ayaa muujinaya in isfaham daro balaaran ay ka dhex jirto horjoogayaasha Soomaalida ah ee kooxda Shabaab Sida Godane, Masnuur, Shonqole iyo Ibrahim Afgan, waxaana xooga khilaafka uu ka dhashay sida dad badani rumeysan yihiin soo dhaweyntii Xasan Daahir, wallow bilowga khilaafka uu ka horeeyay arinta Xasan Daahir, waxaase loo tiriyaa talaabadaasi in ay tahay tii sii barataartay olalka khilaafka.

Xukuumadda Farmaajo iminka waxa ay ku guuleeysatay la soo wareegida xubno badan oo ka tirsan Amiiradii Shabaab ee dhanka howl galinta ciidamada u qaabilsanaa, waxaana xubnahaasi oo qarash badan uu ku baxay ay balan qaadeen in mudada 100-ka  casha ah gudahooda ay xukuumadda kala shaqeyn doonaan burburinta qawada Shabaab.

Waxa ay sheegeen raggan Shabaab ka soo goostay ee dowladda ku soo biiray xog ku saabsan nidaamka dagaal ee shabaabka iyo sidoo kale falsafada maamul ee ka jirta Shabaabka dhexdiisa, waxaana ay R.wasaaraha ugu madax salaaxeen in awooda ciidamada dowladda marka la qiimeeyo ay isbadal dag dag ah dhalin karaan.

Waxa ay ku taliyeen in ciidamada si niyad ah loo howl galiyo, iyagoona sheegay in aag walba oo ay ku jiraan dhalinyarada shabaabka matasha ee furunta dagaalka timaada ay joogaan wax yar oo aan tababar wanaagsan xittaa aan qabin.

Iminka xeryaha ciidamada waxaa ka socda bixinta mushaaraad, waxaana marka mushaar bixinta ay dhamaato lagu wadaa in la sameeyo qorsho howl galineed kaasoo ciidamada aagaga loogu kala qeybinayo.

Haddii xukuumada tan ay ku guuleysato qorshaha la xiriira in shabaab ay ka sifeyso Dalka waxaa suurta gal ah in wax badan ay isbadalaan, isla markaana dalka uu fursad u helo Nabad iyo xasiloon, madaama 20-sano in ka badan lagu soo jiray colaad, dhibaato, Dagaal, Abaar, Barakac, dhimasho iyo dhaawac.

Waa hubaal in haddii laga qaado ummadda Soomaaliyeed xiligan afti ku saabsan baahidooda ugu badan waxa ay tahay ay wada dooran lahaayeen Nabad waayo wax walba oo la helaa nabad hadaanay jirin wax ka soo qaad ma lahan oo waa bar kuma taal.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent


Ma Aragtay?




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.