Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho

Sheekadan aan ugu magac darnay Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho, waa mid aynu ku qaadi dhigi doono saameynta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku yeesheen dagaalada iyo waliba dhibaatooyinka laga dhaxlay dagaalada ka socda Muqdisho ee dhimasho, dhaawac, barakac, bur intuba leh, waxaan idin soo gudbin doonaa dhacdooyin murugo uur ku taalo iyo caloolyow ba’an laga dhaxlay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho wixii ka danbeeyay 2006-dii.
Maqaallo Keydmedia Online
Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho

Hodan waa Gabar gashaanti ah, waxa ay ku nooleed tan iyo dharaartii ay Hooya uurkeeda ay  ka soo baxday Xaafada Kpp degmada Hodan ee Gobalka Banaadir, halkaas ayeey uga baxday dugsi qur’aanka kana bilowady aqoonta aas-aasiga ah ee hoose dhexe iyo sare.

Waxa ay dhiganeysay dugsiga Sare gaar ahaan fasalka labaad xiligii ay ciidamada Itoobiya soo galeen magaalada Muqdisho dabayaaqadii 2006-dii, inkastoo Hodan xaafadooda ay aheyd aag dagaal, oo ay madaafiic maalin iyo habeen ku soo hooban jirtay hadana kama barakicin qoyskooda halkaas oo waa ay daganaayeen .

Hodan iyo qoyskeeda waxa ay soo marqaatiyeen dhacdooyin badan oo uur ku taalo huwan, maxaa meyd agtooda la marsiiyay, muxuu madfac guryaha ku hareereysan dad ku laayay, maxay ciidamo hubeysan hadaba dhan u baareen gurigooda, intee jeer baase qoyskeeda lagu handaday in ay yihiin fidna wadayaal talaaba laga qaado, dhanna arxan iyo naxariis uma sameyn oo talaabooyinkaasi waxaa kula dhaqaaqay cid walba oo awoodeeda ciidan ay gaartay KPP tan iyo waagaa.

Taxanaha taariikhda dunida waa mid marba  sawira dhacdo xusuuteeda leh, qoyska Hodan oo ka koobnaa 8 Caruur ah oo iyada ka yar yar, Aabe, Hooyo, Ayeeyo, abti, ilma adeer qoyska la nool ma soo marin dharaar uga xanuun iyo uur ku taalo badneed maalinkii madfac ka soo dhacay dhanka AMISOM kuna sii jeeday suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhanka qudaarta uu ku habsaday Gurigooda Maxaa dhacay Dharaartaas?.

Qadarta Alle waa mid qoran, xadiis Suubanaheena Muxamed NNKH ka sugnaadayna waxa uu ahaa dhamaan Bani’aadam haduu u kulmo inuu wax kuu dhimo waxaba kuma gaarsiin karo sidaasi si la egna haduu u kulmo waxtarkaaga waxba kuma tiri karo, marka laga reebo qadarta alle taasoo iyana kol hore la qoray isla markaana aanu Aadane waxba ka badali Karin.

Waxaa burburay dhamaan Gurigii ay qoyskaasi daganaayeen, laakiin alle mahadii ayeey aheyd in aanu haba yaraatee ruux iyaga ka mid ah aanu arinkaas dhibaato jireed gaarsiin, laakiin yaabka halkaasi ka dhacay ayaa ahaa in qoyskii Balaarnaa la waayay laba meel isku sheegtay isla markaana mid walba waxa uu u jiheestay dhanka wajigiisa uu hayay halkaasoo uu u arkay goobta badbaadada.

Hodan, hooyadeed iyo laba ka mid ah caruurtii yar yareed ee qoyska waxaa u suurta gashay in ay ku kulmaan orad dabadiisa wadad dabka meel ku dhaw saldhiga waabari halkaas oo ay isku wareesteen isla markaana lagu xasuustay xubnihii kale ee qoyska.

“dhaawac miyaan ahay? Dhiig ma iga socdaa? Kabaheygi aaway? Aabe, ayeeyo, abti, hebel iyo heblaayo halkay u carareen? Erayadaasi iyo kuwa kale ayeey adeegsanayeen qoyska laakiin ma jirin qof jawaab cad heli karay.

Intii yareed ee xubnaha qoyska ka tirsaneed ee is heshay waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka Xaafada Taleex oo ay ku ogayeen guri ay daganyihiin qoys qaraabada ah, laakiin murugta waa mid iska taala meel walboo Muqdisho ka tirsan inta aanay Gaarin gurigii ayaa waxaa hortooda ku dhacay Madfac xoog badan kaasoo ku habsaday dad caruur iyo haween u badnaa oo ku ganbanayay guri shub ah oo ku yaala xaafada Taleex waxaana halkaasi ku dhintay ku dhawaad 5 ruux iyadoona 10 in ka badan uu dhaawac ka gaaray.

Walaacii ayaa kordhay, xiligu waa casar liiq madaafiicdana waa xagga iyo xagga wixii la gagabadaba waxaa markii danbe la gaaray hoygii ay ku hiranayeen misna waa mid laga qaxay oo iradaha leysugu dhiftay alle murug badanaa, hadii ay u soo gudbi lahaayeen dhanka km4 ama waabari wadadu waa mid xiran oo Ciidamada AMISOM ma ogola in la maro halkaasi xiliyada dagaalka kulul oo ka socdo hareeraha wadada Maka-almukrama, dhanka kalana xoogagii mucaraadka waxa ay ka soo daa dageen dalacadii Taleex oo waxay joogaan meel ka sakeyso Carwada.

Habeenkaas iyaga oo aan baad iyo biyo toona heysan ayna u wehliso xabad iyo madaafiic ayaa qoyska kala dhantaalmay qeybtii Taleex soo gashay waxa ay ku hoydeen gudaha xaafada Taleex iyagoo meel cidla ciirsi la’fadhiya ayaa waxaa u gurmaday wiil dhalinyara ah oo ilaalinayay guri ka mid ah xaafada kaasoo habeenkaas siiyay meel ay jiiftaan iyo Biyo ay cabaan.

Aroortii hore xili ay xasishay xabadii ayeey ka jarmaadeen taleex iyagoona si aan laba labeys laheyn u tiigsaday dhanka ceelasha Biyaha , laakiin mar ay sii marayaan Siinka dheer ayaa telfoon ay laheyd Hooyada qoyska waxaa soo wacay qeyba ka mid ah qoyska intiisii kale oo iyana orad ku tagay ceelasha Biyaha, isla markaana cid bari hore daris ay ahaayeen iminka la jooga, waxaa lagu balamay ilinka hore ee wakaaladi Biyaha oo hadda ah goob mashquul badan isla markaana saxmada dadka ay aad ugu badan tahay maadaama muqdisho oo dhan ay u guurtay dhabaha aada afgooye.

Waa qoys aan abid barakicin, bartay ku noolaashaha guri weyn oo ay iyaga leeyihiin, maanta waxa ay baryayaan meel ay buush yar oo ay madaxa la galaan ay ka dhistaan iskaba daa nolal kale, waase su’aal dagaalka maxaa laga faa’idaa?.

Hodan iyo dhawr ka mid ah walaalaheed waxa ay ku sheekeysan jireen waayadii hore in ilaa ay ka baxaan Jaamacad oo qof walba iskiis uu nolashiisa uu kaafiyo ay ku noolaan doonaan Guriga uu u dhisay Aabahood ee degmada Hodan ku yaalay, qoyska waxa uu ahaa qoys aad ugu fakarayay hami horumar iyo mustaqbal ifaya laakiin waxaa u bilaabatay nolal walaac ku dhisan oo aanay ka hor maalintaas ku fakarin.

Soomaali badan oo jecleed ku noolashaha Nabad iyo xasilooni ayaa laga barkiciyay guryahoodii iyadoona aan ilaa iyo hadda la gaarin horumar lagu ilaabi karo dhibaatadii shacabka oo ah Nabad iyo xasilooni, dagaalki waa mid wali socday, Geeridu waa maalinle, dhaawaca iskaba daa, barakaca waa mid balaaran mana jiro samafal iyo gargaar cid ula taagan shacabka dhiban.

Qeybti 2-aad Meshaan Riix

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.