Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho (QEYBTI-2AAD)

Qeybti Hore halkaan dhag sii - Xubin walba oo ka mid aheyd qoyska dharaar iyo habeen laabteeda kama go’in xusuusta qiimaha badan ee ay u hayaan gurigooda ku yaalay degmada Hodan, waxaana sekin walba oo ka mid ah waqtiyada soo mara qoyskaas ay laabta ku hayaan in maalin uun iyagoo aan madfac iyo mootar ka baqeyn ay ku soo laabtaan gurigoodii.
Maqaallo Keydmedia Online
Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho (QEYBTI-2AAD)

Inkastoo badanka xubnaha qoyska ay barakac ku yihiin  ceelasha biyaha oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa hadana dhanka kale sheekada xusida mudan ayaa ah in Aabaha qoyska uu subax walba u soo shaqo suuqa Bakaaraha oo uu xarun ganacsi ku leeyahay.

Aabe Diiriye subax walba marka uu gacaladiisa iyo ilmihiisa ka soo tagaya waxa uu dalbadaa in Faataxa loo soo maro si uu alle u soo sama celiyo maadama in la aado Suuqa Bakaaraha ay ka dhigantahay in qofka Nolashiisa boqlkiiba lixdan (%60) ay halis ku jirto sabab la xiriirta madaafiicda sida maalin laha ah ugu soo dhacda Suuqa iyo xarumaha tirada badane ciidan ee ku yaala Suuqaasi wadooyinka soo gala, bal eeg wasaaradii Gaashaandhiga, Xeradii Shiirkole, Garoonkii dadnaa ee kubadda cagta stadium Muqdisho, Kuliyaddii Jaale Siyaad, Tera buunka iyo agahiisa, Isbitaalkii Digfeer, Gurigii Shaqaalaha, iskaba daa wadii dabka waa mid u gaar noqotay ciidamada dhamaan goobahaasi aan soo sheegnay waa baro ciidan oo ay kala dagan yihiin kooxaha ku legdamaya dilka shacabka iyo barakicintiisa.

Faraxadii qoyska reer Diiriye ee soo taxneed tan iyo dharaartii ay aqalgaleen Aabe Diiriye iyo Hooyo Dahabo maanta waxaa ku yimid isbadal balaaran, waayo xubin walba oo qoyska ka tirsan kuma qanacsano halka lagu nool yahay ee ah waabta bacaha ka sameysan ee milicda qorraxda iyo qabawga habeenka u sahlan, waxaana dhamaan qoyskaasi ay dareemayaan niyad jab aad u daran oo ay ka dhaxleen barakaca.

“Waligeen ma maqlin biyaa feel loo galaa, meeshaan dhib badnaa waa biyo feel u gala oo ha helin biyo kugu filan ma qoyskan oo idil ayaa biyo Jirgaan lagu keydiyay lagu maamuli karaa, alle ciil badnaa sidaan halkan u soo dagnay Gabadheyda Hodan qurruxdeeda waa is dhintay bal eeg Gabadhi waa taa qayirantay oo midabkeedii isbadalay” sidaa waxaa ku calaacashay Hooyo Dahabo oo intaas kadib inta labada Gacmood sare u qaaday tiri “Allow noo dhib dhaan oo dhibaatadan naga saar”.
Erayadaasi kolkii ay afkeeda ka sii dhamaadeen Hooyo Dahabo waxaa soo dhacay telfoon faraqeeda ku jiray Dhililow ….Dhililow…. Dhililow……Dhililow, markuu afar mar telfoonkii faraqeeda ka yeeray ayeey inta gacanta midig ku soo qabtay si deg deg ah dhagta ula aaday   Hellow….Hellow, ayeey ku celisay laba mar waxaana telfoonkii ka soo yeeray cod ay oohin ku larantahay oo leh………


“Habar yar Dahabo, hooyo waa… hooyo waa… hooyo waa…, markaasay la soo booday hooyo hee? Waa dhimatay guriga madfac ayaa ku soo dhacay,hebel iyo hebel waa dhaawac, intaa markii ay ka soo dhamaatay ruuxi telfoonka soo diray oo ahaa Wiil ay habar yar u tahay Dahabo ayaa waxaa hal mar  ay la soo booday hooyo Dahabo “ba’ayeey, tol beelayeey, walaashay way dhimatay!!, ilamheedi waa dhamaadeen!! Anna halkan baan biyo feel igu jira !! alle maxaan yeelaa??.


Goobta mashaqada ay ka dhacday ee ay Dahabo walaasheed ku dhimatay ee ilmaheedana ay ku dhaawacmeen waa degmada Dayniile qeyb ka mid ah Xaafad la yiraahdo Barwaaqo, maalinka dhacdadan ay dhaceysay golaha shacabka waxaa ka socday kulan ay lahaayeen Baarlamanka, waxaana qasaaraha qoyskaasi iyo dad Soomaaliyeedoo kale gaaray uu yimid kadib markii xooga mucaaradka ay hoobiyaal ku soo tureen fadhigi Baarlamaanka isla markaana ciidamada Amisom ee saaxibka la ah dowlada ay hub wixii gacantooda qabtay maalinkaasi ay ku tureen dhamaan qeybaha Magaalada Muqdisho ee ka maqan gacanta dowlada.


Dahabo iyada oo aan cidna la socodsiin waxa dhacay iskuna dhex yaacsan ayeey si hal haleel ah Gaari ugu soo dhacday, ogooway Gaari raac ma wadato!!, muddo markii ay baaburka Saarneed ayna mareyso KM13 ayaa waxaa la joojiyay Gaarigii ay saarneed, kirishbooygii ayaa lagu amray inuu qeybta danbe ee Gaariga furo, markii gaariga la baaray ayaa wiil goobta leysku baarayay joogay waxa uu indhaha ku dhiftay maamo Dahabo oo wadata dirac nooca Baatiga bacweynaha  loo yaqaan ah, isma oga in ay labiskaasi oo aan la ogoleen isku soo hilmaantay, markaasaa wiilkii waxa uu yiri soo deg, maba ay maqlin waxa uu sheegayo wiilka waayo waa qof murugsan oo dhacdo xanuun leh loo soo sheegay, laakiin seddex mar markii uu ku celiyay soo deg ee ay maqli weysay ayuu Karbaash dhabarka kala dhacay, markaasay tiri maandhay maxaad iga rabtaa, war soo deg waxaa tahay qof aan alle iyo Nabi aqoone!!!.

Si qoorqabad ah ayuu Gaariga uga soo dajiyay inankii yaraa Hooyadii tacsida muruga leh  ku sii jeeday, balse muxuu falay intaa kadib?---------- La soco qeybo kale .

Waa socotaa

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.