Hantida Gaarka Loo Leeyahay Ha La Dhowro Xuquuqdeeda - Hubka Muqdisho

Dr. Saciid Ciise Maxamud — Hubka ay haystaan dadku wuxuu ka mid yahay hantida gaarka ah oo ay milkiyadeeda iska leeyihiin dadka hantidooda ku soo iibsadey hubka si ay ugu difaacdaan hantidooda, naftooda, iyo nabadeynta degaanka ay ku nool yihiin.
Maqaallo Keydmedia Online
Hantida Gaarka Loo Leeyahay Ha La Dhowro Xuquuqdeeda - Hubka Muqdisho

Soomaaliya waxey soo martay dagaal sokeeye, welina lama gaarin dib u heshiisiin dhaba. Sida badan shacabka Soomaaliyeed ee kala degan degmooyinka dalka waa ay wada hubeysan yihiin, mana muuqato dowlad awood u leh iney dalka dhamaantiis ku soo celiso nabadgeliyo iyo kala dambeyn buuxda.

Shacabka Soomaaliyeed waxey xaq u leeyihiin iney hantidooda ku soo iibsadaan hub ay isku difaacaan ama ay ka ganacsadaan oo ay ka iibiyaan dadka u baahan iney isku difaacaan. Mar haddii aysan jirin dowlad lagu haleyn karo wax ka qabadka amaanka dalka, waxaa haboon iney shacabku is hubeeyaan oo aysan dayacin isdifaacooda.

Wadan kasta oo ay ka jirto dowlad ay shacabku soo doorteen oo dejisey nabadgelyada dalkeeda, waxey shacabkeeda u ogoshahay iney haystaan oo ka ganacsadaan hubka inta ay jirto baahi loo qabo dhinaca suuqyada si shacabku uu qaato kaalintiisa uu isku difaacayo marka ay la soo gudboonaato xaalad kalifeysa iney adeegsadaan hubka gacantooda ku jira.

Hayadaha amniga ee wadamada xasiloon waxey rumeysan yihiin in hubka ay sitaan ciidamada amniga iyo kuwa ay haystaan shacabka ay yihiin kuwo is kabaya oo is dheelitiraya, maxaa yeelay dadka u abaabulan fal dambiyeedyada marka ay aaminsan yihiin in shacabku hubeysan yahay kuma degdegayaan iney fuliyaan howlgaladooda ilaa ay ku qaadato wakhti ay ku darsaan xeeladahooda ay wax ku dhacayaan ama ay ku fulinayaan dilalka qorsheysan.

Waxeyna inta badan ku aadiyaan dejinta qorshayaalkooda burcadnimo xiliga ay ogaadaan in cida ay bartilmaameysanayaan aysan hubeysneyn.

Soomaaliya waxaa xuquuqda hub haysashada iyo ka ganacsigiisa sharciyo wanaagsan u dejin kara marka la helo dowlad ay madaxdeedu si toosa u soo doorteen shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna ay ku leeyihiin awood ay ku soo gudbin karaan codkooda xambaarsan dareenka iyo walaaca ay ka qabaan sharciyada dowladu dooneyso iney ku dhaqdo dadka.

Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya ma ahan mid haysata kalsoonida shacabka, tilaabo kasta oo dadka looga dhigayo hubkooda waxey shacabka u gacmo xireysa xadgudubyada qowleysatooyinka ku adeeganaya magaca dowladda iyo kooxaha hubeysan oo caadeystey dilka iyo dhaca hantida dadka, taasna waxey xadgudub ku tahay xuquuqda ay dadku u leeyihiin dhowrista hantidooda iyo difaaca naftooda. Waxaa kaloo uu tuhun weyn ka jiraa hubka laga qaadayo dadka la bartilmaameysanayo meesha uu ku dambeynayo, maxaa yeelay hubka soo gala dowladda ayaa sida badan ku dambeeya gacnaha suuqa hubka ama beelo la jaala dowladda ama mucaaradka hubeysan ee la dagaalamaya dowladda.

Xisbiga Dadka wuxuu ka soo horjeeda in wakhtigan oo aysan dowladu sameynin shariciyada lagu dhaqyo haysashada, qaadashada, iyo ka ganacsiga hubka sida gaarka ah loo leeyahay ineysan ku tilaabsan hub ka dhigis lagu sameeynayo shaqsiyaad gaara ama beelo gaara, taas oo u muuqan doonta in dowladu ay bartimaameysaneyso qeybo gaara oo ka mida bulsha weynta Soomaaliyeed. Haddii ay sidaas dhacdana ay dowlada taagta daran u keeneyso mucaaradyo kale oo hubeysan oo ka soo horjeesta dowladda.

Xisbiga Dadka ma aaminsana maanta in la joogo xiligii ay dowladu ku dhaqaaqi lahayd hub ka dhigis waayo ma jirto cid u hogaansameysa hub ka dhigis lagu sameeyo hal dhinac oo keliya ama hal magaalo oo keliya ama hal beel oo keliya. Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in dano gaara laga leeyahay in xili aan la joogin wakhtigeedii dowladu ay isku mashquuliso dhaca iyo boobka ay u geysaneyso hantida sida gaarka ah loo leeyahay oo uu ka midka yahay hubku.

Xisbiga Dadka wuxuu raacsan yahay in shacabku ay xaq u leeyihiin iney haystaan hub oo ay ka ganacsadaan hubka, dowladuna ay xaq u leedahay iney xeeriso sharciyada waafaqsan adeegsiga dhaqanka wanaagsan ee lahaanshaha hubka ay shacabku haystaan. Xisbigu wuxuu ka digayaa ineysan dowladu u adeegsan marmarsiyo siyaasadeed oo loogu raadinayo qiil in si xooga loogu dhaco hubka ku jira gacmaha dad gaara oo ay milkiyadiisa leeyihiin wadar guud.

Dowladu awoodeedu waxey ku dhisan tahay sharci, sidaas daradeed waa iney marka hore dalka dib u dhis sharciyadeed u sameysaa. Haddii taas la waayo, dowladuna aysan lahyn tabar xoogan oo ay cudud wax ku maquunin karto, waxaan shaki lahayn iney horseedeyso burburkeeda.

Xisbiga Dadka wuxuu aaminsan yahay in hubka laga dhigo kooxaha u abaabulan qaabka dariiqada, beelnimada, iyo burcadnimada, wuxuuna rumeysan yahay xisbigu in ciidanka dowladda oo keliya ay awood u leedahay iney haystaan hubka nuucyadiisa kala duwan, rayidkuna ay shaqsi ahaan xaq u leeyihiin haysashada hubka fudud.

Kooxaha hubeysan ee aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda dalka waxaa loo baahan yahay in loo sameeyo sharci mamnuucaya haysashada hubka culus oo ay haystaan, loona soo jeediyo qaab nabadeed oo ay dowladu magdhow uga bixineyso hantidii ka gashay hubka culus. Hubka ay beeluhu u leeyihiin wadar ahaan waa iney dowladu kala xaajooto dhamaan beelaha Soomaaliyeed iney hubka culus ku soo wareejiyaan ciidanka dowladda si dalka loogu difaaco ama ay ugu wareejiyaan ciidanka ay leeyihiin dowladaha ka jira maamulka gobolada.

Markasta waxaa lagama maarmaan ah in xalka uu ku yimaado qaab nabadeed oo aan abuurin colaad u dhaxeysa dowladda iyo qeybo ka mida bulshada, taas oo dalka u horseedi karta inuu dib ugu noqdo dhaqankii jabhadnimada ama isbaheysi ay wadaagaan beelo hubeysan oo mucaaradda, dowladana la gala dagaal hubeysan.

Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.