Hogaamiye mise Madaxweyne?! Qeybta 1-aad

Dr. Ahmad Abdulahi (Keydmedia) - Maxay tahay Hogaamiye-nimo? Yaase Hogaamiye /Madaxweyne noqon kara? Waa Su'aal aan ku'adkayn bay ilatahay Bulshada Somaliyeed, maxaayeelay qofkasta, iyo Qabiilkasta ayaa raba inuu isagu Maxadweyne noqdo! Balse waxaa haboon in lafahmo yaa noqonkara Hogaamiye? maxayse yihiin tilmaamaha qofka Hogaamiye noqon kara?
Maqaallo Keydmedia Online
Hogaamiye mise Madaxweyne?! Qeybta 1-aad

Hadaba Hogaanmiye ama horseede waa qof Ummadiisa uhorqaadi kara dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo same katalinta. Waxaana lahogamiyaa bani aadamka uu Ilaahay garashada siiyay, kuna abuuray doonida iyo jacaylka waxa wanaagsan oo kaliya.

Sidaa darteed xoolaha lama hogaamiyee waa lakaxeeyaa, ama gadaal baa laga cadaadiyaa siay usocdaan. Ummadkasta oo rabta inay gaarato Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh tilmamihii hogaamiye-nimo, ee Ummada lagu horseedi lahaa.

Hadii kalase Ummadii way gablamaysaa ama agoomoobaysaa, waxaana ka dhumaya jidkay qaadi lahayd, waxayna dabamartaa dhinacay ku badbaadi lahayd. Waxaana dhici karta inay iyadii is cunto, iska hortimaado, isdisho, kadibna ay dhumiso jiritaankeedii, sumcadeedii iyo Qaranima-deedii inataba.

Waxaa lays weydiin karaan Ummadi manoolaan kartaa Hogaan la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhicikarto inay jirto, noolaato, horumar samayso Ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda kataliya, magaceeda iyo sumcadeeda kor uqaada.

Hogaanku wuxuu uyahay Ummadaha sida uu maduxu uyahay Jirka intiisa kale, waxaana inoo cad in Jir aan madax lahayni uusan noolaan karin, sidaa oo kale ayayna unoolaan karin Ummad aan Hogaan wanaagsan lahayni.

Tusaale kale hadaan soo qaadano; Ummadu waxay lamid tahay dad saaran Doon, rabana inay Wabi weyn gudbaan /talaabaan, waxaana qassab ah inay haystaan Darawal ay kukalsoon yihiin, isaguna daacad uah, sifiican uyaqaana wadida doonta, garashana uleh siday dadku Wabiga iyogoo nabad ah utalaabi lahaayeen.

Caddaynta ugu weyn ee taa aan usoo qaadan karraa waa in Markuu Rasuulkeenii Suubana (scw) dhintay, Saxaabadii ayna kudegdagin inay duugaan Meydka aadka usharafta badan, iyagoon dooranin Khaliifa/ Hogaamiye Ummada majaraha uqabta. Saddex maalmood ayayna wadeen wadatashi iyo loolan hogaamiye doorasho.

Waxayna doorteen Abuubakar Alsidiiq, Rabbi haka raali noqdee, isaga ayaana qabtay Khaliif-nimadii ummada, loogana amar qaatay sidii Rasuulka (scw) loo duugi lahaa lafteeda. Waxaa kaloo taa sii caddaynaya inuu Rasuulku (scw) yiri (hadday saddex qof Safar ubaxaan ha doorteen Amiir/ Hogaamiye talada uqabta) siayna isaga hor imaanin. Maxaayeelay Ilaahay wuxuu ubuuray shaykasta Nidaam isku xirnaan, iskaalmayn, kala danbayn iyo isdhamaystir.

Waana sida uu Rabbi udhisay Cirka iyo Dhulka, Badda iyo Barriga, Buuraha iyo Dooxooyinka iwm. Intaa aan soo sheegnay iyo dhamaan Unugyada kale ee Aduunku way iswada dhamaystiraan, waxayna leeyihii system ay kukala socdaan, kuwada shaqeeyaan, midwalibana keeno kanlkale intii ka dhimanayd ama intii isaga looga baahnaa, isagoon kuwii kale dhibin, kana hor imanin.

Sidaa oo kale ayaana Ummada looga baahan-yahay inay yeelato Hogaan kala-haga, isku xira, danaheedii guud ilaaliya, qaybkasta oo Bulshada kamid ahna amra inay kasoo baxdo shaqadii ay lahayd, iyadoon kahor imaanin qaybihii kale ee bulshada.

Sidaa darteed waxaa hubaal ah in haday Ummadu weydo Hogaan fiican, oo Caqli, Cilmi, Xilkasnimo iyo daacadnimo isku darsaday inay jabayso baaba´ayso, qayrkeed kaharayso taariikhdana kabaxayso. (Libaax hogaaminaya bulsho Bakaylayaal ah ayaa ka wanaag iyo waxtar badan, bulsho libaaxyo ah oo uu bakayle hogaaminayo).

Ummadaha la isticmaarsaday ama laqabsaday waa Ummado waayay Hogaan ujeexa Jidkay kugaari lahaanyeen Guul, Horumar, Haybad iyo Awood lagaga cabsado, siuuna cadaawuhu udamcin inuu qabsado, bililiqaysto, dhalangadiyo, kadibna isagu maareeyo xaadirkooda iyo mustaqbalkooda labadaba.

Khataraha dhici kara markay Ummadu weydo Hogaan Xilkas ah wey fara badanyihiin, waxaana kamid ah inuu hogaamiyii xumaa kudadaalo meelmarinta danihiisa gaarka ah oo kaliya, kadibna uu illoobo ama dayacaba dantii uu Bulshada uhayay. Waana mid dhacda marar badan, markay isku aadaan Hogaamiye xun iyo Ummad isagoo kala ah, oon awoodin inay iska qabato ama toosisaba qaladkiisa, kadibna ay dhunto dantii guud iyo jiritaankii Ummadu.  

Lasoco Qaybta 2aad

Dr. Ahmad Abdulahi - Germany - keydmedia.net Correspondent
a.alqasimi@yahoo.de




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.