Hogaamiye mise Madaxweyne?! Qeybta 2-aad

Dr. Ahmad Abdulahi (Keydmedia) - Fadlan Aqriso Qeybtii 1-aad - Mudnaanta ay leedahay in lahelo Hogaan sax ah, waamid aad u weyn, maxaayeelay waxaa badan dadku inay ku daydaan ama qaataan tilmaamaha hogaamiyahooda, (Dadku waxay qaataan dabeecadaha iyo Diinta uu haysto Hogaamiyahoodu).
Maqaallo Keydmedia Online
Hogaamiye mise Madaxweyne?! Qeybta 2-aad

Rasuulkenii suubanaana wuxuu yiri (2 Qaybood oo Bulshada kamid ahi haday toosaan/Wanaagsan yihiin, Bulshada oo dhan wey toostaa, labadaasina waa Culimada iyo Madaxda).

Hadaba yaa Hogaamiye noqon kara, maxayse yihiin tilmaamaha Hogaamiyuhu?

Hogaamiye waa qof lagu daydo, oo Ummada inteeda kale u ah Tusaale oo Rabbi uu siiyay Tilmaamo sare, oo kasoocaya dadka intiisa kale.

Tilmaamahaa qaar waa lagu soo dhashaa ama ladhaxlaa, qaarna waa lagu tababartaa, ama waa lays baraa. (Waxaa layiri saxaabi la oran jiray Mucawiye ibn abi Sufyaan ayaa ninbaa arkay isagoo yar oo hooyadiis wado, wuxuuna yiri, wiilkani wuxuu noqon doonaa hogaamiyaha Carabta, hooyadiina waxay tiri; haduuna Aduunyada hogaaminin waaban gablamay).

Dhab ahaana wuxuu Mucaawiye unoqday waqtigiisii hogaamiyaha Aduunyada ugu awooda iyo xooga badan, taasina waxay caddaynaysaa in tilmaamaha Caqliga, Maamulka, Deganaanta, Xilkasnimada ilmaha oo yar laga arki karo, kadibna loo baahan yahay in loosii adkeeyo, lagu sii tababaro, sida ay Mucaawiye hooyadii kutaa-maysay.

Hogaamiye waa qof kufikiri kara inuu Guulo sare xaqiijiyo isagoo adeejinaya ama shaqa-galinaya Ummada oo dhan. Isla markaana Ummadu ay siinayso kalsooni iyo jacayl daacadnimo, maadaama uu iyada ushaqaynayo, hormarinayo, danaheeda ilaalinayo, jiritaankeeda siixoojinayo.

Tilmaamaha lagarabo hogamiyaha wanaagsani way badan-yihiin, balse hadaan beegsano kuwa ugu mudnaanta badan, waxaan soo qaadan karaa kuwan soo socda: 1, 2: Dulqaad iyo Deeq, oo qof aan lahayn Dulqaad oo xanaaq badan, lana dagaalamaya qofkasta Hogaaiye manoqon karo. Sidoo kale qof ay ku adagtahay wax bixinta iyo gacan iska hormarintu ma hogaamin karo Bulsho, maxaayeelay dadka qaarbaan kuu hogaan-samaynin hadaada Afka wax ugalinin.

3. Caqli badan iyo garasho sare, siuu ukala sooci karo dhacdooyinku mudnaanta ay kala leeyihiin, waxa kadhalan kara iyo jawaabta uguhaboon ee laga  bixin karo. (waxaa layiri doqonku wuxuu fiiriyaa cirbihiisa hoostooda, Caaqilkuna wuxuu fiiriyaa aragiisu meesha uu kudhamaado). Marka qofka doqonka ahi meeshii uu kalmad kujawaabi lahaa, Dagaal buu kabilaabaa, meeshii Dagaal iyo raganimo ubaahnaydna wuu kaseexdaa.

4. Karti iyo Awood waxqabad, oo qof Daciif ah/ waxmatare ahi, hogaamiye sare manoqon karo, maxaayeelay qofka daciifka ah waa laga talaabsan, ummadiina waa laqabsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood lagaga haybaysto.

5. Cilmi iyo Aqoon uu kufahmo dhacdooyinka iyo geedi socodka Aduunyada, oo qof dhoohan oo Jaahil ahi naftiisaba maho-gaamin karo maadaama ay adagtahay inuu kalagarto Khayrka iyo sharta, waxa qiimaha leh iyo waxa aan qiimaha lahayn.  Labadaa Tilmaamoodna (Kartida iyo Cilmiga) Rabbi baa Qur´aanka kusheegay dhawr jeer, isagoo kuyiri carabka gabadhii Nabi Shucayb markay kahad-laysay Tilmaamaha Nabi Muuse:  ?? ??? ?? ??????? ??????? ??????
Nabi Yuusufna markuu kacodsanayay Boqorkii Fircoon ahaa inuu kadhigo wasiirka Lacagta wuxuu yiri waxaan ahay (Qof wax ilaalin kara, lehna Aqoon sare).  

6. Sabar, adkaysi iyo Dulqaad, oo qof naxdin badan oo argagaxaya   markuu waxyar oo khatara arko, ama oynaya sida Ciyaalka, Hogaan sare manoqon karo, maxaayeelay Oohintii iyo argagixi Ciidanka ayuu ku daaranayaa, halkaana ummadii baa ku jabaysa.

7. Iimaan dhab ah ama mabda uu rumaysan yahay siadagna uhaysto, (Yaqiin) diyaarna uah inuu Ummadiisa kuhogaamiyo kuhormariyo. Labadaa  tilmaamoodna Rabbi wuxuu ku sheegay Aayadan; ???????? ???? ????? ?????? ??? ????? ?????? ??????? ??????

8. Latashi iyo talaqaadasho, oo qofka aan dadka latashanini wuxuu noqonayaa kaligii taliye, taana waa lagujabaa, waana mid aan waqtiga xaadirka ah ka dharagsanahay xumaanteeda iyo dhibka aykeento. Waxaa kamid ahaa dhaqankii  Rasuulkeenii suubana (scw) inuu ku oranjiray Saxaabadiisa markasta oo ay kahortimaado arin muhiima ahi (ashiiruu calayya ayuhanaas = dadyahaw tala isiiya/ ilataliya). Qofkii dadka latashadaa caqligooduu lawadaagaa, kala faaiidaystaa, wuxuuna ku abuuraa ixtiraam iyo qadarin, qofka dadka talada kaqaadaana isagaa iscariirya, dadkana wuu duleeyaa wuxuuna dareensiiyaa liid iyo dulinimo.

9. Joog /muuqaal sare silooga haybaysto, maxaayeelay Hogaamiyuhu waa Wajigii ay Ummada iska hormarin lahayd, marka haduu yahay qof aad ugaaban, ama aan laxaad qabin, waxaa imaanaysa in layaso, oon sifiican loo dhagaysanin warkiisa.

Lasoco Qaybta 3aad

Dr. Ahmad Abdulahi - Germany - keydmedia.net Correspondent
a.alqasimi@yahoo.de




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.