Imisa Dal ayaa ka dhex jirta Soomaaliya…?

Cabdullahi Ibrahim - Waxaan waayadan ku wareeray waxa ay Soomaaliya tahay, Ma hal dalbaa mise Dalal badan oo mid isku ah? Imisaa Dal ayaa ka dhex jirta Wadanka Soomaaliya?
Maqaallo Keydmedia Online
Imisa Dal ayaa ka dhex jirta Soomaaliya…?

Kadib markii aan dhegeystay Siyaasiyiinta reer Soomaaliland iyo xitaa kuwa kale reer Koonfureedka ah oo marka ay hadlayaan ka dhigaya Soomaaliya sida dalal dhowr ah, waxaa iyagana wadadaasi maray Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.
 
Inkasta oo dalka Soomaaliya uu ka dhacay Dagaal Sokeeyo hadana waxaa uu Caalamku u aqoonsanaa dal ka mid ah dalalka Caalamka, Waxaana tusaale u ahaa sida uu Calanka Soomaaliya uu uga babanayey Maxaafisha dowliga ah. Hadda oo ay ka jirto dowlad rasmi ahna wali waxa loo aqoonsan yahay dal mid ah walibana xor ah.

Maadaama ay Soomaaliya ka tirsaneyd Ururo Caalami iyo kuwa Goboleedba marna ma banaanaanin Korsigeedii xitaa intii aan la dhisin dowladihii Ku-meelgaarka ahaa, Waxaa Iyadana xusid mudan in ay shaqeynayeen Safaaradihii ay ku lahayd Caalamka taas oo muujineysey in ay wali tahay dal xor ah oo jira.
 
Markii ay dhacday Dowladdii dhexe  waxaa laga dhisay Wadanka  Maamulo qaar sheegay in ay ka go




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.