“IN AAN MUSLIM AHAADO QASAB MA AHA” - Sheekada Gabar yar oo Soomaali ah

Axmed Cali Sheikh - Ilaahay Nazahnaay korna ahaay’e, uguma talo-gelin in aadanuhu ogaadaan waxa dhici doona Mustaqbalka, waana Sababta Dadka u qaadaan tallaabooyinka ku saleysan Go’aamada nolosha, ayaga oo aan wax horu-dhac ah ka heysan cirib dambeedka.
Maqaallo Keydmedia Online
“IN AAN MUSLIM AHAADO QASAB MA AHA” - Sheekada Gabar yar oo Soomaali ah

Waxaa taa la mid ah xaaladda ZAHRA CABDI IYO XASAN CABDILLAHI. Ma aysan xisaabta ku darsan inay dhici doonaan wixi dhacay 10 sano kadib, markii ay wixii ay hanta lahaayeen iyo noloshooda qaaradda Africa, gaar ahaanna Nairobi, Kenya ku doorsadeen inay u dhaqaaqaan Mareykanka, oo ay ka sawirteen nolol tan ugu dambeysa ee caalamka laga heli karo. 

Sanaddii 2001-dii ayay xaraasheen ganacsi bullaalay kumanaan Dollar-na ku fadhiya, waxaana lacagtii ugu soo noqotay 14 Kun oo Dollar oo ka mid ah ay ku iibsadeen barnaamijkii iminka Mareykanka hakiyay ee PRIORITY III (Ahmiyadda saddexaad), hase yeeshee Soomaalida u taqaan ISBOONSAR. Kalligoodna ma ahan’e Soomaalida badan oo qurbaha madax-maray ayaa sidaas sameeyay, welina u fadhiya inay sameeyaan.

Markii ay Mareykanka yimaadeen, lamaanahaas waxaa illaahay ugu deeqay Saddex Caruur ah oo ka koobnaa laba Gabar iyo Wiil.

Haddii Shan Sano Mareykanka ay isla rafanayeen, arkeenna xaqiiqda Noloshiisa, waxaa odaygu ku taliyay islaantuna ku raacday in carbaha loo kaxeeyo Ciyaalka iyo Hooyada, odayguna soo xamaalo, si Caruurta diinta loogu abaabiyo, culeeska xagga Qarashkana la fududeeyo.

Kadib arrimo dhowr ah oo is biirsaday ayaa Shan sano kadib qeyb dambeedkii 2011-dii, ciyaalkii laga soo celiyay Dalka Saudi Arabia, ayaga oo xooga soo Diin iyo Qur’aan bartay, rajadooda ciyaal muslimiin ahna ay 100% ka sareyso Shan sano ka hor, waxaana ay halkan ka billaabeen iskuul American ah.

Maalinbaa waxaa dhacday in Gabadhii reerka ku curtay ay hindhistay, kadibna iska aamustay, markaasbaa hooyadeed oo ag fadhida dareemtayna in gabadha yar ay wax hilmaamsan tahay waxay ku canaanatay “Fahmo, hooyo maad tiraahdid Alxamdulilaah”, canugtii yareed oo aad mooday in mar horeba ay diyaarsatay jawaabta hadalkaas, ayaa ku amar waalid diiday “Maxaan u dhahaa”. Hooyadii oo ka yaaban soo tagnaanta canugta yar ayaa ku qeylisay “ Maxaan u dhahaa maxay tahay soo ma tihid Qof muslim ah”.

Hase yeeshee erayo is weydaarsigaasi kadib wixii dhacay waxay ahaayeen amakaag iyo yaab iyo wax dhacay wax aysan hooyo Zahra iyo Aabe Xasan marnaba ku xisaabtamin inay dhici doonaan, markii ay 10 sano ka hor usoo muhaajireen America.

Canugtii yareed oo ka war celineysay hadalkii Hooyo ee ahaa “Maxaan u dhahaa maxay tahay soo ma tihid qof muslim ah”, ayaa ku af English tiri “I am a Muslim, but I don’t have to be a Muslim (Waan ahay Muslim laakin qasab maaha inaan Muslim ahaado)’.


Daawo Video Cusub


Subxaanallahi, hooyadii jawaabti xigtay oo ay bixisay waxay ahayd dharbaaxo ay Canugta la dhacday iyo aamusnaaan.

Inkasta oo gabadhaas yar ee sagaal jirka ah laga yaaabo ama ay u badan tahay in hadallada faceed ka weynka ah ee Afkeeda kasoo burqaday aysan jirin qalbigeeda, haddana ugu yaraan waxa ay ku tuseysaa inay caruurta aan ku korin deegaan (environment) islami ah ay u nugul yihiin in waddada qarkeeda ay ka dhacaan.

Deegaanka waa waxa ugua awoodda badan ee saameeya dhaqanka iyo Nolosha Qofka. Marka Gabar hadda dhow ka timid Saudi Arabia, sidaas maskaxdeeda deg deg loogu beddelay, maxaad u maleyn kuwa aan weligoodba dad muslim ah ku dhex noolaan?

Caruur badan oo Soomaali ah oo ku koray Mareykanka iyo Yurub ayaa xaalkaasi iyo kuwa ka daranba ku sugan. Qaarbaa katiinado xirtay, kuwa baa burcad noqday, kuwa Doofaarka iyo hilibka xalaashaha uma kala soocna, kuwana daroogada ay sida cooska oo kale u daaqaan.

Hooyo iyo Aabe ka feker. Ubad aad korineysay 20 sano, waqti maskax iyo maalba ku bixisay marka uu noqdo illaaah kaagama dhigo’e mid aan xoolaha daaqa waxba dhaamin.

Waa jiraan kuwa badan oo dhulal islaami iyo Somalia ku dhashay kuna koray oo kuwa galbeedka ku bar baaray ka liita, balse marka aynu ku hadleyno dhaqan doorsoonka iyo diin la’aanta, xaqiiqdii aad ayaan ugu nugul nahay dadkeena qurbaha, gaar ahaan caruurrta.

Allaah waalidka ayuu mas’uul uga dhigay inay ubadkooda ku abaabiyaan dariiqa toosan iyo diinta Islaam-ka, mana jirto wax cudur daar ah oo aynu u heli doono, haddii deegaanka uu ku nool nahay ubadkeena galabsado. Haddii aad isku qancin lahayd dalkeyga dagaal ayaa ka socda iyo nabad ma lahan, ogow xabadda ayaa dhaanta ubad yiraahda muslimnimada qasab maaha.

Waxaa yaab leh in xaalada ceynkaas ah aynu ku bixineyno kumanaan dollar, oo dadkii dhanba ay noqdeen kuwa sidii Yurub ama America ay ku tagi lahaayeen ku xoola beela.

Qofbaa 25 kun oo dollar ku bixinaya in Sweden ama Holland iyo wixi la mid ah uu tago, kadibna u gacan hoorsado kun EURO oo ceyr ah. ka fikir lacagtaas oo uu ku maal geliyo Africa. Waxaa laga yaabaa in 5 sano kadib ay gaarto boqol kun, haddii illaah u bulaaliyo, halka 5 sano oo yurub ahna uusan kusoo ceshan karin toban kun oo ayadii ka mid ah, marka uu noloshiisa mareeyo. Markaas ayaan ku wada dhaleynaa caruur xaalkooda illaah og yahay.

Allaah u badka hanoo wada toosiyo, annagan xaqa ha inna fahamsiiyo.

FG: Qoraalkan waxa uu ku saleysan yahay arrin ka dhacday USA, waxaase laga yaabaa in magacyada dadka ay quseyso la beddelay si noloshooda gaarka ah loo ilaaliyo, waxaana usoo qoray in dadka ku baraarugaan lana socdaan xaalka ubadkooda.

Wixii aan saxay illaah xagiisa ayay ka ahaadeen wixii aan qaldayna sheydaan iyo naf, ma qaldamana waa illaah. Wixii tallo iyo tusaale ah waxaad kusoo diri kartaa:

Alaxmed@hotmail.com ama [url=http://www.facebook.com/alaxmed]http://www.facebook.com/alaxmed[/url]  
W/Q: Axmed Cali Sheikh - Minnesota, USA




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.