Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Geerida iyo Gabood falka dhacay maalintii Affarta April 2012 waxay ka mid tahay arrimaha ugu waa weyn ay argagixida ka fuliyeen geyiga Soomaaliya.
Maqaallo Keydmedia Online
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Saacadda markii ay ku aadaneed Abaarihii 11.00 subax nimo ayadoo tiyaartarka ay ka socoto dabaal degga Sanad Guurada koowaad dib u howl gelinta Tv Qaranka ayaa meeshii rayn-rayn iyo fantasiyo laga maleysanayay waxaa gabar labaatan Sano jir ah isku qarxisay dadweynihii goobta xaadirka ku ahaa.

Goobtaas waxaa ku Geeriyooday ilaa Toddobo ruux dhaawacana kor u dhaafay labaatan.

Dadka meeshaas ku shahiiday Allaah ha u naxariistee waxaa ka mid ahaa madaxdii Olimpicada Soomaaliya Marxuum Aadan Xaaji Yabarow wiish, madaxa sare xiriirka kubadda cagta Yoomaaliyeed marxuum Saciid Maxamed Nuur ( Mugambe )waxaa kale oo ku dhaawacmay Xaaji Colow,raggaas waxay ahaayeen kaadir sporti oo muujiyay geesi nimo xad dhaaf ah ayagoo u jilba dhigay una adkeystay kuna shaqeeyay xaalad adag muddo kor u dhaaftay labaatan sano.

Dadaalkooda waxa uu sabab u noqday in marna masraxa adduunka uu san ka maqnaanin sportiga Soomaaliya.  

Ayadoo arrinta sidaas tahay ayaa dadkaas waxay baxeen gacan ka gar daran ujeedada ka dambeysana ay tahay sidii loo curyaamin lahaa umadda, ayadoo la hal baagsanaayo inta indhaha u ah una taagan kor u qaadidda masiirka shacbiga.

Falkaan gurracan iyo mid la mid ah muddaba waddanka wuu ka jiray, waxaa hore u dhacay gummaadkii hotel Shaamo, kii Beled weyne iyo in keli keli  amaa koox-koox loo ugaarsado inta markaas la moodo in dadka wax tar u yihiin.

Fikir xumaha waxa manta uu fursad u helay in hal goob kaliya ku gummaado kaadiriintii sportiga Soomaaliya, waxaa la hubaa in falkaan ay ka dambeeyaan dhagar qabayaal naxariis laawayaal ah oo isu kaashaday dilka iyo gummaadka dad waxba galab sanin, sida runta ah na waxaa la gaari doonaa malin awood loo helo in si adag looga abaal mariyo dadka caadeystay in waddanka ka fuliyaan gabood fal gurracan,shakina kuma jiro in dadkaas lala tiigsan doono maxkamad si waafi ah u qaado kana abaal mariso dembiyada sida bareerka ah ay u galeen.

Qaraxa iyo gummaadka guul laguma gaaro,dadka howlahaas ka dambeeya waxaa dhowr jeer loogu baaqay in ay soo gogol fariistaan si meel la isula dhigo waxa la kala tirsanaayo,balse ururada isu bahaystay la dirirka dowladda waxay ka mideysan yihiin marin habaaninta dhallinyarada mustaqbilka waddanka ayagoo maalin waliba mid ku dhiri gelinaayo ama ku guubaabinaayo in is qarxiyaan sida haatamba ay yeeshay gabarta tiyaatarka isku dhex qarxisay.

Ugu dambeyntii ururada caadada ka dhigta gumaadka iyo dhibateynta umadda waxaa looga digayaa in ay ka waantoobaan ku sii socodka falka xun ayagoo madaxa ku hayo in maalin un dhamaan doonto fowdada haatan waddanka ka taagan, ayadoo la ogyahay in ay jiraan dad si gaar ah u keydiyo dhagarta lagula kaco kaadiriinta iyo masaakiinta si markii awood loo helo dhagar qabayaasha loogu caddeyo fal dembiyeedka ay sida bareerka ah u galeen.

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Xussein1939@hotmail.com - Edmonton London


Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.