Isa seeg!!!

Dunida waa yaab u joog saxaafadana waa wariso, colaada Soomaaliya ka taagan shacabaka wax ay bartay darsiyo aan hore loo aqoon, waxaana soo ifbaxay nolal aan nooceeda hore loo arkin. Dhalinyarada iminka hana qaaday ee guur doonka ah waxa ay dhibaato xoogan xiligan kala kulmeen dagaalada ka socda Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho oo waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay kulamadii ay wadaagi jireen lamaanayaasha jaceyl wadaaga ah ee ku wada noolaa Magaalada.
Maqaallo Keydmedia Online
Isa seeg!!!

Waxaa lagu kaftamaa gudaha muqdisho marka la joogo in magaalada ay u qeebsantahay laba dhan oo ay dadka u kala yeeleen magacyo, sida: Kuuriyada Waqooyi iyo Tan koonfureed, Yamen iyo Sacuudiga, Bakistaan iyo Afgaanistaan iyo tilmaama kale oo u dhaw.

C/raxmaan Max’ed waa wiil dhalinyara ah waxa uu ku noolyahay degmada Waabri ee gobalka Banaadir oo ka mid ah degmooyinka loo soo barkacay iminka, laakiin waxa uu ku soo koray kuna soo barbaaray degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Shirkoole, imanka C/raxmaan waa 23 jir guurdoon ah, waxa ay xiriir leeyihiin gabar ku nool deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho oo ah deegaan badanka dadkii daganaa Muqdisho ay hadda deegaansanayaan.

“Ma sahlana in aan ka dhabeyno jadwalka Nolasheena waayo waxaa nagu gadaaman caqabado badan sida dagaal, Gaari la’aan, wado xiranta iyo amuura kale oo badan”ayuu yiri C/raxmaan waxaana uu intaasi ku sii daray isaga oo hadalkiisa wata in dhawr mar oo uu la balansanaa Gabadha Gayaankiis ah ee ay sheekada kala dhaxeysa inuu xiligii balanta hareer maray caqabadaha jire darteed isla markaana uu halkaasi ka dhashay khilaaf lamaane.

Istanbuul waa Gabar dhawr iyo 20 sano jir ah kuna nool degmada dharkeyley ee magaalada muqdisho, waxa ay xiriir adag wadaagaan nin ku lug leh arimaha ganacsiga kana howl gala gudaha Suuqa bakaaraha, xili hore waxa ay daganeed Istanbuul degmada wardhiigley oo kaabiga ku heysa suuqa Bakaaraha laakiin madaafiicda meel ma dayatada ah ayeey ka soo barakaceen qoyskeeda, taasina waxa ay sababtay in maqal mooyee muuqaal ahaan ay isa seegaan iyada iyo Saaxibkeed mudo ku dhaw sanad iyagoo magaalada wada jooga.

Xabiib Cabdi waa hooyo leh 8 Caruur ah ka soo barakacday degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, hadana ku nool xaafada Buulaxuubeey oo ka tirsan degmada Wadajir, xabiibo seygeedii ma arkin mudo ka badan sanad sabab la xiriirta isaga oo xiriir la leh kooxaha dowladda ka soo horjeeda isla markaana ka cabsi qaba imaanshaha deegaanada ay ka taliso Dowladda KMG ah.

Hooyadan iyana kuma raali ah tagida deegaanada ay ka taliyaan xoogaga dowladda ka soo horjeeda sabab la xiriirta uur ku taalo ba’an oo ay dareemeyso kolka ay tagto deegaanadaasi, waayo waxaa ku dhintay  seddexdii sano ee la soo dhaafay laba ka mid ah walaalaheed iyo Aabahii dhalay, kuwaasoo madaafiicda leysku asqeeyo sababsaday.

Muqdisho maanta waxaa laga heli karaa Hooyo, Aabo, ubadkooda, nin iyo xaaskiisa, laba saaxib ah,oo aan wada yeelan Karin kulamo waayo ma jirto magaalada meel dhexe oo leysugu yimaado kana madax banaan arimaha siyaasada iyo hardanka.

Dadka ku nool dhanka mucaaradka waxa ay u heystaan dad kale ee ku nool dhanka dowladda ku dhibaateysan oo aan nolal wacan heysan iyadoona dhanka kale dadka ku nool dhulka dowladda ay kuwa kale ka qabaan fikrad sidaas oo kale ah.

Waa suurta gal in dad badan oo akhrinaya qoraalkan ay layaab ku noqoto suurta galinmada arinkan laakiin waa waxa la hubo oo dharaar walba si toos ah uga dhaca Magaalada Muqdisho oo waa aheyd magaalo taariikheed loo soo dalxiis tago

Dad badan oo iminka ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda waxa ay ku alle tuugayaan in mar uun ay dhacday dadkii isa seegay ee waqtiga iyo waayaha ay kala kaxeeyeen ay dib u kulmaan isla markaana ay hana qaado nolashii macaaneed ee waaya ka hor ay ku noolaayeen.

Hadaba sidee ugu macquulsan oo ay dib isugu hanan karaan dadka isa seegay ee waqtiga iy waayuhu ay kala geeyeen? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent

___________________________________________________________________________________

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.