Isbadal Cusub

Keydmedia Online - Dad badan oo indha indheeya Arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in Madaxweynaha Cusub ee ay Soomaaliya yeelatay uu noqon doono kii ay Soomaaliya uga bixi lahayd dhibaatadii 22-kii Sano ee la soo dhaafay ay ku soo jirtay.
Maqaallo Keydmedia Online
Isbadal Cusub

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud waa Aqoonyahan 57 Jir ah.

"Allow Maanta waa sidii i uu Cunug ii dhashay, Rajo Cusub ayaa soo baxday" ayee tiri Faadumo oo la hadashay Keydmedia Online.

14 Jir oo Wariyaha Keydmedia ee Nairobi la hadlay ayaa yiri "Waligey ma arkin Dowlad, waligeynah ma xiseenin Siyaasadda Soomaaliya laakiin Maantay waa Maalin weyn"

Hadaba Hoos ka Aqriso Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Wuxuu doorashada madaxtinimada kaga guuleystay Shariif Sheekh Axmed oo Soomaaliya madaxweyne ka ahaa tan iyo sanadkii 2009.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sanadkii 1981 ka qalinjebiyay jaamacadda qaranka Soomaaliya. Dalka India ayuu aqoon kororsi u aaday, wuxuuna sanadkii 1988 shahaada Master Degree ka qaatay jaamacad ku taalla dalkaas oo lagu magacaabo Bhopal University.

Wuxuu siyaasadda dalka Soomaaliya ku soo biiray sanadkii 2011 kaddib shir ka dhacay hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasoo loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga PDP ee Nabadda iyo Horumarinta (Peace and Development Party).

Xisbiga PDP waxaa xubno ka ah wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle iyo xildhibaan hore, Maxamed Nuur Sheegoow.

Muddadii u dhaxeysay 1993 ilaa 1995, Xasan wuxuu ku noqday Soomaaliya isagoo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kala shaqeeyay hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta.

Wuxuu kaloo la shaqeeyay dhowr hay’adood oo ay ku jiraan UNDP, UNICEF, Life and Peace Institiute, Conciliation Resources, Oxford University, Center for Refugees studies, Interpeace, CRD iyo dowladdii KMG ahayd.

Sanadkii 2010 wuxuu hormuud jaamacadeed ka noqday machadka SIMAD ee magaalada Muqdisho oo uu isagu wax ka aasaasay. Machadka SIMAD ayaa markii dambe laga dhigay jaamacadda SIMAD.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga iyo af-Ingiriiska.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.