Jabka Shabaab ma guuldaraa mise waa Garab la’aan?

Abudlkarim Haji Seeko (Keydmedia) - Al-shabaab wixii ka danbeeyay 6-dii August oo ku beegneed maalintii ay Muqdisho qeyb ahaan faarujiyeen waxaa muuqaneysay in lagu jibinayo meela badan oo ka mid ah furamaha Dagaalka isla markaana lagala wareegayo.
Maqaallo Keydmedia Online
Jabka Shabaab ma guuldaraa mise waa Garab la’aan?

Afhayeenadooda wali kama caajisin in ay sheegtaan guulo kuna hanjabaan dagaalo ugub ah iyo qidida cusub laakiin fagaarayaasha dagaalka kama soo muuqdaan arimahaasi oo waa kuwa ku siman kaliya afka isla markaana ficil iyo talaaaba qaad aanay la socon.

Baaritaan ay sameysay keydmedia ayaa lagu ogaaday in waxa ku dhacay Al-shabaab aanay aheyn guuldaro balse ay tahay garab la’aan ka soo wajahday dhanka Shacabka Soomaaliyeed oo ku baraarugay hagar daamada kooxda iyo dhibaatada ay shacabka ku hayaan.

“Waxba iskama badalin awoodii ciidan ee shabaab, laakiin waxaa nacay shacabka oo niyadeena ayaan ka goosanay sidaa darted ayeey u jabeen Shabaab, waayo markii hore annaga ayaa qarin jirinay gacana ku siin jirnay Dagaalka, laakiin abaal ma lahan oo waa abuur” sidaa waxaa u sheegay keydmedia hooyo 55 sano jir ah kuna nool suuqa xoolaha oo ka mid ah goobihii ay shabaab sida weyn ugu xooganaayeen ee misna laga saaray.

“Waa hubaal inaan maalin qura laga saari laheyn shabaab xaafad ka mid ah Muqdisho hadii ay noqon lahaayeen kuwa kasbada shacabka isla markaana joojiya gawraca, baada, guurka qasabka ah, karbaashka aan xadka laheyn, diinta la dhalan rogay iyo waliba talaabooyinka foosha xun ee mar walba ay ku kacaan dhalinyarada aan aqoonta laheyn ee ka tirsan Shabaab” sidaa waxaa yiri Eng Cabaas deerow oo ay Al-shabaab ka soo ceyriyeen Baydhabo 8 bilood ka hor.

Dad badan waxay rumeysan yihiin in habaarka Shacabka Soomaaliyeed ee abriyada ah ay tahay sababta ugu weyn ee keentay in Al-shabaab ay ku jabaan Dagaalada ka socda Soomaaliya isla markaana ay ku waayaan fariisimo muhiim u ahaa jiritaankooda iyo quwadooda intuba.

Waxa leysku raacsan yahay in mar walba ay guusha heleyso cida ay shacabka la jirto, taa macnaheedu ma ahan in shacabka ay jecel yihiin xiligan dowlada iyo AMISOM laakiin waxaa la dhihi karaa waxaa ka batay shacabka naceybka ay u qabaan Al-shabaab oo ah koox jecleysatay kaligeed in ay noolaato umada kalana ay noqdaan kuwa duli iyo dulmi ku hoos nool.

Ilo wargal ah waxa ay sheegeen in shacabka ku nool gobalada Bay, bakool, shabeelooyinka iyo Hiiraan ay dharaar iyo galab ku alle tuugaan in Shabaab ay waayaan isla markaana uu alle ka dul qaado mixnada iyo dhibaatada gaamurtay ee ay shabaab ku hayaan umada.

Gobalada aanu soo sheegnay waxaa ka dhaca mar walba falal u qaab eg aduunsigii dunida ay qarniyo ka hor ka soo gudubtay,waxaana shabaabka ay kula kacaan marasta ku nool deegaanadaasi dhibaatooyin xoog leh oo u badan ciqaab iyo baad hantiyadeed.

“Xaalada waxay mareysaa ayax tag eelna reeb, shabaab military ahaan way ka baxeen xaafadeenii, laakiin cabsida aan qabno xiligan waxay tahay maadaama  deegaanada ay soo dageen Amisom iyo dowlada in ay ka fuliyaan is qarxin ay dhibaato naga soo gaarto” sidaa waxaa u sheegay keydmedia Cismaaciil Jimcaale oo ku nool xaafada Suuq bacaad oo dhawaan Shabaab ay ka baxeen.

Dadka mudada ku dhex jiray shabaab waxa ay kuu sheegayaan in asalkaba tira ahaan kooxda Militarigeedu inaanu aheyn mid quwad badan laakin ay ahaayeen kuwa muujinaya isku duubni iyo anjada mid ah, laakiin iminka waxaa muuqanaya in kooxda qudheeda uu kala dhantaalan ku yimid ayna isku qilaafeen ajandayaasha dagaalka qaarkood.

Waxay leeyihiin taageerayaasha Shabaab ajandayaasha is weedaarsan ee ay kala wataan horjoogayaasha reer koonfureedka iyo kuwa reer waqooyga ee shabaab ayaa sababay in ay wasaq gaarto xiriirkii kooxda halkakasina ay kooxda ka wajahdo garab la’aan baahsan oo keentay in la jabiyo kooxda maadaama ay is maandhaaftay.

Xiligan la joogo waxay ku laab qabowsadaan ku tirsanayaasha shabaab in mar kale ay mid noqon doonaan isla markaana awoodooda ay soo laaban doonto, laakiin dadka ku can baxay lafagurka waxa ay leeyihiin bidhaanta shabaab waxa ay u muuqataa mid sii mirqeysa isla markaana ay yartahay suurta galnimadeeda in dib loo arko hadii aanay si kale wax u dhicin.

Abudlkarim Haji Seeko – Keydmedia Correspondent - abudlkarim.haji.seeko@keydmedia.net


Binti Cumar Gacal - "Fanka iyo Al Shabaab" HD - Video





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.