Jaziirada Walaaca

Sh. M. EL-Aadam Idbac Dadka Cilmiga Juquraafiga ku xeeldheer jaziirad waxa ay ku sifeeyaan dhul yar oo ay dacalada biya ka wada xigaan, laakiin Jaziirada aynu manta ka hadleyno waa mid ka duwan jaziiradihii aynu naqaanay ee caalamka. Tani waxay ku taalaa Caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho, waxa ayna ku fadhidaa dhul baaxad leh oo bari samaadkii Caan ku ahaa isu imaatinka bulsho iyo waliba gooba waxbarasho.
Maqaallo Keydmedia Online
Jaziirada Walaaca

Jaziiradan waxa uu xadkeeda ka soo bilawdaa Gurigii Shaqaalaha ee Wadada Maka Al-mukrama oo hada fariisin u ah ciidamada shisheeye ee AMISOM, hore u soo raac laamiga waa isgoyskii dabka, hoos u daadag  Baar Raaxo iyo Baar Jabuuti, Bidix Suuqii Siigaale iyo Iskuulkii Dhagaxtuur midigtana Suuqii qudaarta ee Ceel Garweyne.

Dad badan oo xili Nabad ah ku soo qaatay Muqdisho deegaanadaasi si weyn ayeey laabta ugu hayaan gaar ahaan  dadkii ku caweyn jiray Baar ruuxo iyo Baar jabuuti iyo sidoo kale Ardaydii Dugsiga Dhagaxtuur.

Inta aynaan u daadagin xaalada xiligan ee Jaziiradaasi aynu milicsano sagaashamaadkii iyo magacii loo yaqiin, waxaa xiligaasi loogu magac daray “BERMUUDI” oo macnaheedu yahay wixii gala dib looma arkaan, xaqiiqan xaalka sidaa wuu ahaa oo qofkii soo gala waa loo yaabi jiray oo isaga oo bad qaba sooma samabixin jirin waaba hadii uu bad baadee.

Sanadkii 2006-dii markii ay maxkadmihii Muqdisho la wareegeen ayeey xaafadahaasi xaaladooda caadi ku soo laabtay, waxayna taasi sababtay in  xaafadahaasi ay noqdaan kuwa loo soo hirto.

Deegaanadaasi aan ugu magac  darnay jaziiradii walaaca hada waa kuwa dariiq ahaan la isticmaalo balse xaalada waa sidee xiliga la adeegsanayo wadadaasi?

Guriga Shaqaalaha sida aan hore u sheegnay waxaa dagan Ciidamada Shisheeye ee AMISOM kuwaas oo gacan gar gaar Siiya Dowlada Shariif Shiikh Axmed uu Madaxda ka yahay hubkooda waxa ay ku fooraraan dhanka xaruntii degmada Hodan, Wadadii KPP, iyo Suuqa Bakaaraha, Dhanka Siigaale hadaan u soo weecano waxaa qorya madmadow isku horfadhiya xooga Ahlu Suna iyo garab ka mid ah dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda, ka soo talaab laamiga ka soo baxa Wadad Dabka oo u soo wareeg dhanka Degmada Howl wadaag iyo halkii uu ka yaalay Baar Raaxo, waxaa ku wada sugan Ciidamo Dowlada ka soo gadooday oo doorbiday ka mid noqoshada Ahlu-suna balse Dowlada ay ciidan ahaan u tirsato ugana faanto, wax yar dhanka isgoyska Bakaaraha marka loo durko waa mar kale iyo wiil Madow oo qori madow.

Wadada tan waa mida ay isticmaalaan Baabuurta ka kala tagtay Buula-Xuubeey, Xamarweyne, Madiino iyo Deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ee ku dhararsan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye dhamaan gaadiidkaasi bartilmaameedkooda waa Suuqa bakaaraha  iyo qutul yoon raadis.

“Bismilaahi Raxmaani Raxiim, ilaahow na mooti, wey bilaabatay xabada, ma soo rideen mise waa sii rideen, Darwal jooji, Darawal Soco oo na gudbi, war hana dilin ee xabada naga jooji, Qeylada Dhaafa waan gudbeynaa” Doodaasi iyo calaacalkaasi waa mid saacad walba ka dhacda jaziirada walaaca.

“War jooji gaariga oo dib ugu laabo halkaad ka timid, mana na soo dhex mari kartid cadowga ayaad u adeegeysaa” tanina waa fal celinta shacabka iyo gaadiidleyda ay kala kulmaan dhalinyarada qoryaha wadata ee seddexda aabe ku kala abtirsata ee labo ilma habreeda ay yihiin (DOWLADA IYO AHLU SUNA).

Maxaa casar liiqad shacab hoyaad ah halkaasi lagu halaagay oo xabad aan loo meel dayin lagu asqeeyay misna lagu kala faanay leyntooda iyadoo warbaahinta la adeegsanayo misna dhan walba uu sheegayo inuu ka guuleestay wax uu ku tilmaamay CADAWGA ALLE, Shacabka masaakiinta ah ee u soo xamaali tagay caruurta isuma qadada ah ma mudan yihiin in lagu tilmaamo cadawga alle, qofka wax dila iyo kan la dilase yaa cadawga alle ah?

“Waxaan ahay wadani Dalkiisa jacel isla markaana marna aan ku hamin inuu Dalka dibad joog qaxooti ah ka noqdo, laakiin Subax iyo galba walba marka aan ku safro jaziirada walaaca waxaan go’aansadaa in aan Dalka ka cararo allow maan  badda ku dhaco  bahaladana i canuunaan” sidaa waxaa yiri isaga oo is ciil kaanbinaya nin oday ah oo aan da’diisa ku qiyaasay 60 Sano jir u shaqa taga Subax walba gudaha Suuqa Bakaaraha kuna safra jaziiradaasi.

“Waxaan ka mid ahaa ardayda Wax ka barata Machadka SIMAD ee ku yaala wadada Warshadaha, laakiin hada waxaan go’aansaday in aan joojiyo waxbarasha, waayo waxaan u dulqaadan kari waayay la kulanka Qatar joogta ah maalin walba si gaar ah inta u dhaxeysa isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka (Jaziirada Walaaca) waayo xili walba waa dagaal filo marka aqoon waa la helaa balse naf lama helo, iguma ogid Buug tan iyo amaan inta laga helayo” sidaa waxaa yiri Max’ed oo 22 Sano jir ah isla markaana isaga oo Semester -kii  seddexaad maraya uga haray Waxbarashada walaaca ka jira jaziirada.

Ma is leedahay akhriste in dadka halkaasi isku horfadhiya ee sheegaya in ay Dagaashan yihiin hubkana isu sitaan ay isu jiraan in ka yar 100 Meter oo xitaa xabad iska daaye Dagaal dhagxaan leysu adeegsado haday wada galaan waa kuwa si fudud u kala lib heli kara, laakiin dhamaashaha Dagaalka waa qasaaro qarash oo labada dhan soo wajahi karta, oo waxaa mashruuc lagu wada qaatay cabsi galinta shacabka kaliya iyo leyntooda .

Sheekada kale ee qosalka badan ayaa iyana waxa ay tahay dhinacyada isma farasaaraan inta badan xiliyada ay kaligood yihiin ee aanu shacabka wadada adeegsaneyn sida habeenkii oo kale Dagaalkooda waa galable iyo subaxle taasina ma kula tahay in ay diiwaan gashadaan dhincayada is haya dadka ay dilaan iyo kuwa ay dhaawacaan isla markaana ay ku helaan abaal marin dhaqaale dhan ay doontaba ha uga timaadee.

Wiil yar oo 13 sano jir ah isla markaana xili hubka u qaaday dhinac ka mid ah dhinacyada Dagaalama oo ii sheekeeyay  ayaa yiri “ waxaan ku sugnaa aag dagaal oo aan isaga soo horjeednay dhanka kale ee colaada ay naga dhaxeyso, annaga iyo iyagaba waxaan xabada bilaabi jirnay ugu yaraan marka ay ku kulmaan wadada noo dhaxeysa 10 qof oo shacab ah oo aan hubeesneen, taas macnhaheeda sooma ahan in dhamaan dhinacyada ay u bareerayaan leynta shacabka.

Abwaan Soomaaliyeed oo arimaha jaceylka hada hor wax ka yiri waxaa  laga hayaa “Allaa I baday jaceylka waa in aan kugu dul ooyaa” taa oo uu uga jeeday Gabar uu gaclooday balse la garan weysay, uma socda ka hadalka Sheeka jaceyl balse waxaan u danleeyahay in shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah xiligan ay ka joogta Allow is badal aan oohin laheyn noo dhali.

Mustaqbalka dhaw hadii aanu is badal muuqda dhicin isla markaana jaziirada walaaca ay sidan sii ii tahay waxa ay sheekada noqon doontaa in Muqdisho ay laba Magaalo oo daris ah noqoto isla markaana u kala safarkeeda shuruuda badan leysku xiro wallow shuuuradaha qaarkood saan saantooda hadaba la dareemayo, sheekada ku saabsan saansaanta shuruudaha kala qeybsoonka Muqdisho waa Mowduuc gooni ah oo aan xiligiisa ka hadli doono.

Hadaba akhriste sidey kuula muuqataa  nolasha ka jirta jaziiradan, abid ma ku hamiday in Muqdisho oo ah Magaala Muunadeed, Magaalo Sharafeed, iyo Magaalo Dalxiis in laga heli doono gudaheeda jaziirad ceynkan oo kale ah?

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha badalin

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.