Kacdoonka Shacabka - LIVE Blogging *Updated* - Warbixino, Sawiro & Video

Maamulka keydmedia ayaa go'aansaday macaamiisha keydmedia ee dunida daafaheeda ku nool in ay si toos ah ugu soo gudbiso kacdoonka shacab ee ka socda magaalada Muqdisho saacad walba halka ay mareyso xaalada, waxaa arintan ku howlan wariyaal iyo Sawir Qaadayaal khibrad leh oo ka tirsan keydmedia kuwaasoo si toos ah ula socda kacdoon wadayaasha indhahana ku haya talaaba walba oo ay qaadayaan.
Maqaallo Keydmedia Online
Kacdoonka Shacabka - LIVE Blogging *Updated* - Warbixino, Sawiro & Video

Warbixino, Sawiro, Video-yo ka turjumaya Xaalada sida ay tahay ayeey Keydmedia si toos ah idinkugu soo tabin doontaa. La Soco Saacad Walba!!


Kacdoonkii Maantay, TALAADO 14 JUNE 2011

Dibad bax mar kale ka bilowday Muqdisho

8:27 Am - Waxaa magaalada Muqdisho dib uga bilowday wax yar ka hor kacdoonadii lagu diidanaa heshiiskii Kampala iyadoona dowlada ay amaro ka soo saartay arinta dibad baxyad ku saabsan.

Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayeey iminka ku sugan yihiin dhalinyarada kacdoonka wada waxaana sida ay sheegeen ay ku sii jeedaan dhanka madaxtooyada Soomaaliya.

Cawil Max’ed Xuseen (midnimo) oo ka tirsan abaabulayaasha kacdoonkan loogu magac daray sagaalka June ayaa isagoo ku sugan KM4 gaar ahaan goobta uu dibad baxa ka socda u sheegay keydmedia in kacdoonka ay wadaan.

“Saakay gaadiid iyo dhalinyaro ayaa nagala xiray, shalayna sidoo kale laakiin kacdoonka wuu soconayaa inta uu midkeen banaanka joogo, hadaan xabsiyada galno xittaa waan wadaynaa kacdoonka annaga oo ku jirna gudaha xabsiyada” sidaa waxaa keydmedia u sheegay Cawil midnimo oo gudiga Abaabulka ku jira.

Sidoo kale gudoomiyaha gudiga abaabulka kacdoonka sagaalka juune C.qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo aan isku daynay in aan la hadalno si aan xog dheeri ah uga ogaano arimaha la xiriira kacdoonka ayaanay inoo suurta galin.

Kacdoonka maanta ayaa uga duwan kuwii hore iyada oo badanka dad ka qeyb galaya kacdoonka ay yihiin ardayda iskuulada magaalada Muqdisho oo ku labisan dharkii ay caanka ku ahaayeen.


BANAANBAX LAGU TAAGEERAAYO FARMAJO  - COLUMBUS OHIO  - BY Username:


Kacdoonkii Maantay, ISNIIN 13 JUNE 2011

Kacdoonkii oo Maantanah Hakaday

Taageerayaasha hogaamiye kooxeed shariif Xasan oo kacdoon wadayaasha aflgaado u geestay

8:00Am - Dadka sida weyn ula dhacsan siyaada guracan ee Hogaamiye Kooxeed Shariif Xasan ayaa waxaa ay aflagaado aan geed loogu soo gaban waxa ay warbaahinta u marsiiyeen kacdoon wadayaasha wadaniga ah ee Soomaaliyeed.

Yuusuf Siyaad indhacade oo ka mid ah dadka sida weyn u taageera Shariif Xasan ayaa ku sheegay kacdoon wadayaasha Soomaaliyeed kuwa dan kale leh, isagoona R.wasaare Farmaajo ku sheegay inuu yahay shaqsi aan waxba qaban.

“Maxaa loogu banaan bixi waayay Nuur Cade, Geedi, Cumar C.rashiid oo dhamaantood ahaa R.wasaareyaal is casilay waxna qabtay, arinta farmaajo dano kale ayaa ku hoos duugan” ayuu yiri Indhacade oo ku hadlayay ereyo la mid ah kuwii hogaamiye kooxeed shariif Xasan.

Waxa uu tilmaamay indhacade in R.wasaaraha loo kacdoomay waxqabadkiisa haba yaraatee aanu waxba qaban isagoona la meel dhigay kuwii hubka ka iibsan jiray kooxda Shabaab ee dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed la dagaalanta.

Shariif Shiikh Axmed: Kacdoon wadayaasha waa la dirireynaa

8:30am - Shariif Shiikh Axmed ayaa ku sheegay kacdoon wadyaasha wadaniga Soomaaliyeed in ay yihiin kuwa qaatay lacago isla markaana waxa uu xusay in lala dagaalami doono.

 “Waxaan la dagaalanay shabaab iyo Alqaacida oo ka xoog badan dadkan dibad baxaya, waxaana u roon in ay joojiyaan dibad baxyada danaha siyaasadeed lagu dheehay” sidaa waxaa ku hanjabay Shariif Shiikh Axmed oo aad uga maseersanaa sida shacabka wadaniyiinta Soomaaliyeed ay u garab galeen R.wasaare farmaajo oo rajo nolaleed galiyay intii uu xafiiska hayay.

Arinran ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili kacdoon wadayaasha Soomaaliyeed ay sheegeen in aanay hakan doonin ilaa doonistooda laga tixgaliyo.

Axmed Diiriye: kacdoonka sagaalka June dan gaar ah lagama laha.

9:05Am  - Iyada oo shalay Madaxweynaha Dkg Soomaaliya uu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad dana gaar ah kufushanaya kacdoonkii Muqdisho ka bilaawday bishaan June sagaalkeedii, ayaa arintaasi waxaa si caro leh uga jawaabay Afhayenka odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Axmed Diiriye Cali oo ku sheegay hadalka madaxweynaha mid aan loo baahneyn.

“Aniga waan lasocday kacdoonka (Sagaalka Juun) waxa uu ahaa kacdoon shacbiyadeed, dana gaar ah lagama laha, aniga oo aan madaxweynaha gooni iugu jawaabeen kacdoonkaasi waa mid dadku dareenkooda ku cabirayeen oo ay ku muujinayeen wax qabadkii Rasilwasaaraha oo cid xaqiri kartaa aysan jirin,” sidaa waxaa ku waramay Axmed Diiriye Cali oo lagu tiriyo dadka sida aadka ah ugu dhawaa madaxweynaha kahor heshiiskii uu lagalay hogaamiye kooxeed Shariif Xasan.

Shikh Sharif Shikh Axmed ayaa shalay waxa uu saxaafada kula hadlay Muqdisho waxa uuna sheegay in kacdoon wadayaasha qarasha lagu bixiyay si ay dalka u qasaan oo dowladnimada ay wax ugu dhimaan.

Sagaalkii bishaan aan ku jirno ayaa intaa badan dadlaka Soomaalidu aduunyada uga nooshahay iyo xarunta Soomaaliya ee Muqdisho waxaa si isku mid ah uga bilaawday kacdoon Shabab oo loogu magac daray “sagaalka June” kaas oo lagu doonayo in uu xilka siihayo rasilwasaare Farmaajo oo madaxweynaha iyo hogaamiye koxeed Shariif xasan ay ku heshieyen in ay meesha ka saaraan.

9:35Am Xubno ka tirsan hogaanada kacdoon wadayaasha wadaniga Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay gaashaanka u daruureen wararka sheegaya in kacdoon wadayaasha ay yihiin kuwa lagu shubtay isla markaana lacago qaatay.

Abwaan cabdi Xasan oo ka mid ah hormuudyada kacdoonka ayaa sheegay in ay yihiin dad iskood isu soo abaabulay isla markaana ka ay tahay been abuur iyo dacaayad wararka sheegaya in ay yihiin kooxo lagu shubtay oo lacago qaatay.

Hadalka kacdoon wadayaasha ka soo baxay ayaa imanaya xili Shariif Shiikh Axmed iyo taageerayaasha hogaamiye kooxeed Shariif Xasan ay sheegeen in lacag ay ku shaqeynayaan kacdoon wadayaasha.

Xisbig UCID oo taageeray kacdoonada shacabka

9:40 Gudoomiyaha xibsiga Ucid ee ka dhisan deegaanada uu ka taliyo maamulka isku magacaabay Somaliland Eng-Feysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kacdoonada ay shacbka Soomaaliyeed ka wadaan magaalada Muqdisho.

“Waa arin wanaagsan kacdoonka shacabka ay wadaan, wayna mudantahay xukuumada Max’ed Farmaajo in ay sii shaqeyso mudo isla markaana waqtiga loo kordhiyo” sidaa waxaa yiri Eng Feysal oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay Eng-ka in wax qabad wanaagsan ay la timid xukuumada mudada yare ay jirtay sidaa darteedna ay mudantahay in waqtigeeda la kordhiyo si ay u dhameestirto howlaha qabyada u ah.

Ciidamada Nabad sugida oo xirxiray kacdoon wadayaal

12:15pm Ciidamada Nabad sugida dowlada KMG ah ayaa ku xirxiray magaalada Muqdisho kacdoon wadayaal dibad baxyo nabadeed in ay dhigeen qorsheynayay.

Cabdi Xasan muuse oo ka mid ah kacdoonwadayaasha ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada nabad sugida ay la wareegeen baabuur codbaahiyayaal ay ku xirnaayeen iyo dhalinyaradii saarneed iyagoona kala buriyay dibad baxayaashii kale.

Waxa uu xusay Muuse in ay u muuqato nabad sugida in ay fulinayaan dhaartii Shariif Shiikh Axmed ee aheyd in lala dagaalamayo kacdoon wadayaasha maadaama sida uu shegay xili hore laga guuleestay Shabaab iyo Alqaacida.

Talaabadan kacdoon wadayaasha lagu xirxiray ayaa waxa ay dhacday 11:00 barqanimo ee maanta iyadoona halkaasi uu ku baaqday kacdoon balaaran oo ay shacabku maaganaayeen.


Kacdoonkii Maantay Axad 12 June 2011

22:00 Caawa oo ey Magaalada Dagan tahay...

10:00 Am: Ayeey kacdoon wadayaasha si toos ah u bilaabeen kacdoonkooda ay uga soo horjeedaan inuu xilka ka tago R.wasaare Farmaajo, waxaana socdkooda uu ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, waxaa la arkayay dhalinyaro wajiga ku boofsatay rinji madow uu eg calanka Soomaaliya.

11:00 Am: Kacdoon wadayaasha waxa ay gaareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxayna dib ugu soo laabteen dhanka KM4 halkaasoo ay uga sii jiheesteen dhanka madaxtooyada.

12:30 PM: Kacdoon wadayaasha waxa ay hortageen Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho, iyagoona ugu baaqay xildhibaanada ku nool hotelkaasi in ay da dajiyeen fadhiga Baarlamaanka ayna ansixiyaan R.wasaare Farmaajo.

2:00 PM: Kacdoon wadayaasha waxay tageen Xaruntii fanaaniinta ee ex fiyoore halkaasoo ay muda taagnaayeen barxada u dhaxeysa ex fiyoore iyo guriga Hooyooyinka, waxaana ay buux dhaafiyeen inta u dhaxeysa taalada SYL iyo madxafka qaranka.

3:00 PM: Xili kacdoon wadayaasha ay marayeen wadada maka-almukrama ayaa mid ka mid ah kacdoon wadayaashii waxa uu dhagax ku tuuray ciidamada Amisom oo marayay wadada, waxaan halkaasi ku garaacay ruuxi kacdoon wadaha ahaa dadkii la socday iyagoona ku eedeeyay inuu dhibaato u horseedi gaaray, taasi waxay muujineysaa sida kacdoon wadayaasha ay uga fakarayaan arimaha amniga la xiriira.

4:00 PM: Kacdoon wadayaasha waxay mar kale ku laabteen dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoona mar walba ay dadku ahaayeen kuwa si kordhaya.

5:00 PM: Ayeey dib ugu soo laabteen isgoyska KM4 halkaasoo ay ku kala tageen iyagoona u balamay in maalinta bari ah ay dib isugu soo laabtaan halkaasna ay ka sii wadaan kacdoonka lagu taageerayo Farmaajo loogana soo horjeedo shariifyada.



Sabti 11 June 2011 - 10:41

Ciidamada Milatariga oo baaq u diray kacdoon wadayaasha

Taliska ciidamada Milatariga ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka kacdoon wadayaasha ah in aysan ka soo gudbin baraha laga ilaaliyo madaxtooyada. Aqriso Faahfaahin


Jumco 10 June 2011 15:00

Masawirada Kacdoonkii Shacabka iyo GUBASHADA Hotel Madiina!! DAAWO

Dibad baxayaal careysan ayaa maanta waxa ay gubeen hoteel Madiina oo kamid ah hoteelada ugu waaweyn ee ay Mudisho uga suganyihiin mudanayaasha taabacsan hogaamiya kooxeedka casriga ah ee qaribay Soomaaliya Shariif Xasan. DAAWO MASAWIRADA!


-------------------------------------------------------------------------

AQRISO FAAHFAAHIN + DAAWO (GUJI MESHAAN)

 -------------------------------------------------------------------------


Jumco 10 June 2011 - 12:09

WAR DEG DEG AH - Hotel Madiina oo la Gubay!!

Xaruuntii Taageerayaasha Shariif Sakiin oo Shacab Careeysan ay Gubeen. Iyo Mudaharaadyo xoog leh oo wali ka socdaan Muqdisho. Gacanyarihii Sh. Sakiin oo dil ka badbaaday.


Jimco 10 June 2011 - 07:37

Sawirada Farmaajo oo Muqdisho lagu kala iibsanayo

Waxaa saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada dowlada ay ka taliso iib ka gaaray sawirka R.wasaare max’ed C.llaahi Farmaajo. Aqriso Faahfaahin



Sawirada dibada baxyada Muqdisho (UPDATED)


Khamiis 9 June 2011 - 10:49

WAR DEG DEG AH - Ciidamada Milatariga oo la wareegay Xarunta Madaxtooyada

Ciidamada Milatariga dowlada KMG ah ayaa la wareegay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaana ay gabi ahaanba diideen in gudaha loo galo ama laga soo baxo madaxtooyada. - Aqriso Faahfaahin


Khamiis 9 June 2011 - 09:10

Dibad baxyo looga soo horjeedo shariifyada oo Muqdisho ka socda

Waxaa wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka bilaawdeen Dibad baxyo balaaran oo looga soo horjeeda Shariifyada isu baheestay in ay xilka ka tuuraan R.wasaare Farmaajo - Aqriso Faahfaahin





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.