Kadeedka Kismaayo!

By Bashir M. Hersi - Sanad ka hor ayey ahayd markii ciidanka Kenya xadka si sharci darro ah uga soo tallaabeen, si gaar ah waxay ahayd 16/10/2011. Xera taraarkaa Kenya waxay ku micnaysay baacsi Al-shabaab iyo Ammaan sugid, oo dhawr kol xadka dalka laga afduubtay dad Ajaanib ah oo Dalxiis iyo Samafal isgu jiray, loolana baxsday dhanka Jubbooyinka, oo markaa ay gacanta ku hayeen malleeshiyaadka Alshabaab.
Maqaallo Keydmedia Online
Kadeedka Kismaayo!

 

Soo galitaanka Kenya waxaa ka horreeyey kulan ka dhacay Muqdisha, oo dhexmaray DKG iyo Kenya, sida ay Kenya ku andacootay ka sokow, ma jiraan wax caddaynaya in oggolaasho loo siiyey inay wadanka gudaha u soo gali karto. Haddiise ay soo gashay ka dib, waxaa afka goostay Madaxweynihii hore Mudane Shariif oo yiri: “Wdanka la is kama soo gali karo!” inta aan qof kale hadlin, waxaa u jawaabay Rai’iisul Wasaarihiisii Gaas, Intaa kuma ekayne, wuxuuba socdaal ku tagay Nairobi uu ku oggolaaday in halaagga la sii wado, Shariif maalintaa yaa hadal ugu dambaysay.

Haddii ay heshay oggolaasho maldahan, Kenya shaqadeedii ayey gudagashay, waxaa si rashmi u billowday duqaymo iyo weerarro cirka ah, maadaama ay wax ku keeni waysay dagaalkii dhulka, riiq badan, rafaad badan, ruclo badan iyo rasaas badan ka dib, waxaa u suuragashay inay gudaha u galaan magaaladii ay ku taamaysay ee Kismaayo ay gasho.

Inta aan warku ila dhaaraan waxaan jeclaan lahaa in aan xasuusta dib ugu laabto, maalintii wadanku galay is riiqa beeleed, Kismaayo waxay ka mid ahayd magaalooyinka uu aadka u saameeyey, lagama aqoon hoyaad iyo hargal, wax un baa is raacdaysanayey, marna ma dhicin in lagu wada noolaado, kaaga darane, mar walba waxaa dhibka horseed u ahaa, soo galooti Gobollo iyo Deeganno kale ka yimid, oo aan ku dhalan una dhalan, eraga ka ralli ka ahaada.

Bal adba dib u xasuuso, horraantii shagaashamaadkii, ee uu horkacayey mudanaha Nabaddoonka lagu sheego ee Moorgan, waxaa garabkiisa ahaa, qaar ka mid ah Dhakawyada Colaadda Soomaaliyeed ee xilliyadii burburka, ee kala ah Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Xasan Abshir Faarax, waxaa la yaab ah, wali inay dhexda uga jiraan colaaddan hadda dib uga soo cosboonaatay. Bal liilkan hoose sii raac

http://www.youtube.com/watch?v=5Dae00I_qtQ&feature=player_embedded

Waxaa kale oo jiray “Isbahaysigii Dooxada Jubba” ee loo yaqaannay “Walaalaha Galguduud” ee ay hoggaamin jireen Barre Hiiraale – oo aan wali ka quusan inuu dib u hantiyo Kismaayo iyo Seeraar oo ku geeroyooday qarax ka dhaxay Dhuusamareeb, Isbahaysigani wuxuu dagaallo qaraar la galay Moorgan, oo dhawr kol isku dayey inuu qabsado magaalada, waxaa ugu dambeeyey 2004-tii.

Dhanka kale, Kismaayo waxaa kaloo kadeedkeeda ka qaybqaatay Wadaadadii Waallida Waday, sidii ay koofurta u qabsadeen, marna Kismaayo maba ka bixin, waxayse isaga carareen dhawaan, ka dib markii ay ku soo duuleen quwado aysan u babac dhigi karin, oo ka kala yimid Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Burundi, labada dambe waxaa si toos ah loogu aqoonsan yahay inay yihiin Amisom, waxaa kale oo jira ciidammo kale oo badda iyo cirka ka duqeeyey Kismaayo.

Maanta Kismaayo waxay gashay marxalad kale, oo dhammaan ka wada duwan heererkii ay soo martay ee sigu jiray Diin iyo Qabiilba. Waxaa safka hore ugu jira ciidanka qabsaday laba damac hoggaaminayo, ee kala ah: Kenya, oo doonaysa inay saldhig fiican ka dhigato, si ay deegaanka Jibbooyinka oo dhan gacanta ugu hayso, ha moogaan damaca ay ku doonayso inay Shidaal uga qadato Xeebaha Wadanka.

Waxaa kale oo jira laba kooxaad oo Soomaali ah, oo iyana damac xooggan uga jira inay Kismaayo maamulaan, waxay kala yihiin: Kooxda uu hoggaansho Axmed Madoobe, oo ka mid ahaa Wadaadadii Waallida Waday, ahna Kaaliye Xabashi! Waxaan sidaa u leeyahay firxadkii Maxkamadaha ka dib, ayaa isagoo dhaawac ah Xabashidu qabteen, inta la soo daweeyey ayaa dib loogu soo celiyey Jubbooyinka, haddaa maxay ka damac sanaayeen? Ma inuu Dacwatu Shaaric iyo Wacdi jeedayaa? Bal adba.

Kooxda kale waxaa hormuud u ah Gaandi, oo xilal ka soo qabtay qaar ka mid dawladihii u dambeeyey ee wadanka soo maray, heer uu Wasiir soo noqday, mudadii dambaysase u xuub siibtay Qabqable, wuxuu la yimid maamul gacan ku rimisnimo ka sokow aanba lagu dhawaaqi karin, isagoo ku taamayey inuu mar hirgalo hammiga ah heeryo shisheeye iyo hanti gurasho.

Damaca riixaya sadax xagalka Sharta, yaa ah: Damaca Dhul Fidsiga iyo bara kicinta. Maadaama aan la wada soconno inay dhaceen shirar fara badan oo ay soo qabanqaabisay Kenya, ayna dabada ka riixayeen madax ka tirsan Kenya oo af Soomaali ku hadasha, bal adba xasuuso waraysigii Faraax Macallin uu ku yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…”

Shirarkan ma billaaban maanta iyo shalay, waxay soo socdeen in ka badan shan sano, oo si is daba joog ah loogu qabanayey Imaaraadka iyo Kenya, dhammaanna ay taakulayn jirtay dawladda Kenya, gaar ahaan ragga af Soomaaliga ku hadla ee ku  jira maamulka Kenya, haddana, ay si toos ugu soo beereen intooda kale, maadaama aysan qarsoodin ahayn hanka Kenya ay ku doonayso Shidaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa maalmahan shir dhexmaray garab ka socday oo metelayey Kooxda Raaskambooni iyo maamulka Addis Ababa hoos taga ee ka taliya Soomaali Galbeed ee uu hoggaansho Cabdi Ileey, illaa hadda ma cadda waxa ay ka wada hadleen, balse, weydiinta baa ah, inta beelo Soomaaliyeed deggan Jubbooyinka iyo Gedo, maxaa keenay in Soomaali Galbeed af garasho laga doonto? Bal dhan kale ka eege, saw Soomaali Galbeed ma ahan waxa ay eersatay Dawladdii Soomaaliyeed, abaalkii ma wuxuu noqday in ay Beel ahaan Qabqablayaal loo taageero, halkaana ka maamulaan? Isma qabanayso.

Sidii Kismaayo ay uga baxday gacanta Alshabaab, ayaan hadal rasmi ah laga hayn Madaxweyne Xasan, oo ku aaddan sida laga yeelayo magaaladaa damacu ku badan yahay, dhan walba marka laga eego, oo u baahan in la xakameeyo qawlasata qaar iyo qabqablayaasha ku soo badanaya deegaankaa.

Fadeexadda taagan baa ah, in Kismaayo laga furay Idaacad aysan dawladdu waxba ka ogayn, oo aan oggolaasho iyo fasax ka haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta, oo ay lagama maarmaan tahay inay diiwaangaliyaan, haddana, adaaba sheegaya.

Dhanka kale, C/naasir Seeraar oo isku sheegay af hayeenka Kooxda Raaskambooni, ayaa sheegay in dawladdu aysan soo faragalin karin Maamul u samaynta Jubbooyinka! Waaba su’aale, haddaa yaa soo faragalinaya? Ma Cabdi Ileeyga Jigjiga jooga? Ma Faarax Macallinka Gaarisa jooga? Mise, waaba midda ugu xume, Kismaayo Soomaaliyaba kama mid ahan? Anigu ma garan! Aqriste, adiguna? Mise macnayn karaa, Mooryaanta xoogga ku degtay dhisamaha Jaamacaddii Kismaayo?! Xarumaha Muqaddaska yaan la haraysan!

Af hayeenkan Mooryaaneeyey marka laga soo tago, Madaxweyne Xasan markii hore ayuu ku dhaliilsanaa Xasuuqii Janaay Cabdalla oo uusan xitaa Tacsi Qaramadeed u dirin dadkaa waxyeelladu soo gaartay, iska daa inuu Cambeereeyee ama uu magacaabo Guddi baaritaan ku sameeyo falkaa waxashnimo ee dhacay, hadda oo Kismaayo waxay ku jirtaa gacan aad looga walwalsan yahay, ayna dhex joogaan Jabhado kala jaad ah, waxaa looga fadhiyaa hadal iyo fal isla la socda, hadduu marmarsiyo ka dhigan lahaa, xulid Ra’iisul wasaare waa soo xirantay.

Su’aasha ugu weyn baa ah, Alshabaab, Raaskambooni iyo Azaania maxay is dhaamaan? Midda hore si fiican baa loo yaqaan, Axmed Madoobana ha ka reebin waa iska Argagixiso la Amxaareeyee, markii dambaan lagu yiri Jabhad xaq u dirir ah baad tahay, Azaania ayaa kuu soo hartay waa xukun iyo xoolo doon, dhiigga daadanaya ka door biday dallaalnimo iyo Dollar, balse, labada dambe, waxay ku midaysan yihiin Beelaysiga iyo Qabyaaladda, oo u ah shidaalka ay ku dhaqaaqaan.

Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma kor dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaal li’idaa.

Marka laga soo tago damaca beel gaar ah ku jira kara, marka laga soo tago damaca koox gaar ah ku jira kara, marka laga soo tago damaca qolo gaar ah ku jiri kara, saw ayaan darro ma ahan haddii wali gurmad beeleed la dirayo, iskama lihi hadalkan, ee bar dhawra waxa dhacaya, maxaa yeelay Jubbooyinka marxaladda ay gashay, ka duwan kuwii hore, oo waxaa isu bahaystay laba dammaaci oo aan waxba hambaynayn, mid walbaana midka kale kaga dhuunisan yahay anfac iyo alaabba.

Mooryaanta Jabhadaha lagu sheegayo, ee dhibka iyo dhaca ka billaabay Jubbooyinka waa in tallaabo looga hortagayo la qaado, haddii kale, waxaa la gaari doonaa, meeshuu Abwaan Abshir Faarax Bacadle ka yiri:

Duqii doona Ducana ugu dara waa na dilateenee!

Waxaan uga jeedaa in Alshabaab loo aayo doono, kaaga sii darane, armaaba loo habar wacdaa, oo saf dagaal iyo surin dirir lala soo galaa! Illeen dadku ma ahan geedee, oo waxay leeyihiin dareen iyo duxe, si aysan taa u dhicin waa in lala yimaadaa go’aanno wax ku ool oo lagu xakamaynayo Mooryaantan Jabhadaha lagu sheegay, maxaa yeelay waligeed Jabhad khayr leh lama sheegin.

Waxaa kaloo muhim ah in dawladdu ay go’aanno cad ka soo saarto ciidanka Xabashida iyo Kenya gaar ahaan iyo guud ahaan ciidanka Shisheeye ee wadanka jooga, maxaa yeelay,

Shibta Madaxda Soomaalida, shanqar la’aanta dunida, shabaaxa diyaaradaha Kenya iyo qaylada shacabku kala sheelan. Midi wuxuu eeganayaa dantiisa, siduu kursiga dabada ugu sii hayn lahaa. Midna dabargo’a Soomaalida waa ka indha damuuqsaday. Midka kale, isaga ayaaba fulinaya, oo waa ku farayaraysanayaa, waxaana u muuqda afar wiil oo afka duubatay, naguna qancinayaa inuu qaflan baabayn ku qabanayo. Kan ugu dambeeya qayladiisa xitaa ma maqli karo, illeen waxaa dhaga tiray guuxa diyaaradaha iyo madaafiicda ay daryaaminayaan.

Haddaan si kale u dhaho, waa duullaan aan damaq lahayn, dawlad aan damiir lahayn, duni aan dood furayn iyo dad dabargo’aya. Hubaal inay kaaf iyo kala dheeri tahay, ee ma jiraa qof dadkaa wax u qaban kara, oo ka joojiya duqaynta cadaawadda leh? Arrintu waxay ku dhammaato waan u joognaa.

By Bashir M. Hersi - brdiraac@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.