KALSOONI HOO ADNA DOLLAR SOO HORMARI!!!

Dr. Ismail Malaas - 19-kii Bishan ayaa Guuleed oo ah saaxib aan in mudda ah Muqdisho ku wada nooleen ii soo diray telfoon, Guuleed isagoon isalaamin oo ma nabad baa I dhihin durbadiiba wuxuu yiri “R/wasaarahii cusbaa lacago ayuu baxshay, lacagahaasoo xildhibaanada, iyo shaqaalaha dowladda la siiyay”.
Maqaallo Keydmedia Online
KALSOONI HOO ADNA DOLLAR SOO HORMARI!!!

Waxaan iri war Guuleed nin deeqsi ahaa yimid oo isagoon waxba laga dalban sadaqo baxsanaya ! Dr ismaaciil  dhagweyn baa tahay kumana dhihi karee waanse kula yaabanahay, Ma R/wasaare, Gudoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ayaa sadaqo baxsada, lacagaha ay baxshaan ma ahan sadaqo ay janno ku raadsanayaan ee waa laaluush weliba baad oo kale ah, waa mushaaraadka raga oo loo dedejiyo markii laga doonayo kalsooni xagga xildhibaanada ah, sida aad la socoto lacagahani  waa lacagihii dekadda gegada diyaaradaha canshuuro kale oo wasaaradaha lacagta iyo Maaliyadda aan lagula xisaabtamin .

Dr ismaaciil weli ma maqashay wasiir maaliyadeed, mid lacageed, iyo mas’uul meel hanti dadweyne ee dowladeed maamula oo marka xilka laga xayuubiya lagula xisaabtamao, weli Dr Ismaaciilow ma maqashay mas’uul meel hanti dowladeed loo dhiibo oo sheega inta lacag ee khasnadda uu maamulaya taala sheega, meel aan waxba ool ayuu xilkeeda la wareegaa sidii kii ka horeeyay isaga wixii soo gala ayuu xayuubiyaa, ileen wuxuu ogyahay in aan cidina la xisaabtameyn berri haddii laga qaado. Guuleed saaxib waxaan ku weydiinayaa shaqaalaha maxaa loo sasabay? Shaqaalaha waxaa ku jira kuwa codkooda dunida dacaladeeda gaaro oo looga baahanyahay baahin.

Sabtida  waxaa lagu wadaa in R.wasaaraha uu kalsooni weydiisto Baarlamaanka AF WAX CUNAY XISHOO maahmaahdaas ma maqashay  Dr Malaas? Nacam waa maqlay oo inaad ka xishootid ninkaa kaaga xishoodsiiyay lacagta haddii kale afbaahani waa kugu orinayaa ama qeylinayaa marka aad hortagto sidii shariif Sakiin oo baanagad noqday markii uu lacag fara badan ku aamusiyay isla markiiba xildhibaanadii carooday.

Intaas aan Guuleed hadalkiisi uga baxnee muxuu R.wasaaraha uga noqday afar beelood iyo bar ma aqoonsani?

Dr Malaas adigaa iga badsha axdiga KMG ahe wuxuu qorayo iyadoon cod baarlamaan lagu baabi’in  ma soconayaa rag waaweyn oo madaxweynihii dowladda ka mid yahay iyo beela isku sheega beela waaweyn ayaa carooday, maamul gobaleedyo ayaa sheegtay in ay ka baxayaan dowladda KMG ah  haddii 4.5 la tirtiro oo maamulka Bari iyo Nugaal ka taliya u horeeyay  iyadoo telfoonadana isdaba joog ahaayeen.

Ina Farmaajo oo ciyaal xamar ahaa waxaa qaaday xamaasadii buraanburka iyo Haweenka oo soo xasuusiyay SYL oo  aabihii taageerayaasha u horeeya ee SYL ahaa, Haweenka ina Farmaajo oon 50 gaarin hooyadii ayey soo xasuusiyeen markaasuu yiri “Hoyaday waxay ka mid aheyd haweenkii SYL halgankeedii dahabkoodi u iibiyay, caanaha iyo biyaha ka daba waday ha noolaatadii.

R.wasare ina Farmaajo maalintii uu ku dhawaaqay isagoo jidbeysan Anigu 4.5 wax ku qeybin mayo kumana dhaqayo mana aqoonsani ayaa subixii xigay xafiiskiisa waxaa ka soo baxay warsaxaafadeed uu ku leeyahay ma oran 4.5 ma aqoonsani ee waxaan iri waa wax xun.

Miskiin Farmaajo ma oga inuu soo dhex galay bad libaax badeedyo liqa khasnadaha dowladda inuu  soo dhex galay, waxaase u fiican mar hadduu arko inaanu wadada wadaniyadda socon Karin haatan inuu meesha isaga tago sardiin ah, mar haduu libaax badeed noqdo isala markaana miciyaha dhiig ka daadanayo leh ayuu ku dhex milmayaa dhiigya cabyaasha.

Ina Farmaajo, qurbaawiyiinta dibadda jira oon qabyaaladda aqoon, aqoonyahanada Soomaaliya jooga IWM horaan ugu baaqnay in ay SYL cusub sameystaan, badda hindiyana libaax badeedka ka ceyriyaan aadanenimadiina Soomaaliya u soo celiyaan, xisbigaasoo dadweynaha Soomaaliyeed sugayaan.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent

_________________________________________________________________________________________




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.