Kheyraadka Soomaaliya, Dhurwaayo aan waxba reebeen ayaa loo Saxiixay!

Maxamed G. (Keydmedia Online) - Dhawaan ayey Dowladda Soomaaliya la saxiixatay Heshiis Shirkadda Soma Oil and Gas Ltd., Haddaba waxaan halkaan ku soo Bandhigeynaa macluumaad ku saabsan Shirkaddan iyo Ragga ka dambeeya.
Maqaallo Keydmedia Online
Kheyraadka Soomaaliya, Dhurwaayo aan waxba reebeen ayaa loo Saxiixay!

Shirkaddaan ma ahayn mid horay u jirtay oo waxaa la Aasaasay 26 May 2012, kadib Shirkii Dowladda Soomaaliya uga furmay Dalka Ingiriiska waxaana aasaasay Nin Magaciisa la yiraahdo Bansil Mutei Shiblaq oo ka soo jeeda Asia, haddase haysto Dhalasho British ah.  

Shirkaddaan waxaa Agaasime ka ah Lord Michael Howard, Chief Executive Officer waxaa ka ah Mr. Robert Sheppard, Waxaana aasaasay Ninka aan kor kusoo sheegnay oo la dhaho Bansil Shiblaq (Executive Director and Founder).

Haddaba waxaannu rabnaa in aan halkaan uga soo jeedino Ummadda Soomaaliyeed oo Dagaal, Gaajo, Aqoon darro, Caafimaad La’aan, Qax iyo Barakac ku raaktay in Maanta la doonayo in Kheyraadkoodi oo ay uga bixi lahaayeen intaas oo dhibaata ah, gacanta loo geliyay Rag ay ka mid yiihiin kuwa ku caan baxay wax Isdabamaris, Been Abuur, Dhac iyo Boob sida Ninka lagu magacaabo Bansil Shiblaq.

Bansil Shiblaq waxuu dhashay Sannadi 1944, wuxuuna deganyahay Magaalada London ee Dalka Ingriiska. Waxuu Madax ka noqday ilaa 12 Shirkadood inta aan soo ogaanay, Afar Shirkadood waa laga ruqseeyay, Lix Shirkadoodna waa laga Xiray kadib markii ay wax dhaqdhaqaaq ah ama Ganacsi ay sameyn oo guul darreysteen, waxaana lagu eedeeyay Musuq-Maasuq.

Shirkaddi ugu dheereyd ee uu Aasaasay waxaa la oran jiray CASTLEACRE FREEHOLD COMPANY LIMITED, Shirkaddaan waxaa uu ugu magac daray Waddada uu ka deggenyahay Magaalada London ee la dhaho CASTLECARE.

Mr. Bansil Shiblaq, Bishi January Kowdeedi, Sannadkii 2007 waxaa lagu xiray Dalka India, magaalada New Delhi isagoo kasoo degay Garoonka Diyaaradahay ee Indira Gandhi International Airport halkaas oo uu ku andacooday in uu Booqasho ugu yimid nin la dhaho Peter Simon oo Madax ka ahaa Shirkadda M/s Monsson Ltd, UK.

Xiritaankiisa ayaa yimid kadib markii Hay




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.