Kismaayo Daarood Iyo Hawiye Yaa Dadka Deegaanka Ah? - Aragtida: Abdi Osman

Afeef: » Maqaalkan ujeedadiisu waa in wax la toosiyo oo wixii Soomaali halaagay (eex) laga koro » Inkasta oo Maqaalka lagu xusay Magacyo Qabiilada qaarkood haddana ma jirto qabiil la aflagaadeynayo ee ujeeddadu waxa weeye in qabiil walba xaqiisa la caddeeyo. » Maqaalkan qaybtiisa hore waa xisaabtan ka dhexeeye 2da beelood ee Hawiye iyo Daarood cidda Kismaayo xaqa u leh ee kama hadlayo 3da beelood ee kale ee iyaguna xaqa u leh Kismaayo.
Maqaallo Keydmedia Online
Kismaayo Daarood Iyo Hawiye Yaa Dadka Deegaanka Ah? - Aragtida: Abdi Osman

Waxaa beryahan dhegaha Soomaalida wareeriyey arrinta maamul u sameynta Jubbooyinka taasoo ay hormuud ka ahayd beesha Daarood doodo bandanna laga qabtay, dadkii daawaday doodaha ama akhristay website-yada waxa si weyn uga muuqatay doodahaasi in beesha Daarood ay caro weyn muujineyso mar alle markii ay qabaa’ilka kale ka hadlaan Kismayo gaar ahaan beesha Hawiye oo ay marar badan ku tilmaameen beel boob iyo dhul ballaarsi wadato oo Magaalo (Kismaayo) uu Daarood leeyahay usoo hanqal taagaysa.

Ogow beesha Hawiye uma diidana inay Beesha Daarood qayb libaax Kismaayo ka helaan ama talo ku yeeshaan ee beesha Daarood ayaa beesha Hawiye u diiddan inay qayb libaax ku yeelato Kismaayo.

Maadaama hadda lakala saarayo Hawiye iyo Daarood cidda deegaanka u ah Kismaayo waxaa garsoore ah 3da beelood ee ah beesha 5aad, Digil-iyo-Mirifle iyo beesha Dir. Haddii maqaalkan waxa ku qoran ay igu raacaan 3da qabiil ee garsooraha ah (qof walbow adiga weydii 3daas beelood in waxa meesha ku qoran sax yihiin iyo in kale) waxaa soo bixi doonta in Daarood yahay hasha geela cunta ee cabaadda (isagoo gar daran uu dhib tirsansanayo), haddii ay igu khilaafaanna waxaa idiin caddaan toonta in Hawiye uu dulmi wado (dhul boob wado).

Maxaa igu dhaliyey maqaalkan?

Inta la socota arrimaha jubbooyinka waxaa dhegahooda ka batay “DADKA DEEGAANKA (DAAROOD) AH HADDII AY TASHANAYAAN MAXA KA GALAY INTA KALE (YACNI SOOMALIDA KALE)”, “DOWLADDA DASTUURKA AYEY KU TUMANAYSAA” “ARRIMAHA JUBBOOYINKA MAXAA KA GALAY XAMAR (YACNI HAWIYE)” “HELLO GAARISA, HELLO JIGJIGA, HELLO GAROWE (YACNI ALL DAAROOD ISU KAALAYA)” iwm.

Waxaan arkay arrinti oo faraha ka sii baxaysa oo dowladdii iyo madaxweynihii dalka howlihii uu qaban lahaa ee ah in Soomaaliya ay dib caalamka ugu soo biirto looga mashquulinayo Kismayo, waxaan arkay siyaasiyiin PHD wata sida Dr. Cali Khalif Galaydh oo arrinta Kismayo ay kala weynaatay arrintii Khaatumo oo madaxweynaha ka eedeynayo telefishanada, waxan arkay in xiisado iyo dhiillo 20 sano ka hor dhexmaray 2da beelood ee walaalaha ah dib loo gocanayo, waxan arkay in jaaliyadihii didadda lagu kicinayo waa laydin dhacayaaye mudaaharaada, waxaa waajib noqotay marka, bal horta inta qalin iyo buug la qaato la isu deegaan (tuulo) tirsado si ay usoo baxdo cidda deegaanka ah.

Dadka deegaanka ee magaalo daggan waa kuwee?

Marar badan ayaa lagu dooday dadka deegaanka ayaa maamul sameysanaya haddaba dadka deegaanka ah ma dadka magaalada daggan ee saraha ku leh ayaa ah mise dadka dhulka baadiyaha ah ku xeeran daggan ayaa deegaan ah? Waxan muran ka taagneen in qofka baadiyaha daggan ama ha daganaado magaalada ama yuusan dagganaanine uu yahay qofka deegaanka dhabta ah, laakiin qof kasta oo magaalo daggan uusan magaaladaas deegaan u ahayn, tusaale Nairobi waa deegaan Kikuyo iyo Masaay laakiin qabaa’ilka Kenya oo dhan ayaa daggan, Soomaalida daggan Islii-na lagu tilmaami Karo inay yihiin dadka degaanka u ah Nairobi, waxaa marka lama huraan ah inaan bal si dhab ah u eegno dhulka baadiyaha ah ee ku xeeran magaalada Kismaayo oo aan tirinno tuulooyinka ay leeyihiin Hawiye iyo Daarood.

Tuulooyinka Hawiye

Tuulooyinka Gaaljecel (Hawiye) ee Jubbada Hoose ee ama kaligiis uu leeyahay ama qayb libaax ka yihiin waa kuwan:

1- Baarka, 2- Koban, 3-Kamsuuma, 4-Sanguuni, 5-Yoontooy, 6-Buulo Guduud,

7-Ganjaroon, 8-Kubbakibir, 9-Jannaay cabdalle, 10- Sacmoojo, 11-Galool yar yar, 12-Canjeel

13-Buurgaabo, 14-Raaskaambooni (degmo), 15-Ooddow, 16-Manaraani, 17- Ilig, 18-Warfele ,

19-Leheleey, 20-Beerxaani (degmo), 21-Geles, 22-Gumbis, 23-Dhexmar, 24-Kudhaa, 25-Istanbuul,

26- Unguuni.

Tuulooyinkaas oo dhan marka laga reebo 5ta tuulo ee ugu horreysa oo hoos taga degmada Jamaame iyo Raaskaambooni, 20-ka kale waxay hoos tagaan (laga xukumaa) Kismaayo

Cawr-Male(Gaaljecel iyo Dagoodiye ayuu la dhashay) tuulooyinkiisa waxay kala yihiin:

1-Cabdalla Biroole, 2-Buulo Xaaji iyo 3-Cusbo, dhammaan waxaa laga xukumaa Kismaayo

Shiikhaal (Hawiye) tuulooyinkooda Kismaayo hoos taga (laga xukumo) waa 1-Hoosingoow (degmo),

2- Dhasheeg Waamo, 3- Baqdaad

Abgaal iyo Murusade (Hawiye) (dad badan ayey filan waa ku noqon dootaa in Abgaal iyo Murusade ay dagaan Jubbada Hoose) waxay dagaan tuulooyinka 1- Turdho, 2- Naftaahuur. Dhammaan Tuulooyinka Hawiye waa 34 tuulo (inta aan ogahay), 8 ma ogiye inta kale waxay hoostagaan Kismaayo

Tuulooyinka Daarood

Sida ay reer Waamo og yihiin ma jirto hal tuulo oo uu Daarood kaligii daggan yahay oo hoos tagta Kismaayo (soo baara walaalayaalow), ogaadeen ninka ugu sokeeya Kismaayo ee baadiyaha daggan wuxuu daggan yahay soona Afmadow oo 120km Kismaayo u jirta, tuulooyinkiisana halkan ayaan ku caddaynayaa

Absame (Daarood) tuulooyinkiisa jubbdada hoose waa kuwan:

1-Kulbiyow, 2-Badhaadhe, 3-diif, 4-Taabto, 5- Dhoobley, 6- Afmadow, 7- Xagar, 8-Bibi, 9-Qooqaani, Dhammaan waa 9 tuulo laakiin mid hoos timaadda oo laga xukumo magaalada Kismaayo kuma jirto, Sababtoo ah 2 ka mid ah ayuu Maxamed Siyaad Barre u magacaabay degmo waxayna kala yihiin: Afmadow iyo Badhaadhe marka 7da kale 2daas ayey hoostagaan

Majeerteen (Daarood) isagu magaalada Kismaayo ayuu daggan yahay tuulo uu gooni u deggan yahayna kuma taallo Jubbada Hoose, in yar oo kaluumaysato ayaa la deggan Axmed Adan oo Galljecel ah tuulooyinka Kudhaa iyo Istanbuul, kuwa yar oo lo’ gatay si ay deegaan u noqdaanna ayaa Cawr-male Buulo Xaaji la daggan, qabaa’ilka kale ee Daaroodka magaalada Kismaayo un bay deggan yihiin ee baadiyaha ma deggana. Ogow 7 tuulo ayuu hawiye ku leeyahay Jamaame (caasimaddii Jubbada hoose xilligii talyaaniga), Daaroodna isagu Jamaame tuulo kamaba daggana, haddii xaalku sidaas yahay, yaa Kismaayo deegaan u ah Hawiye iyo Daarood? Dadka Hawiyaha ah ee ilaa iyo 1992 xerada IFFO dagganse xaggey kaxoo qaxeen?

Uruka SAHAL

Qolyahan magaca qabiilka kula baxay SAHAL ee London jooga ee ku dooda Kismaayo waa magaalo Daarood, ee ku mudaaharaada madaxweynaha, ee ka hadla idaacadaha iyo telifishanada Soomaalida  waxan ka codsanayaa inay keenaan hal tuulo oo uu Absame (Ogaadeen iyo adeerkiis) leeyahay ama Majeerteen leeyahay oo laga xukumo Kismayo illeyn waxa la isku haysto waa Kismayo e, iska sheegona waxba tari meyso e, OGOW LA ISKUMA HAYO IN DAAROOD MAGAALADA KISMAAYO WAX KA DAGGAN YAHAY EE WAXAAN KA HADLAYAA TUULO KISMAAYO HOOS TAGTA.

Haddii aadan keeni Karin hal Tuulo oo ay SAHAL leedahay oo laga xukumo Kismaayo, haddaba magaalo ma lagu milkiyaa gudaheeda ayaan dagganahay dadka deegaanka ah ee aad sheegtaanse sidey degaan Kismaayo ku noqdeen haddaysanba hal tuulo ku lahayn Kismaayo? haddiise Hawiye uu 28 tuulo oo Kismaayo laga xukumo leeyahay maxay SAHAL u aflagaadeynayaan  nabadoon Maxamed Xasan Xaad (Odayaasha Hawiye)- oo qabiilkiisa (Hawiye) wax ka dagaan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe- haddii uu yiri waa in si caddaalad ah arrimaha Jubbooyinka loo qaybiyaa? Maxaase u diidaya in Hawiye in qayb libaax uu ka qaato talada Kismaayo,Yaase dulmiga wado?

Ururkan SAHAL dadka ku jira qof Kismaayo ku dhashay kuma jiro ama waa ku yar yahay, waxay inta badan ka yimaadeen Killil 5 iyo Puntland, waxay maqleen dhulka jubbooyinka ayey beeshiinu dagtaa mana is weydiinin yaa la daggan, waxa hal ku dhig u ah  labo erey; labadaas erey mid waxa weeye“ LABO GOBOL IYO WIXII KA BADAN HADDII AY IS RAACAAN DASTUURKA AYAA OGGOL, MADAXWEYNAHA DASTUURKA AYUU KHILAAFAYAA” waa yahaye haddii anigoo hawiye ah oo deegaan ka ah iyo qabaa’ilka kale ee iyaguna deegaanka ah aan isku darsanno JUBBADA HOOSE, JUBBADA DHEXE IYO SHABEELADA HOOSE Dastuurku muxuu ka qabaa, ma diidayaa ayey kula tahay?

Haddiise Digil iyo Mirifle iyo qabaa’ilka kale ee deegaanka ay lix gobol sameeyaan, Dastuurku ma u diidayaa? Haddiise 3 maamul goboleed oo kala duwan oo qolo walba Dastuurku u oggol yahay aan hal aag ka wada dhisno sow dagaal sokeeye oo kale ma aha?

Soomaaliyey ma garateen in SAHAL iyo inta ku fikir ahba aysan meesha waxba ku hayn? Halkudhiggode kale ee ay madaxweynaha ku duraan waxaa weeye inuu yiri “ BAYDHABO IYO BELEDWEYNE ISKU TASHADA (MAAMUL GOBOLEED) KISMAAYONA MA TASHAN KARTO!” horta aniga madaxweynaha afhayeen uma ihi oo isaga ayaa is difaacaya laakiin madaxweynaha ereyadaas sidaas uma dhihin, laakiin markii uu labadaas magaalo tegay dadkii wuxuu ku yiri heshiiya oo tashada, sababtoo ah Baydhabo waa magaalada 3aad, B/weynena waa magaalada 4aad ee ugu khilaafka iyo dagaalka badan Soomaaliya marka laga reebo Xamar iyo Kismaayo oo 1aad iyo 2aad ah, madaxweynaha kama hadleynin dowlad goboleed oo ma dhihin B/weyne iyo Jowhar ha dhisteen maamul goboleed, Baydhabo iyo Xudurna ha dhisteen maamul goboleed, ee waxay ahayd is khilaafka iyo dagaallada qabaa’ilka dhexdiinna joojiya, ladaas magaalona dhexdooda way heshiin waayeen sidaas ayey dowladda Federaalka guddoomiye gobol ugu magacawday mid walba(B/weyne iyo Baydhabo), haddii uu madaxweynuhu Kismaayo tago sidaas un buu u dhihi lahaa “war reer Kismaayow heshiiya oo tashada”, haddii marka khilaafkii reer kismaayo uu taagan yahay maxaa u diidaya in dowladda federaalku soo faro geliso oo guddoomiye gobol u magacowdo sida B/weyne iyo Baydhabo? 

Tan kale madaxweynaha qabiilka hoose ee uu ka dhashay ee Abgaal hal tuulo kama dagaan Hiiraan iyo Bay midna laakiin waxay dagaan Jubbada Hoose oo tuulooyinka Turdho iyo Naftaahuur iyo aagga Jamaame ayey deggan yhiin, marka meel ay Jufadiisa hoose waxba ka dagganeyn (B/weyne iyo Baydhab) muxuu uga hiilinayaa meel ay reer kiisa deggan yahiin oo ah Jubbada Hoose? Soomaaliyey ma garateen qodobka 2aad ee ay SAHAL iyo inta ku fikirka ah ku doodaan inuu yahay hal bacaad lagu lisay?   

Ururka Raaskaambooni (taariikh)

Ururka Raaskaambooni wauxuu ka mid ahaa ururkii Al-Itixaad ee Luuq ay Itoobiya ku jebisay 90-aadkii, ururkii Al-Itixaad markuu jabay wixii reer Xamar ahaa Xamar ayey iska xaadiriyeen, wixii reer Puntland ahaana deegaankoodii ayey aadeen, waxii reer Gedo ahaan gobolka gedo ayey ku dhex milmeen, wixii ka soo jeeday Killilka 5aad- maadaama aysan aadi karin deegaankoodi- waxay isku soo shubeen Dhoobley oo dad reer Waamo ah oo ay heyb qabiil wadaagaan ay joogeen, ka bacdi Kenya ayaa ka war heshay oo u hanjabtay, ka dib waxay u hayaameen Raaskaambooni oo Gaaljecel iyo Baajuun dagganaayeen (warkan qof walbow xaqiiji) waxayna u sheegeen inay yihiin niman wadaaddo ah oo Itoobiya ay gumaadeyso, waa la soo dhaweeyey (Somalida way is ka jeceshahay dadka diinbaa wadnaa dhaho, reer Raaskaanboonina wey ku sirmeen ururka Xasan Turki sida ay hadda qabaa’il badan ugu sirmeen Al-Shabaab)sidaas ayey ururka Xasan Turki badda madow (dhulka jiqda ah) ku galeen magaca Raaskaamboonina ugu beddesheen magacii Al-itixaad, waqtiganna waa kuwaas Jubbooyinka ayaan deegaan u nahay dhahaya oo xitaa jufooyinkii ay ka soo jeedeen ee reer Waamo ayey afduub ku haystaan qabaa’ilka kale iska dhaafe.  

Hadda Maxaa ka socda jubbooyinka

Horey waxaan ku soo sheegay in 9-kii tuulo ee Absame 2 ka mid ah (Afmadow iyo Badhaadhe) Siyaad Barre uu degmo uga dhigay, taasina ay tahay eexdii ay dowladdii Maxamed Siyaad gashay waayo 34 tuulo oo uu hawiye ka daggan yahay Jubbada hoose sidee mid degmo u qalanta looga waayey oo 9 tuulo oo uu Daarood dego 2 degmo looga helay, ma fahamtay sheekada?

Shiikh shariif ayaa fahmay caddaalad darrada markaasuu 3 degmo oo kala ah 1-Beerxaani 2- Raaskaambooni iyo 3-Hoosingow degmooyin u magacaabay intii uusan shaqada ka tagin, hase yeeshee C/weli Gaas oo bil ka hor Bacaadweyn (Gaalkacyo) oo ay reerkiisu degaan degmo u magacaabay ayaa wuxuu ku doodayaa baarlamaanka iyo golaha wasiiradaba aysan ansixin degmooyinka uu Sh. Shariif magacaabay, waa su’aale ma kuwii siyaad barre magacaabay ayey baarlamaan iyo gole wasiirraba ansixiyeen?

Shirka maamul u sameynta Jubbooyinka ee la rabo in Kismaayo lagu dhoodhoobo waxa la yiri waxa wax lagu qaybsanayaa hab degmo taasoo degmadiiba ay qaadaneyso 27 xubnood, Absame -kaaga darane - tuuladii Xagar ahayd ayey degmo ka dhigteen iyadoo aan la ogeyn meel lagu magacaabay iyo cidda magacawday sidaasi ayey Jubbada Hoose oo kaliya ka filayaan inay ka helaan 81 xubnood oo ah 3 degmo oo min 27 xubnood ah oo waliba lagu sii daray wixii Kismaayo kaga soo aado, qiyaastii waa tiro 100 kor u dhaafaysa ogow waa 9-koodii tuulo! Majeerteen kismaayo kaliya ayuu 100 ergo ka helayaa asagoon hal tuulo ku lahayn deegaanka. Hawiye maxaa soo aadaya?

34-tiisii tuulo weli waa tuulooyin, sida ay SAHAL u leedahay Daarood ayaa majority ka ah Jubbada Hoose waxa weeye 3 degmo (Afmadow, Badhaadhe- kuwii Maxamed Siyaad iyo Xagar- Jeebkeenna) ayaa 9-kii tuulo ee daarood ka soo baxday Hawiyana hal degmo kuma laha (xataa kuwii Sh. Shariif) war bal adduunyadaan eega!  

Haddaba wararkii Kismayo laga helay 21/2/2013 waxay sheegeen in qolyaha magaalada haysta ay soo jeediyeen in dadka loo qaybiyo Daarood iyo inta kale (ashaamud) lana qaybsado 500 xubnood oo ah ergada shirka ka qaybgeleysa, waxaana loo qoondeeyey waxan Daarood ahayn oo ah Hawiye, Dir, Beesha 5aad iyo Digil-Mirifle in la siiyo 113 xubnood oo ergada shirka ka tirsan, halka inta kale Daarood la siiyey! Qolyaha meesha haysta waxay leeyihiin waryaaya (Hawiye, Dir, Digil-Mirifle iyo Besha 5aad) qaata waxan annagu idiin qooneeyney, haddaad diidaane ciidanka Kenyatiga ayaan idinkugu yeereynaa fartaad taqaanaan akhriya, Akhyaarey, haddii uu warkaasi sax yahay, Jubbooyinka xal ma ka soo socdaa?

Haddaba hawiye iyo qabaa’ilka kale siday rabaan in wax loo dhiso?

Hawiye iyo inta ku fekerka ah waxay rabaan in maamulka Jubbaland loo dhiso sidii Puntland iyo Somaliland loo dhisay. Waxan ognahay markii 2dan maamul la dhisayey, in deegaanada ay xukumayaan oo dhan ay xor ahaayeen oo ay ergadu uga imaan kartay siday doonto, ka ololeyn kartay, qabaa’illada talada isku darsadayna ay wada sinnaayeen oo uusan jirin qabiil ay dowlad kale hubaynayso oo u yeerinayo qabaa’ilada kale saamigooda, ka bacdina guurtidii ayaa isu timid si xalaal ah ayena maalin cad wax qaybsadeen iyadoo ay Kenya iyo Itoobiya faro gelinin, iyagoon caasimadahooda ku soo shirin sidaas ayey ahayd sidii Puntland iyo Somaliland lagu soo dhisay, Maxay inta badan Beesha Daarood ee aan walaalaha nahay ku diiddan tahay in maamulka Jubbaland loo dhiso sidii Puntland iyo Somaliland lagu soo dhisay? Maxay caasimadaha dowladaha deriska ah ugu shirayaan oo ay caasimaadda federaalka ah ee Sommaliya u diidan yihiin inay talada ku goostaan? Maxaa lala cararayaa? Maxay ugu qarwayaan IGADD oo ay qaranimada iyo madaxbannaanida Soomaliya ee dastuurka ku qoran u qilaafayaan? Sow timir laf kuma jirto?

Maxay Puntland uga duwan tahay Jubbooyinka?

Puntland waxaa daga hal qabiil oo la dhaho HARTI DAAROOD, markii la dhisayey arrintaas ayaa xisaabta lagu daray oo waad aragtaan in gobolka Mudug qaybo ka mid ah sida Hobyo, Xarar-dheere iyo koonfurta Gaalkacyo iyo tuulooyinka hoos taga midna kama tirsana Puntland, maxay sidaas u yeeleen? Waxaa u soo baxday dadkii Puntland dhisayey in magaalooyin iyo tuulooyin uu Hawiye daggan yahan aysan xukumi Karin haddii aan wax la isku darsanin marka hore, sidaasoo kale haddii Faarax Macallin uu leeyahay Kulbiyow Xamar lagama xukumayo Hawiyana ay leeyihiin dhulkeenna Jubbooyinka Xamar ayuu hoostagayaa, dhulkiina aan si sahlan loo kala jari Karin sida Mudug sow dagaal sokeeye oo kale ma aha? Sow dowladda ma aha inay arrinta soo dhexgasho oo ay ka hortagto? Maxaa dowladda looga cararayaa?  

Dastuurka yaa Khilaafaya madaxweynaha iyo kooxda u ololeysa Jubbaland?

Dastuuska Soomaaliya QODOBKIISA KOOWAAD wuxu qorayaa Somaliya inay tahay QARAN MADAX BANNAAN oo taladeeda iyadu leh, haddaba qaran madax bannaan dalal kale maamul ma ka sameeyaan gudihiisa iyada uusan qaranku raalli ka ahayn ? Sow Dastuur ku tumasho ma aha? Qolyaha dhahaya Kenya iyo Itoobiya ayaa xaq u leh maamulka Jubbooyinka taladiisa inay wax ka gooyaan (Axmed Madoobe ayaa 28/02/2013 sheegay in IGADD ay shirka hal sano soo wadday!) iyo qolada diiddan sida (madaxweynaha) yaa dastuurka ku xadgudbaya? Faarax Macallin-se ma ku dhacaa inuu dhaho Liboy Kenya Nairobi lagama xukummayo? Ma Gaarisa ayaa laga soo magacaabay ragga ,Immigration-ka Liboy?

Tan kale madaxweynaha mas’uuliyad ayaa ka saran dalka in aan dib danbe loo dagaallamin oo qabaa’ilku heshiiyaan, sida gobolada la isu raacinayo sow ma aha arrin keeni karta dagaal sokeeye? Haddii uu Axmed Maddobe maamul uu hadda Kismaayo ka dhiso oo uu dhaho ciidamada Kenya way sii joogayaan oo maamulka “deegaanka” ayaa rabo oo ay dowladda Soomaaliyana amarto in ciidanka Kenya lagu beddelo ciidan kale amaba ay Soomaaliya ka baxaan sow shiddo kale ma aha? Yaa damaanad qaadaya dadkii wafdigii dowladda federaalka ah soo celiyey Kismaayo inay dhahaan Kenya way sii joogeysaa sow waxa ay Kenya doonayso ma aha? Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Ra’isul baarlamaanka waa inaysan arrimaas aan kor ku soo sheegay fududeysan, maadaama ay yihiin rag aqoon yahan ah (Jubbooyinka aniga aragtidayda intay KENYA joogta maamul lagama dhisi karo).

Soomaalida ha is cafiso ilaaheyna ha ka baqdo oo waddanka yaan qas kale la gelinin gaar ahaan dadka lacagta ceyrta ah ka qaata Yurub iyo Kanada dhulkiinna ha gubina.

Waxaa Qoray: Abdi Osman   Adam2025@Gmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.