Kismaayo: Dhiiga oo Xalaal laga dhigtay

Keydmedia Online — Tan iyo markii Kismaayo ay Gacan u gashay Maleeshiyada Raas-Kambooni Sanadkii 2012, waxaa Magaalada ka dhacay wax aan horey ugu dhici jirin, oo ah Dilal iyo Beegsi joogta ah, dhiiga Shacabka ayaa waxaa laga dhigtay Xalaal.
Maqaallo Keydmedia Online
Kismaayo: Dhiiga oo Xalaal laga dhigtay

Inta la Xaqiijiyay 53 Ruux ayaa Sanadkaan, oo Lix Todobaad maraya, lagu dilay Magaalada Kismaayo, waana inta Warbaahinta soo gaartay.

Kismaayo oo Intii Maleeshiyaad Beeleedka Raas Kambooni ay gacanta u galin ahayd Magaalo Nabad ah oo Dilal Qorsheysan aysan ka dhicin, ayaa waxey isku badashay Sanadkii lasoo dhaafay Magaalo Qoorta looga jaro Qofwalba oo Farta taaga, oo sheegtay in uu kasoo horjeedo Axmed Madoobe.

Falalka ka dhacaya Kismaayo, ayaa Baaritaanno kala duwan oo Keydmedia Online ay samaysay ayay ku ogaatay in ay yihiin kuwa Qaab Qabiil ku salaysan, oo markaasii ay geysanayaan Maleeshiyada Raas Kambooni ee u adeegga Axmed Madoobe.

Keydmedia Online, ayaa la hadashay Qaar kamid ah Odayaasha Deegaanka iyo Sayaasiyiin kale, si ay ugu soo gudbiso Akhristiyaasha Xaqiiqda Dhabta ah ee ka jirta Kismaayo iyo Dhibaatooyinka ay qabaan Shacabka Magaalada.

Nabadoon Macalin Gaas Sheikh Xuseen, oo kamid ah Odayaasha Nabadoonada ah ee Jubbooyinka, ayaa sheegay in Saddexdii Maalmood lasoo dhaafay oo kaliya Gudaha Magaalada Kismaayo lagu dilay 14 Qof oo Rayid ah, oo Ganacsato ay lu jiraan, kuwaasi oo intooda badan ay Guryahooda kala baxeen Maleeshiyada Raas Kambooni.

Dadka lagu dilay Todobaadkan waxaa kamid ah Gabar yar iyo Nabadoon Cabdi Hurre Xasan, oo 30 Xabo lagu dhuftay, kadibna ay Labada Dhegood ka jareen Maleeshiyada Raas Kambooni, waxaana dilkaasi lagu tilmaamay mid arxan darro ah.

Nabaddoonka, ayaa sidoo kale tilmaamay in Maleeshiyada Raas Kambooni ay dhaceen Bakhaar uu leeyahay Ganacsade lagu magacaabo Cabdi Barre, Sababta loo dhacayna waxa uu kasoo jeedaa Beelihii laga saaray Kismaayo, ee la dagaalamay Axmed Madoobe Sanadkii tagay.

Wuxuu sheegay in Maleeshiyo Hubaysan oo ka amarqaata Axmed Madoobe, ay Xoog ku galeen Bakhaarka Ganacsadaha oo ku yaalla Suuqa weyn ee Kismaayo, waxaana ay ka qaateen Lacag dhan $ 37,000 USD (Sodon iyo Todobo Kun oo Dollar), waxaana ay Rasaas ku rideen Ganacsadaha iyo Dadkii kale ee usoo Gurmaday intii uu dhaca socday.

Ganacsadaha ayaa sidoo kale la dhaawacay intii la dhacayay Bakhaarkiisa. Ugu yaraan 3 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Weerarkaasi Dhaca loo gaystan Ganacsadaha.

“Waxa ka dhacaya Kismaayo, waa wax aan horey uga dhicin intaan ku noolaa, waxaa yimid Magaalada Maleeshiyo Beeleed aan la aqoon halka ay ka yimaadeen, oo Dhac, Kufsi iyo Dil baahsan u gaysanaya Shacabkii Magaalada waligood deganaa,” ayuu yiri Macalin Gaaf.

Nabadoonka ayaa Arrimahan ku eedeeyay in ay fududeynayaan Ciidamada Kenya oo uu sheegay inay si toos ah ula safan yihiin Ciidamada Axmed Madoobe oo magaalada ka wada waa siduu hadalka u dhigaye Dil iyo Boob loo gaysanayo hantida Dadka Shacabka ah.

"Dhurwaa Gaajeesan"

Nabadoon Macalin Gaas Sheikh Xuseen, ayaa farta ku fiiqay in Ciidamada keenyaanku Hubkii ka dhigeen dadkii kale ee magaalada ku sugnaa Hubkana loo daayay oo keliya taageerayaasha Axmed Madoobe kuwaas oo uu sheegay in xad gudubayo ba’an ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo. 

Sioo kale, Maleeshiyada Axmed Madoobe ay jirdil xoogan u geysteen Guuleed Ibraahim (Baar) oo kamid ah Odayaasha Beesha Hubeer ee degga Kismaayo, kadib markii ay kasoo afduubeen Gurigiisa.

Ibraahim (Baar), ayaa loogu gaystay Falkan, in uu dhaliiyay Maamulka Axmed Madoobe, ee Jubba.

Todobaadkan, waxaa Guryahooda lagala baxay ku dhawaad 30-Gabdhood oo ilaa iyo hada aan la garaneyn meel lala aaday.

Kuma eka intaasi Dhibka ka jira Kismaayo, Waxaa Gelinkii dambe ee Axadii Xeebta Magaalada laga helay, Meydka mid ka mid ah Dadka Sahacabka ah ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Hurre, ayaa waxaa Sabtidii Habeenkeeda lagala baxay Hoygiisa oo ku yaala Xaafadda Farjano, kadib markii ay ku weerartay ilaa 5 Maleeshiyada Raas Kambooni ah, sida ay Dadka Goobjooga ah xaqiijiyeen.

C/raxmaan Hurre oo Da




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.