Kismaayo: Suldaanka Beesha Sheekhaaleed oo eedeeyay Kenya & Soodaf [Aqriso]

Nabad-doonkii ugu weynaa ee Beesha Sheekhaaleed ayaa Dowlada Kenya ku eedeeyay inay Ciidamo bari iyo Galbeedka Itoobiya ka yimid tababareyso, kana shaqeyneyso Khilaaf.
Maqaallo Keydmedia Online
Kismaayo: Suldaanka Beesha Sheekhaaleed oo eedeeyay Kenya & Soodaf [Aqriso]

“Adeer Aniga Da’deydu waa 80 Jir sida aad aragto, Waxana Cimrigeyga intiisa badan aan ku soo qaatay Xaafaddan aad arkeyso ee ku caan baxday Buulo-Abliko kana mid ah Afarta Xaafadood ee magaalada Kismaayo ay ka kooban tahay oo Magaca Balaayada ah ee ay wadato uu ugu baxay Taariikh soo martay Xaafaddan Sannadku markuu ahaa 1964tii, Xilligaasoo Magaaladan Kismaayo Guddoomiye kor kakeen ah uu ka ahaa Nin la’oran jiray Cumar Lulaaye oo u dhashay Beesha Majeerteen.

Ninkaasi Magaaladan Kismaayo Dadkii degganaa ayuu xilligaas aad u kadeeday, Gaar ahaan Xaafaddan Buulo-Abliko ee aad haatan igu wareysaneyso Dadkii degganaa oo dhammaantood wada ahaa Beesha aan Anigu ka dhashay ee Sheekhaal Looboge wuxuu kusoo rogay Sharci ah in Ruqsad la’aan aanan Guri looga dhisi karin Xaafaddaas, Ruqsaddaasoo uu Isagu uun bixinayo, Waxana laga hortagayey in Dadka Deegaankaas ku nool ay dhistaan deegaankooda oo ay si sharaf leh ugu noolaadaan, Balse Nasiib wanaag Beesha Sheekhaaleed Sharcigaas la doonayey in deegaannadooda looga ceyrsado weey ka madax-Adeygeen oo Habeenkii beey Aqalladooda iyo Mudduladooda ka taagan jireen Xaafaddooda Inkastoo laga hor’istaagay in ay Guryo Mudduladaas ka wanaagsan halkan ka sameytaan, Weeyna ku guuleyteen Ad’adeygooda oo Ninkii Cumar Lulaaye wuu ka quustay inuu Beesha Sheekhaal meesha ka qixiyo oo Illaa iyo haatan Xaafaddan Buulo-Abliko Kumanaanka Qoys ee deggan waa Beesha Sheekhaaleed ee magacaasi Buulo-Abliko uu dartood ugu baxay Xaafadda, Iyo xoogaa Qoysas ah oo ay Iyagu soo dejiyeen,Waana Adiga arka Mudduuladii Taariikhiga ahaa ee ay Beeshu habeenkii dhisan jirtay waa iyaga weli ka taagan.

“Adeer Taariikhdaas fogba Anigoon waxba kuugu dheeraan haatan meeshaas Jaamacadda ah ee Shirka ay ku qabsanayaan Qolyahan Boobka wada ee ay Kenyaatigu meesha ku waardiyeynayaan waxa la yiraahdaa Ceeldhiig qiyaastii 5 KM beey u jirtaa Magaalada, oo Xaafaddan aad haatan igula hadleyso Buulo-Abliko ayaa Xaafad ahaan usoo xigta, Ceeldhiig meesha la yiraahdo sideedaba waxa weeye weligeedna ay ahayd Dhul Sheekhaaleed, Waxa lagu qaban jiray Siyaarada Looboge-Fiqi-Cumar, Jaamacaddaas uu haatan Shirku uga socdo qolyahaas waxa dhistay Nin u dhahshay Beesha Ogaadeen oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Cabdi Aadan, Ninkaasi wuxuu halkaasi Jaamacadda ka dhistay Sannadkii 2005tii xilligii Magaalada Kismaayo iyo Soomaaliya oo idilba uu Boobku ka socday, Waxana uu ku andacooday In Booska uu ka gatay Nin Sheekhaal ah, Isagoo lasoo baxay waraaqo ay ku saxiixan yihiin Qolo kamid ah Qolyihii Gacan-kuhaynta magaaladan isku bedbedeshay Xilligii Dagaalladii Ahliga.

“Marka Jaamacaddaas ay ku shirayaan qudheedaa Booli ah Qolyahan Kismaayaan Maamuleynaa leh, waxan ku dacweeynay Maamulladii isku bed-beddelay gacan-kuhaynta Magaaladan Kismaayo, Cid wax ka qabatana waanu weeynay, Xitaa Alshabaabkii magaalada joogay waanu ku dacweeynay oo iyagoo leh waan baareynaa baa iyagiina meesha Kenyaatigu ka qabsaday.

“Ceeldhiigta aan kuu sheegayo ee Jaamacadda Boolidaa laga dhisay ee ay Haatan ku shirayaan ka gudub Deegaanka kale ee xiga Lugloow Beesha Sheekhaaleed baa deggan oo iska leh, Kasii gudub dhanka Baadiyaha Webiga Jubba dhankiisa kale waa Ceel-Mooge Beesha Sheekhaaleed baa deggan oo iskaleh, Haye maxaa xiga Dhanka Laamiga waa Goobweyn, Beesha Sheekhaaleed baa iyana iskaleh oo deggan, War Illaa iyo Jilib laga gaaro waa Beesha Sheekhaaleed waxa deggan Miyi iyo Magaalaba, Weey jiraan Beelo kale oo fara badan oo aanu Labadan Jubbo wada degno oo qudhooda ku fidsan deegaannadan aannu hadda ka hadleyno ee labadan Jubbo kana mid ah Beelaha la doonayo in Xuquuqdooda la duudsiiyo oo ladul dego, Sida haatan ay wax ku socdaan Adeeroow waa Fitno iyo Colaad Abuurid”.

“Indha-adeyg iyo Xishood la’aan baa Maanta ka socota Adeer magaaladan Kismaayo, Waxana muuqata in Dadku ay Maalin Cad Qarwayaan.

“Anigu waxan Indhahayga saaray oo halkaas TVgaas Soomaalida aan ka daawaday Nin Oday ah oo Afka Soomaaligaba uu ku hadalkiisu dhibayo oo ku dhashay Dhulka NFD loo bixiyey ee ay Dadka Soomaaliyeed deggan yihiin balse Kenya ay inaga haysato, oo Madaxweyne Xassan Sheekh ku cambaareynaya in Dadka Deegaannada Jubbooyinka uu ka hortaagan yahay in ay Maamulkooda sameystaan, Yaab!!.. Bal Ninkaasi Adeeroow NFD ku dhashay ee Deegaanka uu ku dhshay ee uu weli deggan yahay ay Kenyaatigu haystaan oo Kismaayo in ay Kenya Maamusho u qeylinaya.

“Waxa kale oo aan aad ula yaabay Niman Wadaaddo ah oo qaarkood magaalada Nairobi Kutubbo Diini ah ka Aqriya kana soo jeeda Kilinka 5aad meesha loo yaqaanno ee ay Itoobiya Gumeysato oo aan Anigu aqaanno Deegaannada ay ku dhasheen ee ku yaalla Kilinka 5aad oo magaaladan Kismaayo inteey Diyaarado Kenya leedahay u soo raacay ku doodaya in ay yihiin Musharrixiinta u tartamaya Madaxweynenimada Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

“Adeeroow Qarankii Soomaaliyeed ee Xoogga badnaa waxa uu ku burburay Dagaalkii uu u galay  sidii dib loogu xoreyn lahaa Dhulkaas ay Itoobiya inaga haysato ee ay reer Galbeedku siiyeen qarnigii Sagaal iyo Tobnaad Dadkaas Kismaayo usoo ordayana ay ku dhasheen, Haatan Dhulkaas waad la socotaa waxa ka socda. Maalin-dhoweyd magaalada Jigjiga Taallo (Sanab) ayaa looga sameeyay Ninkii Tigreega ahaa ee dhintay (Melez Zenawi) ee 2006dii magaalada Muqdisho ku gumaaday 30’000 (Soddon Kun) oo shacabka Soomaaliyeed ah, Illaa iyo haatanna Ciidamadii uu soo geliyey Soomaaliya ay xasuuqa ka wadaan Gobollo badan, Waxana aan arkayey oo TVgan Soomaalida aan ka daawaday Iyadoo Ninkaasi Sanabkiisii laga taagay Masaajidka Jigjiga gadaashiisa ee Shacabkii Soomaaliyeed ee halkaas degganaa ee Gumeysigaas ku hoos noolaa lagu yiri sidii Kacbadii dul dawaafa, Sanabkii Melez Zenawi oo hoos dhagax Madoow looga xiray taallo dheerna laga dul dhisay, Waana wax duuban oo ma’aha wax aan iska sheegayo Dadkaas Culumadoodiina waa kuwan inteey Qamiisyo Cad-Cad soo qaateen ku Qarwaya “Kismaayo ayaan Madaxweyne ka noqoneynaa”.



“Ilaaheey baan kugu dhaarshaye Ninka Sheekha isku sheegaya ee Shacabkaas Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee weliba Tolkiis u badan ee Gaal Sanabkiis la dul-dawaafinayo intuu ka qiiroon waayey Gaalo kale oo Gumeysata Dhul Soomaaliyeed kusoo wada Dalka intiisii xorta ahayd maxaad ku sheegi lahayd?.

“Dadka Gobollada Jubbooyinka dega Adeer Taariikh dheer oo Gumeysi neceyb ah ayey leeyihiin, Waana ku kalsoonahay in aysan harsaneynin oo aaney marnaba oggolaaneynin in Kenya iyo Itoobiya halkan ay ka sameystaan Buffer-Zone, Iyagoo iska soo hormarinaya Dad Afka Soomaaliga ku hadla ee ay iyagu soo tarbiyeysteen, Waxanse aan xeerineynaa illaa iyo haatan Dowladda Soomaaliyeed oo aan ka wardhowreynaa inta ay ka quusaneyso wax ka qabashada Dulmigan lala soo maagay Shacabkan Koofureed ee Jubbooyinka ku dhaqan ee Balaayada aan iyagu raadsan balse marka ay ka fursan waayaan u birdhiga. Murti Soomaaliyeed baa oraneysa:-

Alleylehe Ballaayooy

Nin Badbaado haystoo

Kuu Baahday Adigoo

Kuu Baaqay Waa Nacas!

Alleyle Ballaayooy

Haddii Nabaddu Baaddo

Ninkaan Kuu Birdhiginee

Kaa Baxsadana Waa Fuley!!

(Geeraar ama Hees uu curiyey Abwaan Maxamed Cali Kaariye AUN).

Balaayada Adeeroow Ninka Isagoo badqaba Raadsada ee ka shaqeeya waa Nacas sida Murtidaas ka muuqata, Ninkase markii nabadda ay Ba’do aan u Birdhigin Balaayada, Kaasi waa Fuley.

Marka Adeer Dadka Koofurtan dega Belaayada ma raadsadaan, Waxanse kuu xaqiijinayaa in Haddii nabaddu ay Ba’do ay u birdhigaan Balaayada soo Raadsata”, Waxana Hubaal ah in Kuwan haatan Balaayada Buufinaya aysan Baciirta dillaacdaa u Birdhigi karin hadhoow.

Ayuu yiri Nabad Doon Abuukar Baasto oo Xaafadda Buulo-Abliko ee magaalada Kismaayo ugu warramay Wariyaheenna Magaalada Kismaayo.

Xigasho: Hillaac.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.