Koonfurta Soomaaliya iyo Mashaariicda Dagaal (Daawo Video)

Nairobi (Keydmedia) - Maqalka koonfurta Soomaaliya dad badan waxa uu u yahay naxdin iyo uur ku taalo, taasina waxaa sababay qandaraaslayaal dagaal oo mashaariic bud dhigooda uu yahay burburin iyo dhibaateyn ku soo qaatay gobalada koonfurta.
Maqaallo Keydmedia Online
Koonfurta Soomaaliya iyo Mashaariicda Dagaal (Daawo Video)

Qandaraaslayaashaasi ayaa ah kuwa asal ahaan aan ka soo jeedin gobalada koonfurta iyo damiirlawayaal lagu gabaday oo reer koonfureed ah, waxaana badanka qandaraasyadaasi qarash ku bixiyo ajaanib ujeedooyin kale duwan leh.

Siyaasiyiinta soomaalida badankood ma fahansan halka dhibaatada ay ka jirto, waxaana marka laga su’aalo arinkaasi ay ku jawaabayaan “koonfurta waxaa ku habsaday musiibo rabaani ah” laakiin waxaa jira dad tira yar oo dareensan halka ay sirta ka quransantahay ee looga soo duulay koonfurta.

Professor Max’ed Cumar Dalxa waa xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waana aqoonyahan indheergarad ah, Keydmedia ayaa su’aashay dhawaan aragtidiisa ku aadan dagaalada ka socda koonfurta ee dhaxalkooda uu noqday barakaca iyo geerida shacabka Soomaaliyeed.

“Waa arin cad in ujeedo siyaasi ah ka danbeyso dhibaateynta koonfurta, waayo 20-sano dagaal joogta ah ayaa ka socda gobalada koonfureed, waxaana layaabka ugu weyn ay tahay in dhulka koonfurta la yiri “lama kala xigo oo qof walba oo soomaali ah waa mid u furan” waxaaba taasi dheer oo la yaabkeeda leh in iminka ay soo shaac baxday fikrad dhaheysa Koonfurta waa meel u furan dhamaan dadka Muslimiinta ah iskaba daa Soomaalida” sidaa waxaa yiri Dalxa Wareysigii ee Keydmedia la yeelatay.

Waxa uu is weydiiyay Dalxa sababta keentay in gobalada kale ee dalka ay qoysas gaar ah yeeshaan laakiin koonfurta ay noqoto gobal guud oo Soomaalida ka dhaxeeya,iyadoo aan ognahay in gobalada kale dadka ay kala xigaan oo qof walba siduu doono ka yeelan Karin.

Is weydiinta Dalxa ayaa waxaa daliil u ah qaabka gobalada Waqooyi Galbeed, Bari, Nugaal iyo gabalo kale reer koonfureedka ku dhaqan loola macaamilo, tusaalaha ugu fudud ayaa ahaa in maamulada gobaladaasi ee qabaa’ilka ay sameesteen ay yihiin kuwa qabiilada u gaar ah, laakiin maamulada loo sameeyo koonfurta kama lug baxsano shaqsiyaad ka soo jeeda gobaladaasi.

Dagaalada ka jira koonfurta ee ay horboodayaan shaqsiyaadka ka soo jeeda gobalada Bari, Nugaal, W.Galbeed kuwaasoo mar walba shaati cusub oo kalar iyo ujeedo gooniya xirnaya, mar hogaamiye dagaal, mar waa shiikh, mar waa ganacsade.

Ka sakow baa’binta shacabka gobalada koonfureed waxaa ka socda qorsha lagu nabaad guurinayo dhirta iyo deegaanta,iyadoo la jarayo dhirta lana xaalufinayo deegaanka qeybaheeda kale duwan.

“Dunida daryeel xumo ayaa nagu heysata, annagoo mas’uuliyad sheeganeyna xittaa dunida tix galin kama helno,waayo magac ahaan iyo qiima ahaan soomaaliya waxaa ka sareeya jaziirada yar, waxaadna ciilkaasi dareeymeysaa marka aad u safarto dunida” sidaa waxaa yiri Pro Max’ed Cumar Dalxa.

“Waa laga gudbin doonaa awood ku faanka iyo xadgudubka ummadda lagu hayo, waxaana la gaari doonaa mustaqbalka xili dadku ay saman yihiin, waad aragtaa halka ay joogaan dadkii qoriga ku faani jiray shalay, marka koley ahaataba isbadal waa iman doonaan” ayuu yiri Professor Dalxa oo ka hadlayay rajadiisa ku aadan mustaqbalka iyo dhalashada dowlad Soomaaliyeed

Waa hubaal haddii guud ahaan reer koonfureedka ay garan lahaayeen dhibaatada lagu hayo iyo hagar daamooyinka loo maleegayo in isbadal wanaagsan oo dhanka maamulka ah la gaari lahaa nabad iyo xasilooni ka dhalata  guud ahaan gayiga Soomaaliya.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.