Kulan Ay Yeesheen General Caydiid & Beesha Isaaq - Muqdisho 1991 | ? Daawo Video

DAAWO VIDEO CUSUB - (Keydmedia Online Exclusive) - Daawade Halkaan waxaan kugu soo Bandhigeynaa Documentry-gaan oo Qayb kamid ah Barnaamijka Keydmedia History Clips, Sababtoo ah waxaan u aragnaa in ey Muhim tahay in aad wax ka ogaatit Marxaladihii kala duwanaa ee Dalkaagu soo maray.
Maqaallo Keydmedia Online
Kulan Ay Yeesheen General Caydiid & Beesha Isaaq - Muqdisho 1991 | ? Daawo Video

Dhacda kasta uma dhicin sida adigu aad dooneysay!

Burburka ey Maantay Soomaaliya ku sugantahay waa wajio badanyahay waxaanse ku soo koobeynaa Sadex Arimood:

  1. Waa Mid la xiriirta Qorshaha ey Reer Galbeedka Soomaaliya ka leeyihiin oo loogu Magac daray Nidaamka Cusub ee Aduunka (New World Order) iyo Midka lagu badalay oo loo bixiyay Globalization oo markii la fasiro noqonaya New Colonialism.
  2. Waa Danaha Dowlado Shisheeye (Reer Galbeed) oo adeegsaday Shaqdiyaad Soomaaliyeed oo fuliyah Danahaas Sida: Groupkii Manifesto oo is magacaabay Maxamad Siyaad Barre oo wali Dalka ku sugan. Kooxdaas Manifesto waxey Bililiqeysatay Halgankii SNM, USC iyo SPM oo Halgan hubeysan ku Qaaday kana riday Regiimkii Maxamad Siyaad Barre, Regiimkaas oo Soomaaliya Burburka u horseeday.
  3. Kala Qeybin iyo kala Qoqobid Qorsheysan oo la dhexdhigahayay Marwalba oo ey Dadka Soomaaliyeed laga dareemo iney Isfaham dhexdooda ah raadinayaan. Tusaale waxaa idiin ah: Shirarkii Xumbada dhali jiray sida Djibouti 1 ilaa 5, Addis Ababa 1-11, Qaahira 1-3, Nairobi 1-13 .... iyo Hogaamiye Kooxeedyo iyo Warlord-do Casri ah oo Marwalba Qandaraas lasoo siiyo si loo Burburiyo Inta dhisan, loo Barakiciyo Inta Dhabar adeegtay.

Documentry-gaan Taariikhiga ah waxaad ka dheehan kartaan Maqal iyo Muuqaal iyo Erayo ey isweedaarsanayaan Shaqsiyaad Qaarkood ey Maantay Noolyihiin Inbadan-nah ey Geeriyootay, sida Beesha Isaaq intoodi Magaala Madaxda Muqdisho ku sugneyd 1991-dii iyo General Maxamad Faarax Caydiid.

Hadaba Daawo kulankaan Qaabka uu ku yimid iyo Qaabka uu u dhacay.

Markaad Daawatit, ma u maleyneysaa hadii laga hortagi lahaa inta markaas laga digayay, hadii la Suuragalinlahaa oo la qaadan lahaa Talooyinka halkaas la isku dhaafsaday, ma isleedahay Soomaaliya Burburkaan ey Maantay ku sugantahay wey ka badbaadi laheyd?.

Fadlan Aragtidaada nooso gudbi: Xariir@Keydmedia.net

Keydmedia Online (KON) - Xafiiska Columbus, Ohio





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.