Laba Shariif & C/weli Hadalkiina intuu uurka ku jiro ayuu ammaano ahaa !

Dr. Ali. A. Hirabe - Madaxweynaha ayaa si weyn u beeniyay eedaha lagu shaaciyay warbixinta ka soo baxday Monitoring Group balse ma qumaneen in uu ku talaxtago oo uu dhaho kuna tilmaamo in aay yihiin kuwo cadow ku ah Soomaaliya isagoo madaxa guddigan oo lagu magacaabo Matt Bryden ku eedeeyay inuu ka shaqeeyo kala qeybinta Soomaaliya...
Maqaallo Keydmedia Online
Laba Shariif & C/weli Hadalkiina intuu uurka ku jiro ayuu ammaano ahaa !

Iyada oo la ogyahay ninkaa iyo hadafkiisa ayaa hadana siyaasada waxaa aay leedahay waxa loo yaqaan diplomatic language oo ah luqada dibolomaasi taas oo ka digeeysa xanafta ujeeda hadalka iyo horumarka wada hadalka qurxintiisa, adiga oo waxa aad damacsan tahay sheegaya ayaa hadana waxaa xaaraan ah in hadalkaaga uu ka dhex muuqdo caro, rajoxumi iyo ujeedka leeysku hayay oo ahaa masumaasuqa in meesha laga saaro.

Ogow ururkani waxaa uu yahay mid qaramada midoobay u shaqeeya waa organ weeyn maaha dal aad u jawaabeeysid ama shaqsi,waa urur caalamka oo dhan uu xubin ka yahay hadafka loo abuurayne uu yahay sidii aduunkaan nabad loogu soo dabaali lahaa,waa kuwa UNPOS iyo Mahiga aay ka joogaan Somlia,runtii waxaa meesha ka maqan aqoon siyaasadeed iyo luqad dibolomaasi taas oo lafdhabar u ah xalinta dalka.

Waxaa Shariif laga sugayay in uu xalka ka doono meelwanaagsan maadaama aay tahay dacawad hanti qaran oo lagu eedeeyay Madaxdii somaliyeed,waxaa qumanaa in lagu dhaqaaqo xalkana meesha ugu dhaw:

In r/wasaaraha iyo wasiiradiida oo uu ka mid yahay wasiirka maaliyada iyo agaasiimaha w/maaliyada iyo gudoomiyaha bangiga dhexe leeyskugu yeero lana soo turxaan bixiyo  dacawada lagu eedeeyay  masuqmaasuqa,ama in la abuuro gudi ka soo shaqeeya oo heer wasiiro ah,marka la soo xaqiijiyo ka dib ayaa Madaxweeynaha loo gudbin ka dibna iyada oo hab-dowlad ah ayaa Un ka xafiiskiisa Muqdisho loogu gudbin iyada oo aay ka muuqato saxiixa madaxweeynaha.

C/weli in uu jawaabo waa qalad sabbabta oo ah jawaabta uu bixiyay waxaa laga dhandhansan karaa in aay aheyd mid fardi ah ama kaligii asaga oo ilowsan in uu yahay r/wasaare umadeed,sida oo kale Shariif  Hassan Sh .Aadan iyo Sheekh Shariif in aay ka jawaabaan  kali kali ahaan ma qumaneen mana ah hab dowladadeed oo qurux badan  balse haddii dowlad la yahay waxaa qumaneeyd in hal cod lagu hadlo,Shariif waxaad moodaa in uu iloobay in uu yahay madaxweeyne Somali symbol  sumada ama calaamada Qaranka.

Waxaa aad qabatay lama moogana hadana rag faro badan ayaa raali ka aheeyn nabada Muqdisho,nuurka ka soo ifbaxay xamar  aad ayaa looga xun yahay iyada ayaa hadafku yahay in aay burburiyaan naguna celiyaan 20 sanno oo kale,hadaba si taasi looga diktoonaado waxaa quman in aan baranaa diplomatic language nagu soo dhaweeynkaraa caalamka naguna naci kara kuwa Muqdisho u diidan nabada iyo horumarka.

Waxaad moodaa in R/wasaaraha xagiisa in aay jirto aqoon dari ama aqoon laáan ku wajahan sidii loogu hortago dhacdada noocaan oo kale,waxaan danbiga dhacay  dusha ku ridanaaya C/weli oo aan ka soo bixin shaqadiisa dowladnimo balse Maxed C/aahi Farmaajo dusha kaga tuuray in dowladiisa aay lunsatay hanti faro badan asaga oo la ogyahay in uu ahaa wasiirada ugu tunka weeynaa dowladaa.

Sow maaha caga jiid iyo in uusan raali ka ahyeedn in uu dalkaani dego,waxaa uu odayada ka soo qortay liis dheer oo 100 qofood ah halka Faroole soo qortay liis 100 qofood ah,war xagee dhaanka loo wadaa,Odaya daarood sow double moral standards maahan.

Alow Sahal Umuuraha - Ramadaan Kariim

Dr.Ali.A.HIrabe - HIrabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.