Labada Shariif oo Xulanaya Gole Barlamaan

Abdi Abshir Dhoore - Waxaa la hubaa in Soomaaliya eey ku daashay Golaha Shacabkan ee hada jira, ma ahan kaliya tirada Golahan oo badan, ha yeeshee ma leh tayo kalosooni gelin karta shacabka uu sheeganayo inuu matalo.
Maqaallo Keydmedia Online
Labada Shariif oo Xulanaya Gole Barlamaan

Weeydiintu waxeey tahay sidee lagu heli gole cusub, maxeeyse madaxdu u rabaan qeeyb kamid ah golahaan ineey la haraan.

Waxaa hada cusub soona if baxay, sabab culusna laga dhigayaa yaa xaq u leh ineey soo xulaan gole cusub, maadaama in laga jawaabo weeydiintaas eeysan fududeeyn madaxda dalku waxeey ka dhax arkeen dantooda oo ah in golahan uu sii jirro….Halla kala baro golahan hana noqdo golihii cusbaa ayeey difaacayaan madaxdu, waayo:

    * Dib u habeeynta ineey saameeyaan ayeey rabaan.
    * Hadeey awoodaan ineey kuwa eey isku fiican yihiin u bataan.
    * Markaasna eey tallada dalka hogaamiyaan.

Maxaa hadaba dalkan iyo dadkan u ah xal dhab ah: Waxaan isweeyndiin laheeyn in golayaashii dhaqanka ee soo xulli lahaa xildhibaano naftooda uu ku dhacay, si baahsana u saameeyey dhibaatada baahsan ee dalkan iyo dadkan haleeshay, oo maanta aan xataa dhaqankii lagu kalsooneey.

Umada soomaaliyeed wax kastoo ka dhaxeeyey ee marjac noqon lahaa waa lagu ciyaaray, markaa ayaa wax dadkan ka dhaxeeya oo lagu kalsoonaado la waayey, waxaa u dambeeyey in diintii islaamka maanta aan lagu saleeyneeyn in loo isticmaalo halbeeg lagu kalla baxo.

Maxeey hadaba tahay tallada dhabta ah ee loo baahan yahay: Bal aan isku dayo

  • Waa in la xaqiijiyaa jidkii loo mari lahaa soo xulida golaha cusub inta waqtiga la heesto, yaan fursad la siin eey madaxdu waqtiga ku dilaan.
  • Qof asagiiba xildhibaan ah hada, saameeyn yuusan ku yeelan jidka loo maraa xulitaanka.
  • Hadii tayo xumo ku dhacday dhaqankii aad haloo soo xullo kuwa dhabta ah.
  • In la qoro sifooyin laga rabo shaqsiga xildhibaan noqonaya.
  • Guddiga is-waafajinta tayada laga rabo xildhibaanka iyo dhaqanku kuwa eey soo xuleen, oo dib loogu celin karo haduusan u qalmin shaqada….shacbiguna kala sacodaan hoowlahan saxaafada oo qarsoodi aan lagu maalin maandeeq.
  • Xildhibaanada hada jira kuwa leh sifooyin aan fiicneeyn ineeysan soo noqon Karin.
  • In la sameeyo gole ansixin kara xildhibaanada oo kakooban qeeybaha bulshada.
  • Tirada golaha oo aad loo yareeyo ugu badnaan 150-175.
  • Hoowshaas oo ka dhacda wadanka gudihiisa.

Arimaha halkan ku qeexan madaxda hada jirta iyo asxaabtoodu ma waafaqsana, waxeeyna ka dhex arkeen ineeysan u fiicneeyn jidka eey rabaan ineey madax kusii ahaadaan.

Hadaba hadii Soomaalidu eey ka mashquulaan aaya ka talintooda yeeysan cidna eedeeyn, waa in la soo jeedaa, la foojigan yahay, in dalka aayihiisa aad leedihiin aad u istaagtaan, la idiin xullin shaqsiyaad aan idin matali karin, diidaan in wadanka banaankiisa wax lagu soo dhoodhoobo, gacanta ku qabsataan mustaqbalkiina iyo kan ubadkiina.

Hadii awal la soo xuli jiray Gole Shacab oon idin matali Karin hadaba fursad baa jirta aad wax ku saameeyn kartaan ee talooyinkiina iyo fikirkiina waa inuu muuqdaa.  

Xafiiska Xildh. Abdi Abshir Dhoore
Abdi_dorre@yahoo.se




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.