Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! (QEEYBTII 2-AAD)

Dr. Bashiir M. Xersi ( Italy) - Qaybtii koowaad ee Qormada waxaan ku qaadaadhignay Xuseen Caydiid, Inagoo ku soo afmeernay ra’iisul wasaare Farmaajo, halkii ayaanna ka sii amba qaadaynaa, waxaanna sii baarbaaraynaa laba codleeyayaasha Soomaali ka buuxa, balse waxaan ka soo qaadanaynaa kuwooda ugu yaabka badan, dhammaan waxay ka siman yihiin inay dadka dhankay rabaan u jeedshaan, taasna waxay ka arkeen dadka, haddiise la oran lahaa: “War Heedhe Habaarqabe orod naga Hortag!”, ilama ahan inuu heer nagu dhexgaari lahaa, balse maamuus ayaanba ugu daraynaa iyo magac uusan u qalmin!.
Maqaallo Keydmedia Online
Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! (QEEYBTII 2-AAD)

Waxaan qormadan ku billaabaynaa Xabaalbadiye: C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuu ku caan ahaa inqlaabkii dhicisoobay ee dhacay Sannadkii 1978, loona yiqiinnay “Inqilaabkii dhicisoobey, ama inqilaafkii Cirro!”, fashalkaa ka dib wuxuu u baxsaday dalka Ethiopia, wuxuuna aas-aasay mucaarad hubaysan kii ugu horreeyey abid Soomaali, sidaa darted waxaan dhihi karnaa waa qofkii ugu horreeyey ee qori uga soo horjeesta dawladdii Soomaaliyeed, iyo afgambidoone tabarlaawe!.

C/laahi Yuusuf wuxuu jabhadnimo ku soo jiray muddo dheer, malaha la dhihi karo waa jabhadka ugu cimriga dheer geeska Afrika, balse waxaa taas garab taal itaal la’aan iyo taloxumo dilatay jabhadka, wuxuu shansano xabsi ugu jiray Mingiste Xayle Maryam, wuxuu xabsiga ka soo baxay markii Mingiste xilka laga tuuray, Isagoo u baqoolay dhanka gobolada Waqooyi bari, oo uu ka noqday madaxweyne aas-aaskii dawlad goboleedka Puntland sanadkii 1998-dii.

Qaraxyadii gilgilay 11-kii September sanadkii 2001-da wadanka Maraykanka, C/laahi wuxuu sheegay inay degaanka loo yaqaan Shimbiraale ee ku yaal Puntland, ay joogaan kooxo argagixisa ah, taa waxaa ku wehliyaey wadaaygiis Xuseen Caydiid, oo waliba sii dhaafiyee sheegay in Aabihiis Gen: Caydiid uu xiriir la lahaa Alqaacida, koox wariyayaal ah oo ka socday warbaahinta dunida iyo gudaha, ayaa socdaal ay ku tageen soo waayey xittaa Shimbirihii.
Inaan waxba deeqin wax walbana kaligiis ku wanaagsan yihiin, wuxuu ka qaybgalay shirkii SNA ee lagu qabtay dhismihii ay ugu magac dareen: “Hoyga Nabadda”, laguna dhisay dawladdii Salballaar, wuxuu la soo istaagay: “waxaan ra’iisul wasaare ahayn kuma qanco”, xoogaa lacaga inta diyaarad loo saaray ayaa lagu yiri: “Adeer sii nabadgal!”.

La yaabku waa markuu yiri: “waxaan ahay Soomaaligii ugu horreeyey ee xabbad rida”, markaa waxaa loo doortay madaxweynaha dawladdii Empagathi, oraahdaa marka aan ka soo tagno runnimadeeda, mu wuxuu kaga jeeday yaan kaalinta lagugu ciriirin, maadama ay soo bexeen qabqablayaal si fiican dadka u warjeefay? Mise wuxuu uga dan laha cabsigalin iyo inuu dadka bajiyo, Maadaama uu rajo ka lahaa inuu xamar si nabad ah ku maamulo?!.

Dambi qirahsadaa mid ka cad miyaad sugaysaan Soomaaliyeey? Aanse eegno sida maalmuhu noqdeen, C/laahi wuxuu isla markii la doortay xoogga saaray inuu xoog wax ku muquunsho, Isagoo degdeg u ansaxsaday in dalka uu keensado wadamada dariska ah, gaar ahaan Xabashi, wuxuuna dalkii u horseeday Xabashi inay soo galaan, Isagoo sallaxaad ka helaya wadaadadii ku bahoobay Maxkamadaha, oo dhaarbeeneed ku dheheen: “Iiddaan Ethiopiaan ku dukanaynaa”, nasiibdarrese Xabashidu Iiddaa waxay ku Iideen Kalluunka Muqdisha!, waxay dhigeenna waa la wada ogaa, uma baahna ka sheekayn iyo wax ka sheegid badan{lama arag iyo lama maqal!}.

C/laahi yuusuf markuu wuxuu xasuuqi karo xasuuqay, wuxuu gubi karana gubay, wuxuu dhoofin karana dhoofiyey!, ayuu markuu kursiga laga dajiyey bilo ka dib maalin Iid ah yiri: “Soomaalay ha la i cafiyo!”, waaba yaabe mid walba markuu dad iyo duun laayo, muxuu u yiraa halla i cafiyo!, markuu wax walba iibsado oo xaraashto ayuu dhahaa halla i cafiyo!, ma garan cafiskan qubanaha ah ee aan lahayn hakad iyo joogsi, taaba waxaa ka sii muhimsan inuusan lahayn ujeed iyo ka jeed, macnaha inuusanba ku qotomin xeer iyo xukun.

Sidaa waxaan u leeyahay, haddii hadalku noqdo iska dheh oo ha u fiirsan waa dhibkiisa, afkaa qoyan u hadalna waa laga fiican yahay, hadduuse yahay inaad ka xun tahay wixii aad horay fashay, taa waa mid kale, sababtoo ah waxay u baahan tahay si kale in loo eego, maxaa yeelay waa inuu yahay qirasho dhab ah, balse hadduu yahay iska dheh waa dhihi kartaaye, waxaan hubaa inaan taas wada aragnay, dhaqan keenuna u batay dhankaa!.

Arinta C/laahi waxaan ku soo gaabinayaa, sidee la isu saaraa hadalladaan kala ah: “waxaan ahay ninkii u horreeyey ee xabbad rida”, “Shibiraale waxaa jooga argagixiso”, wixii aad layn kartana aad layso, xasuuq iyo baab’inna aad gaysato, ama amarkaaga lagu gaysto, ama raalli aad ka tahay una dhoollo caddaynaysid, ugu dambaynna aad tiraahdo:“ha la i cafiyo!”, waa hubaal inay tahay wax aan isqaban karin, ee C/laahi qaatumadee kuu dambaysa, kollay xilli dhallinyaro kuma jirtide?!!!.

Haddaan intaa uga harno C/laahi iyo laba codlayntiisa, balaan u gudubno laba codleeye kale, haddaan shakhsigaan ka dhignay Xabaalbadiye dagaal oogaa, aan ku xijinno madani aan dagaal ooge ahayn, sida aan qormadii horaba isugu xijinnay xuseen Caydiid iyo Farmaajo, balse isxijintaan wax kale ayey uga duwan tahay labadaa hore, waxaad ka ogaan doontiin sadarada xiga, ee aan magac dhabo yaan la dhararsane, waa Siyaasiga caanka ah sida la yiraa,  mudane: C/laahi Sheekh Xasan, oo isna ku dhacay laagada laba codlaynta, waliba uga dhacay dhinac aad u hooseeya ama u liita, aan wada ogaanno meesha iyo ujeedka labadaba.

Mudane C/laahi Sheekh Xasan ka sokow taariikhdiisa siyaasadeed, iyo hawlaha uu gaar ahaan Isagu qabtay, ama uu hormuud iyo horsed ka ahaa, waxaa si weyn oo muuqata loogu wada xusuustaa, xubinnimadiisii ergada hubkadhigista ee shirkii Eledoret, shirkaa oo markii dambe loo soo wareejiyey magaalada Mbagathi, lagu dhisay dawladdii C/laahi Yuusuf uu madaxda ka ahaa, wadankana  u gacan galisay xabashida, C/laahi Sheekh Xasan socdaalkaa waxaa ku wehliyey Soomaali iyo ergo kaloo ka socotay shirka, maxaase dhacay?.

C/laahi Sheekh Xasan wuxuu sheegay inuu jiro qorshe dagaal oo lagu damacsanaa in lagu qabsado Muqdisho, si wada jir ahna ay u jeexeen shaxdaa xerta C/laahi Yuusuf iyo saraakiil xabashi ah!, Isagoo taa ku mutay tilmaamta: {Wadani iyo Geesi!}, Muqdisha igu soo orodkaa ma ahan, sidaana uma sahlana kumana gacan galayso barqo iyo dharaar, waxaan filaa in natiijadeeda la wada arkay, dagaalkii 2007-da iyo wixii dhacay, markii dambana Xabashi ku qasabtay inay Isaga baxdo, iyadoo heeryo jaba huwan.

C/laahi Sheekh Xasan hadalkuu sheegay ka dib ayaa xabsiga magaalada Garoowe loo taxaabay, markaasay u sii korortay shacbiyad iyo teegeero ballaaran, Isagoo loo arkay halyey qaran oo loo afduubay fashilinta qorshe dagaal, mudadaa wixii ka dambeeyana wuxuu magac iyo sumcad ku dhex yeeshay dadka reer Muqdisha, hadalkiisuna qiimo iyo nuxur yeeshay, maadama loo xiray inuu shaaciyey qorshe ka dhan Muqdisha iyo dadkeeda, Ayaan daraneeyey Abaal laayeey!!!.

C/laahi Sheekh Xasan markay xabashidu Muqdisha soo gashen, wuxuu ka kid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee ka soo horjeestay Xabashida, wuxuuna ahaa afhayeenka beelaha Hawiye, taa waxay ahayd fursaddii labaad ee uu C/laahi Sheekh Xasan loogu arkay halyey qaran, wuxuu ku guulaystay gaashaan kale, waliba middaanoo sii xoojinaysa diidmadiisii hore, hadalkiisii horana ka dhigaysa run, ama dadka ku sii qancinaysa inuu ahaa: “Runlow Rabbi u soo diray!”, dagaalgalintiisaa maxaa dhacay?.

Siduu u ahaa Xabashidiid, ayuu barqadii dambe nagu soo baxay Isagoo leh: “Ethiopia waa dal aan daris nahay!”, haddaas yaa moog darsnimada Xabashida, sheekadu waxay ahayd: waxaa shir wada qaatay labada C/laahi iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar walaalkiis, shirkaas ayaa malaha C/laahi Sheekh Xasan loogu cantoobiyey, sida caadada ahna noqday”Af wax Cunay Xishoo!”, kuma ekaysan xishoodee C/laahi Sheekh Xasan wuxuuba isku dayey inuu dareen shaki galiyo dadkii u heellanaa xabashi la dirirka, markaa wixii ka dambeeyey yaaba warkiisa maqlay, wuxuu u guuray Ingiriiska.

Labada C/laahi waxay Isaga mid yihiin Xabashi jeclaysiga, ama Xabashi u janjeerisiga, waxay kaloo isaga mid yihiin labo codlaynta, waxayse ku kala tageen C/laahi Yuusuf Xabashi jacaylka waligiis ayuu caan ku ahaa, oo dhiiggiisa ayaaba ku shaqeeya!, halka C/laahi Sheekh Xasan ay ku gashay dhuuniraadis ama dhalyoraac, micnaha jeebbuuxsi ama jilib la jir!, tan kale C/laahi Yuusuf Xabashi Isaga ayaa keensaday, wuxuuna ku qarbuday dalka kuna laayey dadka, halka C/laahi Sheekh Xasan markii horena ka hoorjeeday, oo C/laahi Yuusuf isugu dheceen, markii dambana taageero marag ma doonta ah u muujiyey, oo C/laahi yuusuf ay ku heshiiyeen, kuna gambaday darisnimo iyo oodwadaagnimo!.

C/laahi Sheekh Xasan markii dambe Madaxweyne Shariif ayuu ka daba qaatay, wuxuuna qoray qormadiisii caanka ahayd ee la magac baxday: “Meesha kama tage waxna kama tare!”, hadduu maqaska uu la daba kacay ujeed shaqsi ahaaneed waa gaar, inta aadanse qof ceebayn Adigu is miisaan ama ceebtaada eeg, waxayba ku habboon tahay in naqdiga dadka kale laga hormarsho isnaqdintaada, haddii kale waxay noqon:”Maroodigu Takarta Isaga Saaran ma Arkee, midda kan kale Saaran ayuu Arkaaa!”.

Intaa kuma simin C/laahi Sheekh Xasan, ee wuxuu u gudbay Xilnibaanada, ma xumoo waa arin aan u wada xiisoqabno, balse kan xagxagnaya iyo midka la xagxaganayaa maxay ku kala duwan yihiin? Micnahaha dhaliilaha iyo la dhaliiluhu wax ma isdhaamaan?, malaha ujeedka uu Shariif iyo xildhibaanada ugu daba dhaganaa ayaa ah, inuu magac u raadsho ururkan cusub ee “Xisbiga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda!”, ee uu uga dhawaaqay London.

Ugu dambayn iyo gunaadkii, hubaal in marxalad adag la marayo, dadka lagu dagaalgalinayo ujeed la’aan iyo falalgurracan, haddana maalmo ka dib looga siibanayo!, taaso astaan u ah laba codlaynta, maxaa yelay suurgal ma ahan inaad maanta dhalinyarada ku dagaalgaliso ujeed, ayaamo ka dibna aad uga weecato, magac iyo muunad adduun awgeed!, dhanka kale waan arki donna halkuu gaaro hanka siyaasadeed ee Siyaasiga caanka ah ee C/laahi Sheekh Xasan.

F:G: Fisha qaybta xigta ee qormada oo sii socon doonta.

W/Q: Bashiir M. Xersi - Italy - brdiraac@hotmail.com

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.