Kursiga Anna waan rabaa, kiish Lacag ahna waan sitaa!

Salma Abdikarim (Keydmedia) - Mas’uul kasta oo Dalka Madax ka noqon kara waa inuu soo maraa shaandho kala reebta gufarka iyo miirta oo mushaarrax kasta miisaanka kahor inta aan laysugu iman sayladda codbixinta. Waa riyo beenaad in tartamuhu isku maaweeliyo xeelado badan oo hadda la adeegsado, sida: "Anna waan rabaa, kiish Lacag ahna waan sitaa".
Maqaallo Keydmedia Online
Kursiga Anna waan rabaa, kiish Lacag ahna waan sitaa!

Beel xoog iyo dhaqaale leh baan ka dhashay, iyagaana isoo saaraya. Waajeelkii iyo waxgardkii beeshayda ayaa i xambaarsan oo waan soo bixi karaa. Farsamooyin badan oo aan adeegsan doon oo ii dahsoon baa jeebka iigu jira oo aan kusoo bixi doono.

Mahiga ayaa i xambaarsan oo ii caleemaguraya. Meles Zenawi iyo Musoveni baa gacansaar ila leh oo aan ka haystaa qadarinta 1aad. Shahaado jaamacadeed baan haystaa oo waan soo baxayaa. Waayoarag baan ahay oo waan lay qaddarin doonaa. Al-Shabaab baan hiilo dahsoon ka helayaa oo Faanoole faru kama qodna, iwm…

Nasiibdarro musharraxiintu Maanka kuma hayn inuu jiro nadaam caalami ah oo jideeya xulashada mas’uulka, laga soo bilaabo dable dhimman ilaa jananka hoggaamiya maamulka ciidamada Qalabka sida. Macallinka dhiga dugsiga ilaa madaxweynaha Qaranka.

Arah Yicibeed

Maxaa lagu masala karaa Kooxda-da TFG oo la gabidhaclaynaysa Mas’uuliyadda Qaranka? Waxaa lagu masali karaa koox yicib u arahday oo sidata xashimo qaad weyn oo guranaysa deeqii Rabbi, haddana bulshada inteeda kale ku horaynaysa meel Qorrax ah.

Unugga Dhismaha & Madaxnimada Qaranka

Dhismo Dawladnimo waxaa saldhig u ah xulashada xildhibaanka. Xildhibaan kasta deegaankiisa ayaa laga soo doortaa waxaana soo xulsha bulshada uu u codeeyo. Xildhibaanku waa inuu soo maraa shaandhada gufar-dheebka ah oo muujinaysa in musharrax kasta uu ku habboon yahay xil Qaran oo lagu aamini karo.

Xilka xildhibaanimada cidda qaadi karta waa inay ka fiyowdahay labadan arrimood:

  1. Inaan Xildhibaanku ahayn dambiile qaran iyo mid bulshaba. 
  2. Inuusan noqon mid dhowr oday ay guri mugdi ah kusoo caleemasaareen iyagoo ku wata dan gaar ahaaneed. 
  3. Inuu dhimirkiisu fiyowyahay oo aan lahayn taariikh-nololeed madow 
  4. In musharraxaau uusan ahayn mid dawladu soo maalgelisay oo laga filayo inuu/inay noqoto hayeeshaale dawladeed.
  5. Inuu bulshoweynta ku leeyahay magac fiican iyo kalsooni buuxda
  6. Inuu si buuxda u qaadi karo xilka Qaranka

Doorashada Afhayeenka Golaha Shacbiga

Af-hayeenimada Baarlamaanka wuxuu u furan yahay musharrax kasta oo aan ahayn dambiile qaran soo buuxin kara shuruudaha asaasiga ah oo laga doonayo inuu buuxiyo mas’uul kasta oo qaban kara xil qarameed, waana inuu leeyahay/leedahay:

Taariikh-nololeed nadiif ah. Karti iyo hufnaan loo yaqaan. Waddaninimo. Aqoonta liiltiran. Anshax iyo asluub wanaagsan. U heelanaanta caddaalladda iyo xaqsoorka ummada. Hoodaarnimo xil-qaadnimo. Haybadda iyo karamada shakhsiyadeed. Waayoaragnimada iyo bisaylka siyaasadeed, iwm. Inta doorashadu socoto, waxaa musharraxa ka xaaraansan inu/inay adeegsado dhagar siyaasadeed, gufayn dhaqaale iyo ballan-qaad madaxnimo si uu u helo cod soo saari kara, iwm.

Doorashada Madaxweynaha

Doorashada madaxweynuhu wuxuu lamid yahay tan lasoo mariyo afhayeenka baarlamaanka, muwaadin kasta oo soo buuxun kara shuruudaha mas’uulnimadana qaranka waa usoo istaagi karaa. Xulka doorashadu waa inay ku dhacdaa nabad, caddaalad, istixgelin iyo dimuqraadinimo xalaal ah.

Maxaa noo Diyaar ah oo TFG-mada Looga Gudbi Karaa?

Laga soo bilaabo xulashada xildhibaanka ilaa doorashada madaxweynaha, lama hayo farsamooyinkii hordhaca ahaa oo dawladu ku dhismi lahayd. Looma jeedo madax wadashaqaynaysa oo meel wax u wada wadda. Looma jeedo cid heshiis ku ah sidii qaranimo la gaari lahaa. Looma jeedo wax muujinaya sidii looga bixi lahaa walaaca iyo gabidhaclaynta TFG-nimada.

Waa laysu gabban yahay, cid walbana cidda kale ayay dhagar u maleegaysaa. Madaxdii dawladnimada aglooli lahayd iyaga ayaa dhufays isugu jira, mid walbana kan kale ayuu warmo gaadma ah dhufayska kula jiraa.

Runta manta jirta waa sidatan:

  • Xildhibaannadii Baarlamaanku labo garab bay u kala qaybsan yihiin, mid walbana wuxuu leeyahay afhayeen u gaar ah oo kan kale cadow ku ah.
  • TFG-da iyo Mahiga oo xambaarsan garabka uu horboodayo Mudane Shariif Xasan Sheikh Aaden, mana haystaan aqlabiyad ay geeska ku riixaan garabka uu hoggaaminayo Mudane Nuunow.
  • Waxaa rahman heshiisyo badan oo maamulka dawladdu baarlamaanka usoo gudbiyey in loo codeeyo oo ay kamidka yihiin falanqaynta Dastuurka iyo naqtiimidda Roadmap-ka.
  • Marka dastuurka ay bulshadu soo naqtiino, waxay ahayd inuu baarlamaanka soo maro si xildhibaannadu usii liiltiraan oo dabadeedna heer qaran ku ansixiyaan. TFG-du baarlamaanka kama haysato aqlabiyad siiya waxay meelmarin lahayd, waxay doorbidday ina soo aruuriso boqolyaal bulshada katirsan oo dastuurka ansixiyaan, taasoo ah shirqool ansixin dastuur.
  • Garabka baarlamaank oo mudane Nuunow hoggaaminayo wuxuu rumaysan yahay in lasoo dhaafay muddadii TFG-d xukunka sii hayn lahayd, sidaas darteedna ay damacsan yihiin dhammaadka bishan Abriile inay ridaan Shariif Axmad iyo dawladdiisa. Tanu hadday dhacdo waa khilaaf sii ballaaranaya oo ku imanaya jiritaanka TFG, mana ogin waxa Shariif Axmad iyo Shariif Xasan u kaydsan.
  • Waxaa intaas kasii daran in TFG-du ayna haysan waqti dheeraadi ah oo ay isku hufto oo ay xalliso khilaafka dhexyaal.
  • Xeeladaha maldahan oo TFG-du ku adeegato waxaa kamid ah waqtiga oo ay soo koobto si ay uga gudubto caqabado siyaasadeed oo ay dan gaar ah ka leedahay, isla markaana ay adeedgsato buunka Mahiiga inuu durbaantumo qorshaha dawladda tibaaxayso oo ummadda u qalmin.    

Waxa lagu kala tagsan yahay waxaa kamid ah: Ummadda Soomaaliyeed waxay doonaysaa inay yeelato baarlamaan ay ku kalsoon tahay oo ilaaliya danta dadka iyo qaranimada ummadda; dawladduna waxay rabtaa baarlamaan jeebka ugu jira oo ay ku qaraabato si ay danaheeda u meelmarsato.

Sidee labadaas aragti laysu waafajin karaa?


STOP Xatooyadda! Xushmee Copyright-ka!


Keydmedia.net


Salma Abdikarim Ayuub – Keydmedia.net editor - Columbus, OH - Salma.a.ayuub@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.