LAGUYE MAS BAA HADLAY!!!!!!

Tan iyo markii Dunida la uumay yaabka waa uu sii tixnaa, isla markaana marba marka ka danbeysay waxaa la arkayay mid ka daran kii hore . Waxaan maqalnay sheekooyin ku saabsan waayadii xuriyada, waxaan aqrinay taariikh la xiriirta talisyadii Rayidka iyo Milatari ahaa ee xukunka Dalka isaga danbeeyay, waxaan u soo joognay 20-sano burbur baa’ba iyo halaaga ah.
Maqaallo Keydmedia Online
LAGUYE MAS BAA HADLAY!!!!!!

Tan iyo xiligaa waxaa dhagaha shacabka Soomaaliyeed ay maqlayeen wax cusub oo ka yaab, fajac iyo amkaaga badan wixii horay loo maqli jiray ama loo arki jiray.

Sheeko oraaheed Dugsiyada Hoose ee Dalka lagu qaato ayaan ku arkay “Waa yaab Aboor baa duduma dhisay, waa yaabka yaabkiis Candhuuftiisa ayuu ku dhisay, waxaase Amakaag ah Habeenkii ayuu dhisaa” uma socda u jeedkeygana ma ahan in aan ku xeeldheeraado sheekada aboorka.

Soomaaliya oo aan xiligan ognahay in Dadkeeda baahida ugu weyn ee ay qabaan ay tahay Nabad ayaa mar walba waxa ay shacabka ku sheekeestaan sheekooyin ay is dhahayaan niyada ayeey dhanka Nabada u hogaamin karaan, laakiin sheekooyinkaas qaarkooda ayaa u muuqanaya wax layaab leh.

Ma maqashay sheekada dhaheysay Mas ayaa hadlay, misna ka warmaya xaalada Dalka uu marayo iyo mustaqbalka halka ay soomaaliya ku danbey doonto.

 

Walow ay adagtahay in la rumeesto sheekada iyada ah ayaa hadana dhanka kale waxa ay tahay mid u roon niyada Shacabka Soomaaliyeed ee 20-ka Sano ku daalay Dagaalada Sokeeye ee marba wajiga cusub yaalanaya isla markaana sii kordhinaya qatarta iyo dhibaatada shacabka ay wajahayaan.

“Waxaa dhici Doona Dagaal ay dad badan ku dhiman doonaan bur bur ba’ana laga dhaxli doono, Dagaalka waxa uu socon doonaa mudo 3-bilood ah, intaa kadib dadka uu waqtiga u saamaxo in ay badbaadaan waxa ay ku noolaan doonaan Nabad, waxayna heli doonaan Talis daacadnimo Dalka ku hogaamiyo” oraahdaasi waa tii shacabka Soomaalida wariyeen ee maska laga Soo xigtay isla markaana uu ku hadlay!!!!.

Laakiin maska hadalkiisa marka la eego iyo deegaanka lagu arkay waxa uu u muuqdaa mid dhinac taageersan isla markaan si uun wax ula wada dhinacyada ku dagaalamaya awooda Dalka, waxaa lagu arkaa la yiri maska Afgooye oo ka tirsan Sh.hoose Ceelasha biyaha iyo Dayniile dhamaan deegaanadaasi waxaa gacanta ku haya dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda  ma dhihi karnaa tani waa waxa ka guuxaya laabta dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda .waayo kama mid ah deegaananada maska in lagu arkay la sheegay kuwa Dowlada ay ku sugantahay.

Hadaan dib u sii eegno sheekadii maska wuxuu yiri “ hadaad been maleyneysaan waxa aan ku hadlayo astaamaheyga waxaad ku arki kartaan, Yaanyada, Digirta iyo dhamaan caleemaha dhirta ee kale duwan,” markaasii dadka ku nool deegaanada qabarka uu ka soo baxay iyo guud ahaan Muqdisho waxa ay u kala tartameen eegida tilmaamahaasi la sheegay inuu maska dhiibay, waxayba ku leeyihiin dadka waa sax sheekada oo waa ku aragnay astaamaha maska dhamaan waxyaabaha la tilmaamay.

Hooyo Soomaaliyeed oo Da’deeda aan ku qiyaasay 45 Sano isla markaana dagan deegaanka ceelasha Biyaha oo ka mid ah Deegaanada la sheegay in lagu arkay maska oo warbaahinta keydmedia.net la hadashay ayaa sheegtay in ay iyada marqaatisay sheekada isla markaana baaritaan ay ku sameysay astaamaha maska uu sheegay oo ay si cad u aragtay.

Mar ay keydmedia.net qudheeda u kuur gashay sheekadaasi ayaa waxa aan si cad u soo aragnay in dadka ay si weyn arinkan u hadal hayaan, Gaadiidka, Xaafadaha, Fadhi ku dirirada, Goobaha Waxbarasha iyo dhamaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan ayaa arinkan si weyn looga hadal hayaa, waxaana dadku ay si weyn ugu kuur galayaan astaamihii maska uu sheegay.

Hadaba akhrista ifafaalaha sheekadan soo uma muuqda Soomaaliya in ay ku sii durkeyso xiligii isbadalk? Laakiin waxaa xusid mudan in dhan walba oo ka mid ah dhinacyada hada hubka Sita iyo kuwa kale oo hada hubka qaadan raba in ay doonayaan kuwa haraya in ay iyaga noqdaan isla markaana awooda ay ku danbeeyaan.

Ugu danbeyn akhriste marka aan caqliga fiyow ka shaqeysiino isla markaana sheekada dhinacyo badan aan ka eegno muxuu arinkani kuula muuqdaa? Maxaase ku soo beegay xiligan in arintan ay hadal heynta intaa la eg yeelato?. Fadlan aragtidaada waa muhiim.

 

www.keydmedia.net

 

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.