LAXDAAN BA U XOG LA’AHAY

Dr. Cumar Axmed - Cilmi waa Nin aan weligii Caloolyow Cindigiisa gelin, Cudur iyo caalirna warkii daa, laakiin Mantaa waxaa Wejigiisa ka muuqdo murugo iyo wel-wel, sababtuna waa Dhakhtarkiisa oo uga digay in unse Cunto adag uusan weligiis dambe calalin, jadiinkiisana marin.
Maqaallo Keydmedia Online
LAXDAAN BA U XOG LA’AHAY

Cilmi baa Maalmo badan madax wareer iyo cabsi soo wajahday oo marna harsan waayey Habeynkiina Seexan wayey.

Xaawo Cadar, waa Cilmi Dumaashidii oo beryahaanba dabka ka xigsatay illeyn xaaskiisa iyo carruutiisuba waxay uga hayaameen dalka dibaddiisa. Xawo Cadar oo qabaar moog oo aan warba heyn ay Dumaashigeed soo hordhigtay Xeero=Baaquli weyn oo Hilbo Ari la shiilay oo ay Baruurtu ka hirqaneyso, hareerahana ka yaalliin khudrad dhan-dhanaankeedu carrabku u muhanayo.

Cilmi markuu cunnada dhankeeda jalleecay baa carrabkiisa calyada ceshan waayey, suu xaggiisa danbe ayuu qooraansaday si uu isku illowsiiyo Xeerada nafaqada la hirqaneyso.            

Markale ayuu Cilmi milicsaday Cunada Xawaashka, Raqeyga, Sacfaraanka iyo Shidniga lagu heenseeyay. Wuxuua Sanka la raacay fookhada ama udgoonka Cunada ka soo haadaya. Cilmi marna kuma hamin inay maalintaa mahadhada ku reebtay ay noloshiisa soo mareyso, waayo waxaa nasiibdarro ah sunbaaxda iyo udggoonka cunada hortiisa taallo uusan jadiinkiisa marin karin.             

Cilmi oo dhafoorka haysto ayaa illinka ka tallaabsaday wuxuuna afka aadiyey geedweyne mareer ah ee uu ku yaqiinay tuulada duleeda danbe, halkii buu go’iisa fidsaday. Marka ay nacowda ku dhacday ayuu hurddo dhag la yiri.

Muddo yar ka dib, baa waxaa geedkii ag yimid nin tuug ah lax uu soo xaday garabka u saarantahay, illeyn ninkan waxaa ku raad joogo laba wiil oo ulo waayeyn sito oo mindiyo ku hubeysan. Ninkii tuugga ahaa baa geedkii kor u koray oo wuxuu ku qarsaday laxdii durbadiiba wuuna ka dhaqaajiyey.

Mudo yar dabeed baa labadii wiil oo ku raadjoogo Tuugga baa waxay u yimaadeen Cilmi oo hurdada dhexda u mareyso, markaas bay durbadiiba ulahii dhinacyada kala mareen iyagoo leh: “aawey Laxdii, aawey Laxdii Tuugyahow? Sheeg Laxda meeshaad geesay?”

Cilmi baa yiri, “laxdan baa u xog la’ahay.”  

Waxayna wiilashani ka warqabin in Cilmi uusan hilib calalin karin, jadiinkiisana marin karin illeyn dhaqtar baa uga digay taas. Haddabo waxaan maqli jiray nabyo naar ka kulul. Waa markii qof lagu masabito wax uusan xadin, kana warqabin halka lagu xaday.

Waa marka lagu saan tirto qof saabir ah oo aan weligii wax xadin. Hadii ay Caddalad jirto iyo Xeer Shaqeynayaa dadku isma maageen oo qofku wuxuusan ahayn dusha lagama saareen.

Laakiin mee Caddaalad?......... Aqriste adigu dhameystiro.

Dr. Cumar Axmed, MA - Keydmedia Online




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.