Live Blogging: Dagaalka Kismaayo // Barakac

Keydmedia Online - KON ayaa go'aansatay inay Aqristayaasheeda usoo bandhigto Wararka ugu dambeeya ee Kismaayo iyo Dagaalka halkaas ka socda, si Toos ah [Live Blogging], waxaana soo tabinaaya Wariyeyaal Madaxbanaan oo ku sugan Magaalada.
Live Blogging: Dagaalka Kismaayo // Barakac

KON - Axad - 14:40 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Muqdisho

Shir ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ka soo Qeybgaleen Odayaasha, siyaasiyinta Xildhibaano, Ugaasyo-Cuqaal iyo Siyaasadiinta Gobolaka J/Hoose ayaa maantay lagu lafaguray Xiisadaha Coolaaded ee halkaas ka taagan.



Shirkaas intii ka soo qeybgashay waxaay isku raaceen Baaq ku saabsan in la joojiyo Dagaaladda ka dhacay Magaaladda Kismaayo siiba Tacadiyada iyo Xadguduyada loo geystay Bulshadda oo ay fuliyeen kuwa is Magacabay ee Deegaanka dhibaatada ka wada.

C/qaadir Suldaan (Lugadheere) oo halkaas ka hadlay ayaa waxuu yiri: Shacabka J/Hoose ma doonayaan Dagaal iyo fawdo oo wey ka Daaleen.Waa in loo hogaansamo Baaqa iyo Go’aanka Dowladda Soomaalia oo ah in la qabto Shir dib u heshiisiin ah, kadibna la dhisto Maamul lo dhanyahay oo dadka Deegaanku Raali ka yihiin, Waxii itaas dhaafsan waa Fawdo, fawdana ma ogolin loomana Dulqaadan karo.


KON - Axad - 13:00 (Saacada Soomaaliya)


KON - Axad - 12:30 (Saacada Soomaaliya)

Odayaasha Jubbooyinka oo ka hadlay Dagaalka Kismaayo

"Kismaayo waxaay gashay wixii aan ka digeyeen tan iyo markii meesha yimaadeen Kooxda Rasgambooni" Sidaas waxaa yiri Garaad Maxamuud Maxamed iyo Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah Odayaasha Kooxda Al Shabaab-Qaacida Taageera.

Nabadoon Ismaaciil Haaruun ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay Dagaalka Kismaayo u adeegsadeen Madaafiic lana dhaceen Goobo Dadka rayidka deganyihiin, Dad badana wey ku dhinteen kuwo badana Dhaawacyaa soo Gaaray.

Garaad Maxamuud Maxamed ayaa asna ugu Baaqay Shacabka Kismaayo inay u Midoobaan sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen kuwa soo horkacay Gumeysiga Kenya oo hurinaya qalalaasaha, Dilka, Bililiqada iyo Barakicinta Shacabka Soomaaliyeed oo Islaamkaa.


KON - Axad - 07:30 (Saacada Soomaaliya)

Xaalada Kismaayo oo Saakay dagan

Inkastoo xaalada magaalada ay dagantahay ayaa hadana waxaa jirta cabsi xoogan oo ay qabaan dadka shacab ah, taasia oo ah in ay mar kale dagaalo ay ka dhacaan magaalada.

Waxaa qeybo ka tirsan magaalada xalay dib ugu soo laabtay ciidamadii uu hogaaminayay Iftiin Xasan. Ciidamadani oo tira badan ayaa saldhigyo ka sameeysteen qeybo ka tirsan xaafadaha Calanleey.

Hadalada ka soo yeeraya dhinacyada ku dagaalamay magaalada ayaa sii kicinaya xaalada, waxaana markasta dhici karta in ay dagaalo dhacaan.


KON - Sabti - 21:10 (Saacada Soomaaliya)

Xaaladda magaalada ayaa Caawa dagan, walow cabsi laga qabo in uu Dagaalku marlabaad bilowdo.

Aqristayaal Live-Blogging-keena meshaan ayaan ku joojineynaa, hadii alle idmo wixii Xaalada Kismaayo kusoo kordha kala soco Keydmedia Online (KON).

Keydmedia Online - Xafiisyada Kismaayo, Muqdisho iyo Nairobi


KON - Sabti - 19:45 (Saacada Soomaaliya)

Ciidamada Degaanka ee Iftiin Xassan Baasto iyo Kooxda  Axmed Madoobe oo ku dagaalamay Bartamaha Magaalada Kismaayo iyo Wadada Afmadow  ayaa dad ay Keydmedia Wareysatay waxaay sheegeen in u halkaas ka dhacay Dagaal Aad u culus oo ay ku Dhinteen 35 Qof oo labada dhinac ah.

Shiikh Cilmi Indha dheere ayaa Keydmedia u xaqiijiyey in uu wax ka Aasay Meydadkii Goobta Dagaal looga Cararay, waxuuna hadalkiisa raaciyey in ay hadda Ciidamadii isla durkeen.

Keydmedia Online Arinta Kismaayo maxey ka tiri Sanad kahor:


Sep 23, 2012:

Aug 04, 2012:

Oct 09, 2012:

Nov 04, 2012:

Nov 25, 2012:


KON - Sabti - 17:00 (Saacada Soomaaliya)

Dagaalka ayaa hada hakaday.

Labada dhinac oo Dagaaleysay ayaa guula kala sheegtay, waxaana haatan Agagaarka Airportka Kismaayo laga maqlayaa Rasaas.


KON - Sabti - 16:15 (Saacada Soomaaliya)

Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in 19 Qof ay ku dhinteen Dagaalka maalinkii 2ad Kismaayo kasocoda. Wararka KON soo gaaraya ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 Qof ay ku dhinteen Dagaalkaan. Maydad ayaa wali iska yaala Darriiqyada isku xira Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha.


KON - Sabti - 15:05 (Saacada Soomaaliya)

Dagaalka ayaa wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay dadka ku nool magaaladaas oo billaabay inay ka barakacaan gurayahooda.

Qoyasas ka baqaya in ay Dagaallo ka dhacaan Magaalada ayaa la sheegayaa in ay Ubarakaceen dhanka Sanguuni, Jamaame, Sabca Ashraaf, Jilib iyo Kabsuumo oo ah Magaalooyin ay wali ka taliyaan Kooxda Shabaab-Qaacid.


KON - Sabti - 13:55 (Saacada Soomaaliya)

Isbitaalka magaalada ayaa ah mid aad u mashquulsan,waxaana lagu daabulayaa dhaawacii ka dhashay dagaalka.


KON - Sabti - 13:50 (Saacada Soomaaliya)

Waxaa Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo ka socda Dagaal xoogan.

Sidoo kale Dagaalkaas ayaa lagu dhaawacay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Kooxda Raaskambooni.


KON - Sabti - 13:30 (Saacada Soomaaliya) | Editorial Desk

Websiteyo Beeleedka Codka Qabaa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.