Ma Dhabaa In Qowleysato Ajaaniib Ah Hargeysa Ku Sugan Yihiin! (Xog)

Hargeysa (keydmedia) - Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Qawleysato ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka Fransiiska iyo Lubnaan ay maleegeen qorshe ay ku hantiyaan dhaqaalaha shirkadaha Isgaarsiinta Mamaulka Somaliland iyagoo balanqaadyo been u u sameeyay Madaxa Isgaarsiinta maamulka Silaanyo.
Ma Dhabaa In Qowleysato Ajaaniib Ah Hargeysa Ku Sugan Yihiin! (Xog)

Xogtaan ayaa tilmaamtay in 25 bishii agoosto ee 2010 uu heshiis la galay Madaxa Isgaarsiinta Mamaulka Somaliland Mr. Axmed Xaashi Oday, heshiiskaasi ayaa la sheegay inuu nuxurkiisu ahaa in Maamulka iyo shirkadaha Isgaarsiinta loo sameeyay wax loo yaqaano af qalaad (Gateway).

Shirakadaan oo magic cusub la baxay lagu sheegay Vocalpad, waxaana la sheegay inuu saamiga ugu badan iska leeyahay nin ka soo jeeda dalka Lubnaan laguna magacaabo Hassan Ghandour, waxaana xubnaha shirkadda ka mid ah 5 nin uu u kala dhashay dalalka Faransiiska & Norwey kuwaasoo ku takhasusay sidii ay macaash badan uga heli lahaayeen dalalka dunida 3aad.

Xubnahaan oo magacyadoodu kala yihiin sidaan

1)-  Jean Viguer oo u dhashay dalka Fransiiska.

2)-  Gier Arne Jensen oo u dhashay dalka Norwey.

3)-  Francois Teze oo u dhashay dalka Fransiiska.

4)-  John Frekhane oo u dhashay Fransiiska.

5)-  Sanih Zbib oo u dhashay Fransiiska.

Shantaan xubnood oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa ayaa la sheegay iney iska leeyihiin shirkad la magic baxday GMTD (General Electronic Marketing Development & Technology), waxeyna horey uga soo shaqeeyeen soona dhaceen dalalka Comoros & Madagascar, waxaana lagu sheegay iney dhaqaale dhan 11 Milyan oo US$ ah ay ka dhaceen dalalkaasi iyo shirkadaha Isgaarsiinta ee ka dhisan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cad in Madaxa Isgaarsiinta maamulka Somaliland uu doonayo inuu dhac bareer u geysto shirkadaha isgaarsiinta ee degaankaasi iyadoo loo sii maraayo qaabka ah in shirkad ka dhaxeysa oo dhaqaalaha u kala qaada ay dhistay, taasina waxey horseedi kartaa in dhqaale badan laga dhaco Shirkadaha Isgaarisiinta, maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Hargeysa.

Waxaa laga waday olole xoogan oo lagu doonayo in lagu mideeyo shirkadaha waxaana culeyskaasi wada waday Mr. Oday iyo Shaqsiyaadkaani.

____

Xigasho: Wadanka




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.