MA IS LAHEYD: SHABAAB BAA IS DHALIIL KARA?

Guuxa dadweynaha ee ku saleysan cabashada iyo ciilqabka ay ka muujinayaan Shabaab mudada danbe waxa uu ahaa mid soo taxan, waxaana maalinba maalinta ka danbeysa isa soo tarayay dadka cabanaya ee sheegaya in xad gudub loo geystay, waxaana maqaalkan aan ku cabireynaa arintaasi iyada ah annaga oo tix raaceyna guuxa dadweynaha.
Maqaallo Keydmedia Online
MA IS LAHEYD: SHABAAB BAA IS DHALIIL KARA?

Waa hubaal in shaqsi walba oo Soomaali ah kuna Nool Dunida  uu si weyn uga argagaxayo maqalka ereyga Alshabaab waxaana kuu sawirmaya marka la maqlo ereygaas, dil, garaacid, argagixin, dagaal, hanjabaad, caburin, gacan goyn, dhagax isku dilid  iyo dhibaatooyin baaxad leh.

Iyadoo dadku ay sidaa uga wada dharagsanyihiin dhibaatada ayaa hadana waxaa adkaan jirtay waayadii hore in shaqsi uu si cad u sheego dhibaatada shabaabka ay bulshada ku hayaan, waxaana dhamaan dadka ay ka simanaayeen cabsida laga qabo shabaabka.

Mas’uuliyiintooda marnaba kuma qudbeyn eray aan aheyn hala dagaalamo, cid dii danteena diida diinta halaga saaro iyo erayo kale oo la mataan ah, laakiin iminka waxaa ka soo yeeray erayo lama filaan noqday uu lagu muujiyay dhibaatada ay bulshada ay u geestaan iyo dareenka ay dadka ka qabaan.

Fu’aad Max’ed Qalaf (Shonqole) ayaa jimcihii ina dhaafay meel ay dad badan isugu yimaadeen ee degmada Afgooye ka tirsan ka sheegay in kooxda uu ka midka yahay dhibaata ba’an ay ku hayaan shacabka, waxaana uu shaac ka qaadistiisa daba dhigay baaq ah in dhibaatada laga daayo shacabka.

Baaqa halkiisa ha inoo joogo, muxuu ka yiri Shonqole dhibaatada shacabka lagu hayo “ ma ahan in dadka la dilo, ma ahan in dadka qorigeena ay ka cabsadaan, ma ahan in dadka ay naga cararaan,ee waa in naloo soo cararo,  ma ahan in dadka la argagax galiyo” ayuu in badan ku celceliyay, waxaana uu ka dalabaday maleeshiyada goobta ku sugneed in ay abuuraan jawi gacalo iyo walaalnimo, laakiin aan is weydiino waxa xiligan ka dhawaajisay Fu’aad?.

Hadalka ka soo yeeray Fu’aad Shonqole oo ka mid ah saraakiisha Shabaabka waa mid laabta uga wada taagnaa umadda Soomaaliyeed Dal iyo dibad meel walba ha joogaane, waxaana laga war dhawrayay ku dhawaaqidiisa, waayo waxa uu daboolka ka qaaday muuqaalka rasmiga ah ee kooxda ay umadda Soomaaliyeed ka heysato, waxaana uu ku hadlay codka umadda Soomaaliyeed.

Waxaa guri walba uu ku yaala dhulka afka Soomaaliga looga hadla lagu hayaa cod laga keydiyay Shonqole kaasoo uu ku sheegayo in dhamaan dadka ay yihiin gaalo, waxaana erayadii uu adeegsanayay ka mid ahaa “ ninka idinla hadlayaa waa taqaanaan, ma aha nin cabsada, waxaan idin sheegayaa Ugandheeska cidii ay ag maraan waa gaalo, kuwa la dariska ah waa gaalo, kuwa biyaha u dhaamiya waa gaalo” hadaba ninka intaas iyo in kaloo badan ay diiwaanka u gashay goorma ayuu noqday samafale u dooda xuquuqda dadka la dulmiyo.

Bal aan is warsano soo islaamku ma aheyn kii Nabadda iyo daganaashaha loo soo doonana jiray, maxayse is dooriyaan Amisom oo ah calooshood u shaqeystayaal shacabka madaafiic ku xasuuqda isla markaana warbaahinta sii marsiisa hadal beenin ah iyadoo guuxa madaafiicda ka soo dhaceysa Xalane si weyn loo maqlayo,  iyo shabaabka argagixinta, gawraca, gacan goynta, guurka qasabka ah ku haya umadda?

Marka lafagur lagu sameeya hadalka Shonqole ee ku aadan tilmaan ka bixinta dhibaatada kooxda uu ka midka yahay ay umadda ku heyso waxaa muuqaneysa in mad madow uu soo kale dhex galay kooxda isla markaana leysku fahmi la’yahay qorshihii deegaan faquuqa ahaa ee leysku raacsanaa, kaasoo gundhigiisu uu ahaa in la laayo dadka daga koonfurta Soomaaliya si gobaladaasi loogu beero dad ka soo jeeda dalal shisheeye iyo gobalada kale.

Xadgudubyada shabaabka ay ka geestaan Magaalada Muqdisho iyo gobalada koonfurta waa ku baaxad leh, imisa Sarkaal, imisa Wariye, imisa aqoonyahan ayeey ku dileen falal qorsheysan iyaga oo adeegsanaya Bastoolado madmadow oo loo soo dhiibay caruur da’dooda ay u dhaxeyso 13-20 sano jir, waa suurta gal in iminkana ay qorsheynayaan fulinta dilal kale oo loo geysan doono shaqsiyaad Soomaaliyeed.

Cidna kama hadlin oo meelna lama saarin dilalkaas faraha badan ee ay kooxda u geysatay shacabka Soomaaliyeed, wallow dhanka alle ay ka xisaabsanyihiin dhamaan xadgudubyadii dhacay oo cid walba waxay gashay iyo waxay guday lagu xisaabin doono kolka la gaaro maalinka yuumul qiyaama.

Dr. Ilmi . A . Ismail - Hargeisa - ccilmi@yahoo.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.