Ma jeceshahay inaad noloshaada ka dhigto 100%?

Keydmedia - Allah ayaa mahad oo dhan iska leh, Nabad galyo iyo Naxariisna Rasuulka dushiisa Allaha yeelo. Madoonaysaa noloshaada in aad ka dhigto 100%? Waana hubaa Qof walba inay jawaabtiisu tahay? Haa, lakin waxaa is waydiin mudan qaabkee ayaa looga dhigi karaa?
Maqaallo Keydmedia Online
Ma jeceshahay inaad noloshaada ka dhigto 100%?

Hadaba aqristow waxa uu ka eed sheeganaayo mujtamaceenu maanta ee ah dib-udhac, Ihaano iyo is cun dhexdiisa  ah! Kama imaanin meel fog  ee waxay katimid katagidda aan ka tagnay diinteena islaamka (barasha-deeda, faham-keeda, ku dhaqan-keeda iyo waliba fulinta nusuusta Allah (S.W).  Culimadu waxa ay yiraahdeen Barasha iyo fahamka diinta oo yaraada waxay boqol mar kaqatarsantahay Dhiiga oo nagu yaraada. Hadaba dhibaatadaas waxaa looga bixi karaa oo kaliya inaan ulaabano Diinteena islaamka. (barasha-deeda faham-keeda, kudhaqan-keeda iyo fulinta nusuusta Allah (S.W). Intaas kadib waxaa muhiim ah inaan barano Nafteena. Maanta waxaa aad uyar inaan barano Nafteena saxnana qaladaad-keeda. Sababtoo ah waxaa batay kudayasha gaalada iyo ku mashquulida ceebaha dadka kale.

Rasuulku (N.N.K) waxa uu yiri „wanaaga Muslinimada qofka waxaa kamid ah inuu katago waxaan  qusaynin/ faaiido u lahayn. Alla wanaagsanaan laheydaa inaan ku mashquulno ceebaheena intii aan ku mashquuli lahayn ceebaha dadka kale. Aqristaha qiimaha-lahow noloshaada siaad uga dhigto 100% mid Guulaysata ku mashquul  ceebahaada, iskuna day inaad saxdo  wixii kaa qaldan. Hadii aad rabto inaad badasho caalamka ka bilow naftaada, (Illee tiisa daryeelaa tukale kudaree). Kuna xiji ciddii kaloo xaq kugu leh sida caruurtaada  xaaskaada/ninkaada, qaraabadaada, xaafadaada, magaaladaada, wadankaada, kadibna umada oo dhan. (Naftaada oo aad la jihaado waxay ka horaysaa cadawgaada oo aad la jihaado).  Sidaas darteed tilaabada ugu horaysa ee aad qaadaysid si noloshaada 100% unoqoto ku dhaqan kitaabka  Alle, kadibna baro naftaaada kuna mashquul  ceebaheeda daarina daldalooladeeda.  Kadib iswaydii su aasha ah MAXAAN RABAA? Markii ay sifiican kuugu  cadaato waxa aad rabto  fursad walba oo aad ku gaari gartid hadafkaas ku dadaal oo yaysan ku dhaafin (Illeen soo noqon doontaa ma ogide). Ogow Aduunkaan hadaadan wax ku soo kordhin adiga ayaa ku saaid kuah.  

Waxaa kaloo aad ogaataa  dadka ku guulaystay noloshoooda wax ay nadheer-yihiin malahan, kaliya waxa ay sisax ah ubaareen ceebahooda kadibna way daariyeen.  Ogow wax walba oo dadka kale ay gaari karaan adna waad gaari kartaa insha Allah. (qofkii dadaalaa wuu helaa) Qofkii timir beertaana tiintiin ma goosto. Allah (S.W) waxa uu yiri; hadii aad go’aan gaarto Allah talo-saaro. (kadibna ku dhaqaaq fulintiisa). Dadka guulaystay waxay guusha ku gaareen, waxa ay sisax ah ubarteen naftooda, qiimahooda iyo halka ay nolosha kaga jiraan. Waqtigoodana fadhi ku dhirir iyo waxaa layiri  kuma aysan bixin ee way ka faa’iidaysteen waana ay ka faa’iideeyeen. Waxay guusha ku gaareen kadib markii ay  nidaam usameeyeen noloshooda gaar ka ah iyo tan guudba, waxay ka dheeraadeen degdega (alee degdegsiimo door ma dhashee). Waxay guusha ku gaareen sabar, adkaysi iyo adeegsiga maskaxdooda Rabbi uu ku manaystay.  Waxay guusha dhabta ah  gaareen kadib markiii ay ku tiirsadeen Rabigooda cazza wajalla, kuna toosnaadeen jidkiisa. Ogow aqristow guushu qofna si gooni ah ulama dhalan ee Allah oo la talo saarto  kadibna go’aan cad iyo dadaal ayay ku timaadaa. Hadaba aqristow ila eeg shaxdaan, ma-aha waxyi, kumana lihi waa run biyo kama dhibcaan ah lakin waa tusaale macquul ah.

A SMALL TRUTH TO MAKE LIFE 100%

ABC D E F  G H  I   J   K  L  M   N  O   P   Q   R   S   T  U  V  W X  Y   Z

1 2 3 4  5 6  7  8  9  10  11 12 13  14  15 16  17  18 19  20 21 22 23  24  25  26

---------------------------------------

HARD WORK (Shaqo badan/adag)
H+A+R+ D+W+O+ R+  k
8+ 1+18+4+ 23+15+18+11= 98%

---------------------------------------

KNOWLEDGE (Aqoon)
K+ N+ O+W+ L+  E+D+G+E
11+14+15+23+12+5+ 4+ 7+5= 96%
---------------------------------------
LOVE (Jacayl)
L+O+V+E
12+15+22+5= 54%
---------------------------------------
LUCK (Nasiib)
L+ U+ C+K
12+21+3+11= 47%
---------------------------------------
MONEY (lacag)
M+ O+  N+E+Y
13+ 15+14+5+25= 72%
---------------------------------------
LEADERSHIP (Madaxtinimo)
L+ E+ A+D+E+R+  S+  H+ I+ P
12+5+ 1+ 4+ 5+18+ 19+ 8+ 9+16 = 89%
---------------------------------------
100%? - Every Problem has a Solation
ATTITUDE (Habdhaqanka)
A+T+ T+I+ T+  U+D+E
1+20+20+9+20+21+4+5= 100%

---------------------------------------

Hadaba habdhaqanka noloshaada oo aad  saxdaa waxa uu ku gaarsiin karaa Guusha dhabta ah. Hadalkayga waxaan ku soo koobayaa suratul casri,  suuradaas Allah waxa uu noogu tilmaamay guusha cidda helaysa  Waana qof kasta oo muslim ah  kuna dhaqma diinta Allah, xaqana ku toosnaada dadka kalana fara, sabarkana badiya dadkana u dardaarma  in ay sabraan.  

Wixii aan qalday Allah ayaan danbi dhaaf ka waydiisanayaa.  Intii aan saxayna allah ayaa ku mahadsan.

Cabdqadir Maxmad Dirie, Germany - keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.