Ma ogtahay Waqtigu in uu Qaali yahay?

Sanad baa dhamaaday, mid cusub baa bilawday, maxay kadhigantahay? Maxay nagu dhalin kartaa? Maxaanse ka faaiidaysan karraa? Waxaan wada ognahay inay nolsheenu tahay maalmo, usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeeenii waxaa tagay qayb aan noosoo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Maqaallo Keydmedia Online
Ma ogtahay Waqtigu in uu Qaali yahay?

Maalinta Qiyaamadana waqti kasta oo nasoo maray wuxuu imaanayaa isagoo noo markhaati furaya, ama isagoo nagu markhaati furaya, khiyaar 3-xaadna majiro.

  • Haduu waqtigu kugu dhaafay adigoo Rabbi (swt) xasuusan, Khayr samaynaysay, waxbaranaysay, ama dadkale wax baraysay, Wanaag iyo Samefal ka shqaynaysay, Ummada Khayrkeeda iyo horumarkeeda ku dadaalaysay wuxuu imaanayaa isagaa kuu markhaati furaya, adna aad ku farxayso.
  • Hadii kale oo waqtigaaga aad kudhumin jirtay Dulmi, dhib, xumafal, Qayilaad, madadaalo, Hurdo xad dhaaf  ah iwm xaalku aad buu uxun yahay, saacad kastana waxay imaanaysaa iyadoo kugu markhaati furaysa ku eedaynaysa, arageeduna aad kuu dhibayo.

Sanadku waa 4xilli, Gu, Xagaa, Dayr iyo Jiilaal, waana 12 Bilood, 48Usbuuc iyo 356 Maalmood. Waxaa waajib ah, sanad markuu dhamaado qofku inuu isweydiiyo sanadkaan baxay maxaan kasbaday ama korodsaday? Maxaan faaiiday? maxaanse khasaaray? Maxaa ii kordhay maxaa iga nuqsaamay? Qofkaan taas is weydiinin waa qof ka jaahilka ah, Ra'sumaalkiisa iyo meesha ay usocdaan, oo aan rabin inuu xaalkiisu tooso Jidka saxda ah bidhaansado.

Shayga uqaalisan ee Qofku uu haystaa waa Waqtigiisa iyo Caqligiisa, labadaa qofkii dayacana waa qof Dahabkii uu Alle siiyay, aan qadarinin ilaalinin, oo dayacay ama iska tuuray. Waqtiga qiimihiisa darteed buu Rabbi (swt) dadka oo dhan kasimay, oo qofna uusan kankale uga badinin! Caqligana qofwalba inbaa laga siiyay waxaana layna faray inaan gobcino, inagoo adeegsanayna: Iimaan, Cilmo, Fikir, akhris iyo dadaal siaan u hormarino garashadeena ama Caqligeena.

Qofwalbana isagaa qora taariikh nololeedkiisa, maxaa yeelay taariikh nololeedku waxay ka samaysantaa waxaad qaban jirtay, shaqadaad badin jirtay, dadka aad lasaaxiibka ahayd iwm. Weyna dhib yartahay qofku inuu ogaado taariikhdiisu siday u egtahay, kaliya waa inuu habeenkii isweydiiyo maanta maxaan qabtay? 12-Saacadood ee isoo maray maxay iga sheegi doonaan? Maxaa Diiwaanka Malaa'igta maanta ii galay? Su'aalahaas haduu qofku sidaacad ah uga jawaabo, maalin walba, Usbuuc walba, Bil walba iyo Sanad walba, waxaa cad qofkaasi inuu ka bixi karo imtixaankii waqtiga.

Qofkaan taas kafikirina waa qof mugdi ku socda, waqtigiisa aan ka faa'idaysanin, qadarinah nicmada nolosha, waqtiga iyo caafimaadka ee uu Rabbi (swt) nasiiyay. Hadaba qofka bani aadamka ahi wuxuu leeyahay hal nolol ah, markuu Aduunyada ka tagana waxaa lagu soo xasuusan doonaa wuxuu ahaa ama qaban jiray, ee uu kasbaday, midaa lafteeda un buuna Rabbigii (swt) lahortagi doonaa. Waxaana laweydiini doonaa Alle wuxuu ku siiyay Nolol qaali ah, waqti aad kafaa'ideysan kartay, Caqli aad wax kugarato iyo Cilmi aad ku xaqiiqsan kartay dhabta iyo ciribta fiicani meesha ay kujirto.  

Qofka markuu Sanad udhamaado, noloshiisii way soo gaabatay, oo hal sano ayaa kabaxay, duqnimo iyo dacfina way soo food saareen, mashquul iyo ilmo korina inay kusoo biireen waa laga yaabaa. Waxaana jirta Murti oranaysa (Maalinwalba waxaa kasii dhib badan, tan ka danbaysa). Waxaana dhab ah qofkii dadaala oo kafikira qiimaha noloshiisa, kuna talagala inuu khayr kasbado, naftiisa horumar gaarsiiyo, Plan wax qabad jeexdo, raad fiican reebo, inuu aad ugu dadaalayo siduu waqtigiisa uga faaiidaysan lahaa.

Dadku waa laba Qaybood:

  1. Qayb qorshaysa waqtigeeda jeexata plankay ku shaqayn lahayd, lehna Hadaf iyo aragti ucad, maxaan rabaa inaan gaaro sanadkan; wax barasho, shaqo, dhaqan wanaag, tababarasho ilmo wax barid, Bulsha toosin iwm.
  2. Qayb iska nool oo aan kala ogayn sanadka baxay siduu kaga tagay iyo kan soo galaya waxa la gudboon inuu helo, ama qabsadaba, una diyaar ah inay Badda israaciso, aragtana waxa ka horyimaada uun, badisana calaacalka iyo sheegashada marka ay Jab iyo guul darro ku dhacdo.

Hadaba waxaa inoo cad qaybta hore inay tahay qayb tira ahaan aad uyar, balse tayadeedu aad usarayso, isla markaana ah qaybta aduunyada uleh ama ukeenta guulaha, faa'idada, horumarka, wax qabadka iwm.

Qofku inuu waqtigiisa ka faaiidaysto waa waajib saaran marwalb, waxayna aad waajib utahay inaan xasuusano marka uu Sanad dhamaanayo midna soo galayo. Maxaayeelay 12Bilood ee lasoo dhaafay waxaa isbadalay waxyaabo aad utira badan, waxaa dhimatay boqolaal qof oo adi kulamid ahaayeen, waxaa shaqo gabtay ama laxaad beelay boqolaal kale, waxaa Guulo iyo horumar gaaray boqolaal kale.

Taasina waa arin nooga baahan ufiirsi fara badan, inaan Rabbi ugamahad celino, inaan dareeno inay waajib tahay inaan samayno Camal aan kufarxi doono markaan Ilaahay hortgano.

Hadaan rabo inaan waqtigayga ka faaiidaystana waxaa lama huraan ah inaan 2arimood si dhab ah ufiiriyo:

1. Sanadkii tagay sidee buu igu dhaafay, maxaan faaiiday, maxaan qasaaray, maxaa layga rabay inaan qabsado oo aan ka gaabiyay?. Qofku markuu fahmo, waqtigii tagay siduu kagatagay iyo qiimuhuu ulahaa, wixii talo iyo tusaale laqumanaa, kadib ayuu habeyn karaa xaadirkiisa iyo mustaqbalkiisa. Qofka aan qadarinin ama aan dib ufiirinin waqtigii soo maray way adagtahay inuu daneeyo, qiimeeyo mustaqbalkiisa, ama ka faaiidaysto waqtigiisa.

2. Sanadka cusub maxaa qorsha iiah, maxaan rabaa inaan noloshayda kabadalo, ka soxo tusaale: inaan Qur´aanka Rabbi (swt) qayb kamid ah barto /xifdiyo, inaan Luqad cusub barto, inaan farsamo cusub barto, inaan Ilmahayga meel fiican gaarsiiyo-waxbarashada kula dadaalo, inaan shaqo ama meherad fiican helo, inaan wax qoro Buugaag, Artikallo iwm.  

Kadib markii qorsha cad lahelo, ayuu qofku garan karaa qiimaha waqtigiisa, maalmihiisa, saacadihiisa, kadibna waxaa imaanaysa in lagu camalfalo xikmadii aadka uqiimaha badnayd ee oranaysay (waxaad maanta qaban karto Hau dib dhigin barri, waxaad hadda qaban kartana hau dib dhigin gadaal).

Khaliifkii 5aad ee Muslimiinta Cumar bin Cabdcasisi, ayaa habeen kudib dhacay shaqadii Xafiiska isagoo maamulaya hawlihii Muslimiinta, misana waxaa lagu yiri; waad daahdaye, iska naso Berri baad sii dhamaystiri shaqadee? Misana wuxuu yiri; Subxaana Allah, (Shaqadii Maanta ayaan dhamayn la´ahay, hadaan tii maanta udib dhigo Berri, sideen Berri shaqadii maanta iyo tii Berri udhamayn doonaa!!)

Dadka qiimeeya waqtigooda kuna dadaala inay ka faaidaystaan, waxay samaysteen jadwal ay ku miisaamaan shaqooyinka ay qabtaan noocooda: waxayna u dhigeen sidatan:

Shaqo:

1. Muhiim oo degdeg ah
2. Muhiim ah oon degdeg ahayn

Camal:

0. Degdeg ah balse aan muhiim ahayn
0. Muhiim iyo degdeg midna ahayn   

Hadaba qofkasta oo raba inuu waqtigiisana ka faaiidaysto, horumarna gaaro, waxaa qassab kuah inuu affartaa qaybood kala cadaysto una kala saaro sida tan:

  1. Shaqada muhiimka iyo degdegga ah, in lasiiyo  80% waqtigaaga.
  2. Tan Muhiimka ah, oon degdegga ahayna lasiiyo  20%.
  1. Tan degdegga ah oon muhiimka ahayn, udhiib qofkale, adna kanaso maxaayeelay adi muhiimba maba kuu ah, waxaadna siisaa waqtigaaga   0%
  1. Tan aan Muhiim iyo degdegga midna ahayna, katir jadwalkaaga shaqo, maxaayeelay waa maalaayacni, waxaadna siisaa waqtigaaga  0%.

Hadaad jadwal noocaas ah samaysato, dantaada dhabta ah oo kalia beegsato, (mid Aakhiro iyo mid Aduunaba), waxaad gaari kartaa Guul, waxaadna qaban kartaa waxyaabo aad ufara badan oo noloshadaad meel sare gaarsiin kara.

Hadii kalana waxaa tahay qof Somali dhab ah, oo aan aqoonin waxa lagudboon, ama waxa laga rabay inuu qabto iyo meesha ku haboonayd inuu gaaro midna, iskana nool raadiyana marba meel uu usii qoxo oo cayr laga bixiyo,  Inuu hormar iyo isbadal fiican gaarana aan Rajo laga qabin.

Ahmed Abdulahi - Keydmedia Online
a.alqasimi@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.