MA RUNBAA IN AY XIRIIR LEEYIHIIN DAHABSHIIL IYO KOOXDA GODANE?

Burburkii Soomaaliya ee 1991-dii wixii ka danbeeyay Dalka waxaa ka hirgalay howla horumar lagu sheegay laakiin si kale marka loo eego dhibaato inteeda la eg lagala kulmay.
Maqaallo Keydmedia Online
MA RUNBAA IN AY XIRIIR LEEYIHIIN DAHABSHIIL IYO KOOXDA GODANE?

Tartan xaasidnimo ku saleysan  oo u dhaxeeya shirkadaha u abaabulan qaabka qabiil ee sheega in ay ganacsi horumar leh dalka ka hirgaliyeen ayaa shacabka marasta ah ee dagaalada, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ay la dageen waxa ay ka kulmeen caqabad balaaran.

Shirkadda Dahabshiil sida ku xusan profile-keeda waxaa ay dhaq dhaqaaqa ganacsi bilowaday 1970-kii waxaana mudda badan ay ku shaqeyneysay nidaam qarsoodi ah oo aan sharci aheyn, laakiin wixii ka danbeeyay burburkii ayey la soo shaac baxday dar dar xoog leh.

Soomaalida dhexdeeda waa arrin iska caada ah in lagu arko qorshaha ku dhisan qabiilka iyo qabiileysiga, waxaana shirkadan ay mudadii ay  jirtay dhex maquuraneysay nidaamka ku saleysan qabiileysiga, wallow ay dhanka kale ay gacaan saar la leedahay sirdoonka caalamka.

Walaac kii ugu xooganaa waxa uu la darsay Dahabshiil bartamihii sanadkan kadib markii Shirkada Hormuud oo ku caan aheyd bixinta adeegyada kale duwan ee telfoonka ay Dalka geysay nidaam dunida laga adeegsado kaasoo ah Mobile money transfer, waxaana adeegan culeys uu ku keenay adeegii xawaaladeed ee Dahabshiil.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Bahal Ceyriin ma daayo nina caadadii ma baajo, taasoo ay uga gol leedahay Soomaalida in aanu Shaqsina dhaqankiisa is doorineyn, Shirkad xawaaladeedkan waxa ay ka baxday nidaamkii ku saleysan tartanka dhaqaale, waxaana ay magansatay awood beeleed.

Axmed Cabdi Aw-Max’ud Godane waxa ay heeb wadaag yihiin madax sare oo ka tirsan Shirkadda, waxaana taasi ay fududeysay in Waraqad digniin ah ay ka soo saarto kooxda Godane adeegii Hormuud ee Mobile Money transfer oo shirkadaasi ay uga magac dartay “ZAAD” oo afka Soomaaliga marka loo rogo ah Sahay.

Warqadda kooxda Godane ay ku diiday isticmaalka adeega ZAAD ayaa waxa ay soo baxday bartamihii bishan waxaana ku xardhanaa erayo ay ka muuqdaan dagaal qabiil iyo nidaam lagu difaacayo dano beeleed isla markaana beel kale lagu curyaaminayo, waxaa lagu xusay warqadda in adeegaasi loogu shaqeeyo Maraykan ama Yahuud isla markaana la farayo shirkadda iyo macaamiishaba in muddo ku siman 3 bilood ay ku soo afjaraaan adeegsigiisa.

Hadaba aynu Eegno xiriirka Sirdoonka Caalamka iyo Dahabshiil

Xogo la helay waxa ay sheegayaan in Shirkaddan ay ka talaabtan sharci ahaan nidaamka xawaaladaha caalamka loo jaangooyay, kaasoo ah in xawaalad aanay awoodin kala gudbinta in ka badan 2 Milyan oo Doolar, laakiin shirkan waxa ay xawishaa lacagaha ay adeegsadaan sirdoonka Caalamka kuwaasoo cadad ahaan aan la qiyaasi Karin, waxaana taasi ay muujineysaa in xiriir adag oo ay sirdoonka la leeyihiin inuu jiro.

Dhanka kale shirkadani waa tan lagu xawilo lacagaha madax furashada loo siiyo burcad badeeda caalamka, waxaana taasi sahlay shirkadda oo gacan saar la leh mukhaadaraadka aduunka sida kuwa fura wada hadalada u dhaxeeya burcad badeeda iyo milkiilayaasha Maraakiibta la qafaasho.

Dad badan oo isticmaalka adeega ZAAD ee Hormuud la jaanqaaday waxay eedeyn aan ka fiirsi laheyn dusha uga tuuraan kooxda GODANE oo ay la tahay iyagu in ay iska maageen shirkadda Hormuud isla markaana adeega ZAAD ay iska joojiyeen, laakiin waxaa hareer marsan shacabka in yabooh lacageed oo balaaran in la siiyay kooxda, isla markaana uu jiro dhalasho iyo qaraabo-nimo hoose. Oo ka dhaxeysa kooxda iyo Shirkadda

Soo shaac bixii talaabada lagu soo saaray amarka lagu diiday adeegii ZAAD waxa  ay noqotay furaha soo ifbixidda xiriirka ka dhaxeeya Shirkadda Dahabshiil ee magaca ganacsi huwan iyo kooxda Godane oo iminka ka dagaalanta guud ahaan gayiga Soomaaliya.

Waa suurta gal in dad badan oo macaamiil lalahaa shirkaddasi isla markaana ku keedsan jiray lacago in ay ka aamin baxaan sabab la xiriirta iyagoo cabsi ka muujnaya in lacagahooda ay ka mid noqdaan kuwa lagu hurinayo dagaalada ka socda Dalka ee marasta lagu dhibaateynayo.

Inkastoo shirkada ganacsi oo badan isla markaana maalka shacabka ku taajiray la aaminsanyahay in ay ku lugleeyihiin dhibataada dalka ka socota,hadana tani waxay noqotay tii ugu horeysay ee cadeyn buuxda loo helo isla markaana ka ganbanweysay laablakacnimada ku dhisan awooda qabiil.

Dr. Warsame Ali (Fiisiko) - fiisiko_warsame@hotmail.com

Exclusive for [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.