Ma xaq baa in Dhiiga Shacabka Biladu Lagu qaato? Daawo Masawiro + Video

Haaji Seeko (Keydmedia) - Waayaha aduunyada isbadbadalkooda hadba waa kuwa heer soo tiigsada, waxaana xiliyada muuqaneysa in isbadalada dhacaya ay yihiin kuwa laga argagaxo isla markaana walaac iyo uur ku taalo xoog leh ku reeba inta ay quseyso.
Ma xaq baa in Dhiiga Shacabka Biladu Lagu qaato? Daawo Masawiro + Video

Waxaan maqalnay Dal hebel, urur hebel, hey’ad heblaayo waxay abaal mariyeen dad dadaal wanaagsan sameeyay isla markaana wax wanaagsan ku soo kordhayay howl loo egmaday, laakiin ma dhicin oo lama maqlin in dhibaato leysku abaal mariyo iyadoo dulmanayaashii ay ooynayaan.

Munaasabad u muuqatay qalbi jabin iyo cadeynta in Dalka uu ku jiro gacan gumeysi oo lagu qabtay Jimcihii ay taariikhdu aheyd 1-da July kana dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho ayaa waxaa bilado loogu xiray ciidamadii AMISOM gaar ahaan kuwii Uganda ee ka qeyb qaatay falalka lagu xasuusay Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Uganda ee goobta ku sugneed saxaafadana la hadashay waxa ay sheegeen in ciidamadan ay ku muteen buladahan dadaal ay u galeen la dagaalanka waxa loogu yeeray cadowga iyo taageerada dowlada KMG ah, laakiin dad badan waxay is weydiinayaan halka la marsiiyay mas’uuliyada dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay madaafiicda maalin walba leysku asqeeyo ee ka dhacda Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Amisom tan iyo markii ay dalka yimaadeen 2007 waxa sabab la xirirta madaafiicda arxan darada ah ee ay tuurayaan u iil galay Kumanaan Soomaali ah, waxaa u barakkacay Malaayiin, waxaa ku burburay guryo fara badan sidoo kalana waxaa ku baaba’ay hanti fara badan oo mood iyo Noolba leh, ma jirto cid isa su’aashay sida laga yeelayo dhibaatada ay geesteen Amisom.

Horaantii Sanadkan Waxaa lagu qabtay magaalada Mombaasa ee Dalka kenya munaasabad loogu magac daray soo bandhigista wax qabadkii Amisom kaasoo lagu qaldayay dunida looguna muujinayay  in Amisom ay tahay kuwa wanaagsan, waxaana kulankaasi lagu marti galiyay saxaafada kuwaasoo ka soo waramay been abuurkii la dhoodhoobay.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho oo iyadu marti u noqotay xasuuq Amisom iyo barakicinta joogtada ah ee ay ku hayaan umada Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday qaabka loo maamuusay ciidamadii xasuuqa shacabka ku caan baxay ee la badaly.

Sheekada la yaabka leh ee shacabka qalbigooda sida weyn uga guuxeysa ayaa waxa ay tahay in bilad siinta ciidamada lagu beegay xili umada Soomaaliyeed ay u dabaal dagayeen 51-sano guuradii ka soo wareegtay xiligii Dalka uu xoriyada ka qaatay Gumeysigii Reer YURUB ee Dalka iyo dadka muda soo maamulayay.

Ciidamadan Amisom  ayaa magaca shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku qaataan bil walba Malaayiin Doolar iyadoona shacabka soomaaliyeed  ay diif, darxumo, iyo dhibaatooyin kale u dhimanayaan.

Uur ku taalada shacabka heysata ayaa marka si qota dheer loo eego waxaa muuqaneysa in xaalada ay joogto halkii ugu darneed isla markaan shacabka waxa ay ku jiraan xaalada cakiran oo dhinaca bani’aadanimada la xiriira.

Mudada afarta Sano ah ee ay ciidamada Amisom ku suga yihiin Magaalada Muqdisho ee caasimada Shacabka Soomaaliya waxaa leysku raacsanyahay in shacabka Soomaaliyeed dhib mooyee aanay halkaasi ka helin wax dheef ah oo la taaban karo, waxaana taasi ay muujineysa sida ciidamada Amisom ay dhibaato ugu hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Marka aad dhex marto Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada ay ku dagalaamaan shabaab iyo Amisom oo xiliyada qaar la moodo kuwa isku ujeeda ah waxaa kuu muuqanaya dhibaatootin fara badan iyo bur bur magaalada Ka muuqda.

Ma dhicin maalin kaliya in ciidamada Amisom ee xasuuqa shacab lagu eedeeyo in bixiyaan magdhaw haba yaraatee loogu tala galay Shacabka ay dhibaateeyaan marka laga reebo hal mar oo ay geel ka bixiyeen magdhaw.

Hadaba akhristow is weydiin ma xumee, ma xaqbaa in iyadoo shacabka ay dhimanayaan, dhaawacmayaan, Barakacayaan, abaar ay heysto, deegaana aan heysan  korkooda lagu abaal mariyo kuwii xasuuqay ee guryahooda ka barakiyay,maxayse kula tahay falsafada ka danbeysa arintaas.? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.

Abudlkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent






Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.