MAAL DOON MISE MANSAB DOON?

DJIBOUTI (Keydmedia) Xusul duub siyaasadeedka la xiriira buuxinta jagada R.wasaarenimo waa mid isa soo taraya marba marka ka danbeysa, waxaana taasi ay muujineysaa xil jaceylka Soomaalida heerka uu gaar siisanyhay,
Maqaallo Keydmedia Online
MAAL DOON MISE MANSAB DOON?

Soomaalidu waxay tiraahdaa Dawuco meeshay macal ku barato iyo macluul ugu baqtidaa, uma jeedo iminka ka hadalka qiyaanooyinka iyo qidadaha yaabka leh ee ay isticmaasho dawacada, balse waxa ay abaarteydu tahay tilmaan ka bixinta musharixiinta sida waalida ah isu soo taraya ee doonaya ku fariishadaha kursiga banaan ee R.wasaaraha soomaaliya.

Inkastoo Siyaasi walba oo Soomaali ah ay laabtiisa ka guuxeyso xil ka qabo Soomaaliya si aad dhaqaale u tacbato ayaa hadana waxaa xusid mudan in ilaa iyo shan ruux oo qaarkood ay wataan Mabaa’di aan Soomaalinimo ku Saleysneen ay doonayaan buuxinta jagada R.wasaaraha ee hadda Banaan.

Is garbinta iyo u kala dhuumashada la xiriirka Madaxweyne Shariif waxa uu ahaa mid soo tixnaa tan iyo  markii uu is casilay R.wasaarihii hore Dr Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Ma yara  tirada musharixiinta u taagan R.wasaare  noqashada, waxaana mid walba si gaar ah marka loo eego laabtiisa ka guuxaya waxyaabo isaga u gaar ah iyo hami u gooni ah, waxaase boqolley ahaan marka loo cabiro hanka ragga iminka doonaya jagadaasi aad u yar inta ay doonayaan dalka iyo dadka in  ay wax u qabtaan ficil ahaan marka laga hadlo, laakiin dhamaatood waa afku malablayaal.

Hadaba waa su’aale ayeey yihiin dadka u taagan jagadaasi, xageyse dugsanayaan oo ay qalin daar siyaasadeed ka heystaan.

  • Max’ed C/risaaq Abuukar sarkaal ka tirsan xafiiska QM u qaabilsan arimaha siyaasadda ee UNPOS la yiraahdo, waa Nin si wanaagsan u fahansan siyaasdda gad gadoonka badan ee Soomaaliya waxaana saaciyada shaqadiisa xafiiska UNPOS ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya si uu jagadaasi ugu guuleesto

 

  • C/wali Ibraahim Goonjeex Sii hayaha xilka R.wasaaraha ee iminka waa nin afmaal ah, isla markaana isu muujiya inuu yahay mid aad u naceyb kooxaha dowladda ka soo horjeeda wallow aan la saadaalin Karin xiriirka hoose ee uu dhinacyadaasi la leeyahay, C/wali mar ay BBC-da ka wareestay hankiisa ku aadan in R.wasaare loo magacaabo waxa uu yiyi “Qof kuu jeeda lama sara joogsado” taasoo uu ula jeeday way iska cadahay in aan mushrax haduu madaxweynaha garasha leeyahay. Goonjeex mudadan uu ku simaha yahay waxa uu isu muujiyay nin howl kar daacad ah isla markaana Soomaalinimo ay ka buuxdo qalbigiisa
  • Agaasimaha guud ee Madaxtooyada C/kariin Xasan Jaamac oo ay saaxib dhaw yihiin madaxweynaha isla markaana waxaa wararka qaar sheegayaan in madaxweynaha uu arinta C/kariin kala hadlay beesha caalamka mudadii uu safarada ku maqnaa  isla markaana uu u shegay inuu doonaya R.wasaare inuu ka dhigo, laakiin caqabada hortaala C/kariin oo hadii aanu xal u helin hankiisa seejin doonta waa  maraykanka oo  ku xanta inuu xiriir weyn la leeyahay kooxaha mucaaradka isla markaana falalka is qarxinta ee ay fuliyaan dhalinyarada qurbaawiga ah uu galaan gal xoog leh ku leeyahay
  • Saciid qoorsheel, hore looguma aqoon siyaasada waxaa uu ahaa Rog Caddaa Sports, xiliyadii ugu danbeyay waxa uu sheeda kala socday dhaq dhaqaaqa dowlada isagoona ka qeyb ahaa gudigii loo xilsaaray dhismaha Aqalka Shacabka ee Iminka ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya, Waxa uu qorsheel Saxaafadda u sheegay jimcihii mar uu Muqdisho ku soo laabtay  inuu Madaxweynaha kula soo kulmay maraykanka isla markaana , hankiisa siyaasadeed loo gudbiyay, laakiin waxa uu ku waji dad baday qoorsheel in go’aankiisa aanu isku soo sharxin laakiin odayaal iyo wax garad ku nool Maraykanka ay arinkaasi gacan ku leeyihiin
  • Prof. Muxiddiin Cali Yuusuf  waxaa uu muddo ka soo shaqeeyay arimaha waxbarashada, waxaana xili uu macalin ka soo ahaa kuliyadii waxbarashada Lafoole, musharax R.wasaare ayuu ahaa xiligii dowladan la soo dhisay, Muxudiin waxa uu dhawaanahaba ku howlanaa sidii uu xiriir adag ula yeelan lahaa Shariif Xasan gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama laga war hayo in %50 cidda loo magacaabayo R.wasaare taladeeda uu isaga leeyahay isla markaana awooda R.wasaaraha isla boqoleydaas uu doonayo inuu isaga adeegsado, waayo arinkaasi waxa uu ahaa heshiis marqaati leh oo ay wada galeen Madaxweynaha iyo Shariif Xasan intaanu xilka ka tagin Sharm’arke.

Aanse is weydiinee dhamaan musharixiinta iminka u xusul duubaya jagadaasi ma kuwa doonaya in ay Dalka iyo Dadka u shaqeeyaan mise waa kuwa doonaya doonahooda in ay fushadaan,? Geed dheer haka doonin jawaabta oo mid hareerteeda midig iska taala, waxayna noqoneysaa ujeedada laba qodob oo kaliya, waa mide in ay dhaqaale tacbadaan mudada xilka ay hayaan, waa tan labaad in magacaas ah R.wasaare diiwaan taariikeedkooda inuu u galo.

keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.