Madaxweeyne Xassan Ma Badbaadin Doona Maamulka Puntland!? - By Dr. Ali. A. Hirabe

Dr. Ali. A. Hirabe - Cali Sugule Dun-carbeed waxaa uu curiyay, "Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhawraay. Wax ka dhigan gobonimada qabiil dhex gashay kala dhowraay"!
Maqaallo Keydmedia Online
Madaxweeyne Xassan Ma Badbaadin Doona Maamulka Puntland!? - By Dr. Ali. A. Hirabe

Burburkii dawladdii dhex ee jamhuuriyada Somalia January 1991 wuxuu uu Somali u horseeday burbur ku yimaado qiimaha qarankii Somalida, waxa aan ka baranay  ayaa ka daran waxa aan ka dhaxalnay,qaran dhisan ayaa burburay, Somaalinimadii jirtay ayaa luntay, dareenkii wadaninimo waxaa beddeley dareen qabiil oo aad u fool xun oo aan soomalidu hore loogu arg.

Hadaba Dowlada cusubi ma waxeey lahaan doontaa hab-dhaqankii dowladahii ku meelgaarka sideedii ??? mise waxbaa iska bedeli doona ??

Dr. Saacid & Prof Xassan & Jawaari oo aan hubo in eey yihiin shaqsiyaad wadni ah taariikhda 21 Sanno ee aan soo dhaafnay aanan saameeyn ku laheeyn dagaalkii foosha xumaa ayaa waxaa looga tuhmayaa caqabada in eey kaga timaado siyaasiyiinta Puntland oo looga bartay teeyda anaa leh taadana kula lihi.

Waxaa socda weli aflagaadeen iyo xaqiraad ku wajahan aqoontooda madaxda ugu sareeysa dalka sida Proff.Xassan iyo r/wasaare Dr.Saacid,dib u milicso qoraalada xagjierka ah ee lagu maagaayo madaxda dalka ee shabakadaha Internetka ee  reer Puntland ninki ku badbaadinlahaa haddii aad caydo yaa ku badbaadinaayo??

Dowlada dhexe waa in aay wax ka beshaa siyaasada foosha xumed ee Puntland kula dhaqantay dowladahii la soo maray,waa in Puntland noqotaa maamul si dhab ah u hoos yimaado dowlada dhexe ee federaalka,shaqsiyaadka xilalka ka helaaya dowlada dhexe waa in aayan noqon kuwa u shaqeeya Puntland balse u shaqeeya qaranka Somali sida aan aragnay marar faro badan.

Madaxweeyne Proff.Xasan waxaa aay umada weli fasireeysaa hadalkaagii ahaa Anagana waan isugu roonaanay Somaline waan ugu  roonaanay r/waasaha cusub  mudane  Dr.Saacid oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta caalamka u fasireen in r/wasaaraha uu ka soo jeedo koonfurta somalia meesha dhibka ka jiraana aay tahay koonfur Somalia.

Xalka Soomaalina xiligaan in uu ku xiran yahay in wax laga qabto koonfurta Somali oo 1991 ilaa iyo maanta aayan helin fursad nololeed iyo mid amni, waxaa kale oo aay umada ku fasireysaa hadalkii ahaa r/wasaaraha waxaa laga rabaa in uu joojiyo siyaasada guracan ee caalamka kula dhaqmaayo Somalida iyo mida somalida dhexdeeda ee hada jirta iyo in uu jirsiiyo wax aanan jirin oo loo macneeyn karo in siyaasada Puntland ee sadbuursiga ahi meesha laga saaro Somaline loo horseedo cadaalad iyo sinaan,waxaa uu dhahay Proff Xassan waxaan rajeeyneeynaa waa cusub iyo isbedel cusub iyo dhaqan dowladnimo oo cusub in uu la yimaado Dr.Saacid.

Waxaa uu dhahay asagana waxaan balan qaadayaa in aan soo dhiso xukummad tayo leh oo u horseeda dalka nabad iyo horumar taas oo ku imaandoonta la tashiga Madaxweeynha saldhigna u ah 6da tiir  ee uu madaxweeynaha kaga dhawaaqay doorashada markii uu ku guuleeystay..

Caqabadaha ka hor-yimid dowladahii ku meelgaarka ahaa waxaa lagu macneeyn karaa in aay ugu weeyneed mida kaga timid Puntland dib u xusuuso may 22, 2006 Maamul Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada ee Gen. Cadde Muuse ku sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen r/wasaaraha DKF Somaliya, Pof. Cali Maxamed Gedi, kadib markii r/wasaaraha ku baaqay in Puntland ay joojiso shidaalka ay doonayso inay kasoo saarto gobolada dalka Somalia,sida oo kale r/waasaarahii xigay oo ahaa  Nuur Cadde wax xiriir kama dhaxeeyn dowlada dhexe iyo Puntland.

Markii Sheekh Shariif uu ku soo biiray seexada siyaasada noqdayne madaxweeynaha dowlada midnimada qaranka waxaa uu soo magacaabo Cumar c/rashiid kaas oo suura geliyay heshiis sadbuursi ahaa oo uu la galay maamulka Puntland kaas oo looga magacdaray heshiiskii Galkacayo walow mardanbe la ogaaday xaqdarada iyo sadbuursiga ka muuqda heshiiskaa,waxaa xigay r/wasaare Maxed C/aahi Farmaajo oo runtii ahaa nin u muuqday in uu kalsoonida ka heli karo dhamaan umada Somali,waxaa diiday Faroole kuna tilmaamay in uu yahay Farmaajo nin aanan matalin reer Puntland lana jaanqaadi Karin siyaasada Puntland.

Faroole waxaa uu u qalab qaatay sidii uu maruun wax uga bedelilahaa siyaasada keentay in r/waasaare uu noqdo Farmaajo xaqiiqdiina waa uu ku guuleeystay markii uu u maray Mahiga,Sh.Xassan iyo Caalin halkaasna waxaa Shariif uu ku cabay tahliishii Puntland mar labaadna u soo magacaabay C/weli oo ahaa nin reer Puntland ah siyaasadii C/aahi Yusufna ku taageeri jiray soo gelintaankii cidamada Ethiopia iyo xasuuqii aay ka geeysteen dhulka Somali gaar ahaan koonfurta Somalia sida Muqdisho,Bay,Kismayo iyo gobaolaada dhexe.

C/weli waxaa uu suurageliyay Garowe 1 & 2 iyo heshiiskii Gaalkacayo,waxaana uu u horseeday umada Somalia sadbuursi iyo cadaalo daro xoog leh,waxaa xaqiiq ah in Sheekh Shariif uu ahaa nin aragtidiisa ku soo koobay madaxweeyne mar-uun igu celiya balse waxaa uu ka qoomameeyay markii Faroole si cad idaacadaha uga dhahay C/weli waa wiilkeena anagaana keenay Farmaajana anaga ayaa erinay,C/weli waxaa uu ku soo kordhiyay seexada siyaasada Somalia in Faroole iyo C/weli ka mid noqdaan 6 da saxiixayaasha Alow sahar Umuuraha.

Nin lagu seexdow ha seexan,Puntland waxaa aay ku socotaa burbur iyo dagaal sokeeye waxa kaliya oo badbaadin karaa waa Ilaah ,dowlada dhexe ee uu madaxweeyne ka yahay Proff.Xassan waxaa la gudboon in uu isku keeno siyaasiyiinta reer Puntland si nabad iyo midnimo loogu soo dabaalo arimaha murugsan ee Puntland,haddii dowlada dhexe aayan soo faro gelin arimaha hada taagan ilama ah in Puntland ay sii jiri doonto,waxaa la joogaa xiligii Puntland la hogaamin lahaa ee lama joogo xiligii aay wax hogaamin laheeyd,Faroole aad iyo aad ayuu ugu fashilmay siyaasadii foosha xumeed uu kula dhaqmaayahy dowlada dhexe balse waa in aana lagu dayan ee la badbaadiyaa shacabka Puntland.  

Nin lagu seexdow ha seexan Xil baa sidaay, Ha seexan
Ha seexan, Ha seexan, Ha seexan Soo jeedo .si weeyn u foojignoow

W/Q: Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com  




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.