Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalaya kulan madaxeedka New York!

Keydmedia (London) - Warar lagu kalsoon yahey oo aanu ka helney madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamaya in madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif Sh. Axmed uu u socdaali doono magaalada New York ee dalka Mareykanka asagoo ka qeybgalaya fadhiga madaxeedka guud ee qaramada midoobey ee dhacaya 20-22 bishaan September 2010.
Maqaallo Keydmedia Online
Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalaya kulan madaxeedka New York!

Fadhiga madaxeedka guud ee Jamciyada quruumaha ka dhaxeysa ee New York ayaa looga doodi doonaa “Ahdaafta hormarineed ee Millenium-ka”  ee kol hore adduunku isku raacey, waxaana la filayaa in fadhiga lagu soo bandhigi doono guulihii iyo qaababkii ugu wanaagsanaa ee loo dhaqan galiyey, duruusta laga bartey, caqabadaha ka hor yimid, daldalooda soo baxey, iyo fursadaha weli la heysto.

Sida la wada ogsoon yahey millennium-kaan cusub ayaa bilowdey toban sanadood ka hor, waxaana barnaamijkaan hormarineed ee millennium-ka loogu talagaley in sanadka 2015-ka uu noqdo mid dhammaan dawladaha ku jira jamciyada quruumaha ka dhaxeysa ay hirgaliyeen, sidaas awgeed loo qabtey fadhigaan soo jeedin ka timid xoghayaha guud ee qaramada midoobey Ban Ki Moon, ayadoo looga gol leeyahey in warbixino ku saabsan guulihii iyo guul darooyinkii laga dhaxley mudadii 10-ka sanadood ah ee la soo dhaafey ee in la is weydaarsado, isla markaana dib looga faa’ideysto qaladaadka soo baxey mudada 10-ka sanadood ah si loo xaqiijiyo sanadku marka uu yahey 2015-ta in wadada horumarineed ee millennium-kaan dawladaha ay si sax ah cagta u saareen.

Madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif ayaa lagu wadaa iney safarkiisa ku wehlin doonaan tiro mas’uuliyiin dawladdiisa ka tirsan, ayadoo u sii gogol xaarida booqashada madaxweynaha ee New York awgeed ay imminka ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo uu ka mid yahey madaxa xafiiska madaxweynaha C/kariim Xasan Jaamac.

Booqashadaan ayaa noqoneysa tii labaad oo rasmi ah oo uu madaxweynuhu mudadii xilka uu hayey uu uga qeybgalo fadhiga guud ee qaramada midoobey, ayadoo booqashadan middii ka horeysey lagu xasuusto isbar-bar yaacii iyo protocol xumadii hareysey socdaalkii madaxweynaha ee New york iyo wafdigii la socdeyba, ka dib markii Shariif Xasan oo ahaa RW-ku xigeen iyo wasiirka maaliyadda uu afduubtey dhamaan hawlihii wafdiga, kuna xadgudbey qaab fadhigii loogu talagaley wafdiga, asagoo si ula kac ah u boobey kursigii uu protocol ahaan u lahaa wasiirka arimaha dibadda, arintaanoo ka yaabisey hawl wadeenadii iyo shir nidaamiyaashii fadhigaa qaramada midoobey. Waxaa la filayaa oo dadka Soomaaliyeed u dhaga taagayaan in ugu yaraan wafdiga madaxweynuhu ay goobta la tagi doonaan diyaargarow fiican, isku xirnaan, kala danbeyn iyo protocol wanaag.

Dr. Demxam - keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.