Madaxweyne Xasan Sheikh: Madaxweyne Ku Dayasho Mudan

By Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) - Sida aan la wada socono Soomaaliya waxay burbursanayd mudo dhan 22 sano tan iyo sanadkii 1991 dii markii ay ka baxday dhexda Dowladii Dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminayay Allaha U Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Maqaallo Keydmedia Online
Madaxweyne Xasan Sheikh: Madaxweyne Ku Dayasho Mudan

Waxaa la soo maray burburin hantidii gaar ahaaneed iyo midii guud ee dalka lahaaba waxaa la baneeystay wax walba oo xaaraan ka ahaa ummada Muslimiinta Dhexdeeda ama aan ku banaanayn caadooyinka Soomaalida dhexdeeda ahaa si walba ha ahaatee 10sano ka dib waxaa shirwayne si fiican loo soo abaabulay oo rajo fiican laga qabay lagu qabtay Magaalada Carta Ee Dalka Jabuuti ayadoo dowladaas ay yeelatay.

  • Xilibaano Gaarayay 225 Xubnood
  • Gudoomiye Baarlamaan iyo Labadiisa ku xigeen.
  • Madaxweyne oo Loodoortay Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
  • Raysalwasaare oo uu u doortay Madaxweynuhu Mudane Cali Khaliif Galayr
  • Golo wasiiro iyo ku xigeeno aad u tiro badan kaas oo lagu qancinayay beelaha Soomaaliyeed.

Waa su’aal muhiim inay Soomaalidu is waydiiso dowladaa oo loo qabay han aad u wayn umada Soomaaliyeed na ay aad u soo dhaweeyeen maxaa fashiliyay runtii aniga aragtidayda yar iyo inta aan ka fahansanahay dowladaa waxaa fashiliyay hogaankii ay markaa Soomaalidu aamintay ooy doorteen oo halkii la filayay hal aan ahayn ku soo dhacay waxyaabaha laga ogyahay waxaa ka mid ah.

  • Khilaafkii soo kala dhex galay iyo is qabqabsigii hogaankii dalka sida Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha
  • Ragii Dagaal oogayaasha  ahaa oo awood ku lahaa wadanka markii horena laga qadiyay inay shirka ka qayb qaataan markii danbena hogaankii dalka loo doortay uusan u soo dhawayn sidii la rabay.
  • Dhaqaalo yiri soo wajahday, goobihii dowlada oon gacantooda ku jirin sida Airoporka,Dekada iyo Xarumihii kale oo canshuurta ka heli lahaayeen
  • Hogaanka dowlada oo ku guulaysan siyaasada Dowladaha Deriska ah iyo Kuwa caalamka.
  • Iyo waliba ayagoo awoodi waayay inay Magaalada Muqdisho xukumaan iskaba daa Goboladii dalkee

Markii intaa iyo inkaleba ay ku fashilantay dowladii carta ooy waliba awood u yeelan  wayday inay Muqdisho xukunto Soomaaliya inteeda kale iska daaye ayaa waxaa qasab noqotay hadana in caalamku uu mar kale ku fekero in shirwayne kale loo qabto dadka Soomaaliyeed kaas oo sanadkii 2003 da lagu qabtay dalka Kenya socdayna ilaa iyo Oktoober 2004tii kaas oo natiijadii ka soo baxday ay noqotay.

  • In la sameeyo nidaam ku meel gaar ah oo Federaal ah
  • In la doorto Xilibaano gaaraya 275 Xubnood
  • In la doorto Gudoomiye Baarlamaan iyo Labadiisa Ku Xigeen.
  • In Madaxweyne loo doorto Allaha U Naxariisto Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.
  • Asagoo raysal wasaare u soo Xushay Mudane Cali Maxamed Geedi.
  • Kaasoo soo dhisay Golo wasiiro iyo kuxigeeno tiro badan oo markaan lagu qanciyay nimankii ahaa dagaal oogayaasha oo markaa awood u lahaa shirkan ka socday Kenya.

Allaha U Naxariitee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxaa uga imaanayay mucaarado badan Magaalada Muqdisho oo ahayd halka la doonayay inay dowlada sal dhigato kaas oo asaga ay ugu muuqatay marnaba inuusan baryo ku tagi Karin inuu xoog ku tago maahee ,waxaa kale oo garab socday markiiba in magaaladii Muqdisho ay la wareegeen Maxamadihi Islaamiga ahaa oo nimankii u ahaa Madaxweyne Cabdulaahi Wasiirada  ka qabsaday magaalada kana saaray markaa ayaa asaga iyo dowladiisii waxay ku dhaqaaqeen inay dalbadaan ciidamo shisheeye oo keenaan wadanka balse wadamadii kale inta aysan u soo jawaabin ayaa dowlada Itoobiya oo Madaxweynaha saaxiib dhow ahaayeen mudo dheerna isla socdeen ay markiiba u balan qaaday inay siinayso  20.000 kun oo ciidan ah balse markiiba waxay soo galiyeen wadanka ciidamo gaaraya 8.000 kun kuwaas oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya gacanta ku dhigay balse nasiib daro si walba ooy noqotaba  dowladii cabdulaahi yuusuf madaxda ka ahaa waxbay ku guulaysatay ay dowladii ka horaysay ee TNG da ahayd ku guulaysan  wayday ayana waxyaaba badan ayaa u dhimanaa waxyaabihii fashiliyayna waxaa ka mid ahaa.

  • Khilaafka asaga iyo raysalwasaarayaashiisii sida Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Xasan Xuseen
  • Soo Gelitaankii Ciidamada Itooiya wadanka ay keentay oo dad badan oo Soomaaliyeed ka soo horjeesteen
  • Caadifadii kala qaybsanaanta qabiilka oon markaa wali Soomaali ka dhamaan waayo waxaa jiray dad badan oo Soomaaliyeed oo qabiil ku diidanaa Madaxweyne Cabdulaahi
  • Khilaaf soo kala dhex galay asaga iyo Taageerayashiisa sida dowladaha deriska ah iyo kuwa kale ee caalamkaba.

Si walba ha noqotee waxay huri wayday hadana in shir kale loo qabto Isbahaysigii Dib U Xoraynta Iyo Dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha U Naxariistee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf kaas oo akhirkiina in lagu soo dhiso dowlad kale Jabuuti xalku noqday.

  • In la doorto Xilibaano gaaraya  intii hore oo lagu daro intii oo kale kaas oo la gaarsiiyay 550 Xubnood
  • Ayadoo Madaxweyne loo doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  • Asoo raysalwasaare u soo xushay Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake
  • Asoo soo dhisay golo wasiiro oo tiro badan markaana loogu magac daray Midnimo qaran ayadoo loola jeeday in golaha wasiirada ay ka koobnaayeen labadii kooxood oo heshiinayay oo kala ahaa kooxdii Asmara iyo kooxdii EMbghati.

Waxaa la filayay in si aad iyo aad ah ay wax uga bedesho dowladaan kuwii ka horeeyay waayo kooxa dagaalka uga soo horjeeda ayaa waxa uu ahaa Madaxweyne Sheekh Shariif ninkii hogaaminayay marka waxaa aduunka isku qanciyay in dhibka jira ay wax ka qaban karaan balse arinkaa ma dhicin waayo kooxihii markaa dowlada ka soo horjeeday waxay markiiba galeen heer caalami ah oo isku qanciyeen in dagaalka Soomaaliya ay ka dhigaan mid caalami ah. intaa ka dib

  • Dhiigii waa socday
  • Barakacii waa batay
  • Dowladii hore intay haystay ka yar baa laysugu yimid
  • Dowladii cusbayd waxay isugu soo ururtay halwado oo muqdisho ah
  • Qaxii iyo dhibkii waa batay
  • Qilaafkii madaxda dowlada waa istaagi waayay
  • Musuqmaasuqii dowladii hore mid ka daran baa yimid.

Waxaas iyo waxyaabo kale oo badan markay soo baxeen ka dib ayaa waxaa qasab noqotay inuu bedelo raysalwasaarihii markaa jiray waxa uuna doortay madaxweynaha Raysalwasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaas oo wax badan qabtay lana dagaalay Shabaab kana saaray meelo badan oo ka mid ah Muqdisho saas oo kalena la dagaalay Musuqmaasuqii waxna ka qabtay intaa markay socotay ayaa waxa ay hadana huri wayday  in la sameeyo barnaamjkii Road map ka oo halka sano ahaa kaas oo runtii la dhihi karo Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Raysalwasaarihiisii Cabdiwali Maxamed Cali ay ku guulaysteen si fiicana u dhirandhiriyeen waxaana la dhihi karaa muda yar oo hal sano ah ayay shaqo badan ku qabteen.

Runtii waxaan rabaa inaan halkaan ka bilaabo aragtidayda dhabta ah oo ku saabsan Maqaalka waxaa dhacday markii la bilaabay barnaamijka Road Map ka waxaa laysugu keenay Magaalada Muqdisho runtii oo ahayd meel ay bilicdeeda aad u soo noqonaysay dad badan oo Soomaaliyeedna ay ugu soo qulqulayeen  maalinba maalinka ka danbaysa isku furmaysa  waxaa laysugu keenay

  • 135 oday dhaqameed oo dhamaan matalayay odayaashii Soomaaliyeed
  • Waxay soo xuleen 825 xubnood oo ansixiyay Dastuurka Federaalka Soomaaliya
  • Waxay kaloo odoyaasha soo xuleen 275 Xubnood oo Xilibaano ah
  • Waxay doorteen Gudoomiye Baarlamaan iyo Labo Ku xigeen.
  • Waxay Soo doorteen Madaxweyne Hassan Sheikh Mahamud
  • Waxa uu Soo Xulay Raysalwasaare karti iyo Aqoon u leh Shaqadiisa
  • Waxa uu soo xulay golo wasiiro oo aad u tiro yar oon horay loogu aqoon dowladihii ka horeeyay kana kooban 10 Xubnood kaliya.

Madaxweyne Xasan waxaa soo doortay Xilibaano soomaaliyeed 10/09/2012 asagoo lagu soo doortay magaalada Muqdisho taas oo uu uga guulaysatay Madaxweynihii asaga ka horeeyay 190 cod oo ay siiyeen xilibaanada Soomaaliyeed.

Arigtidayda gaaban hadaan ku cabiro runtii Magaalada muqdisho waxaan ku soo arkay oo aad ula yaabay waxay ahayd laba arimood runtii kuwaas oon Madaxweyne Xasan intii aan Madaxweynaha loo dooran habeen aan ku kulanay Hotel Amiira oo dood ka socotay aan waydiiyay waxay ahayd runtiina iiga jawaabay si hufan oo wanaagsan hadii uu talada dalka ku guulaysto labadaa qodob oo ah.

  • Qaadka iyo Qoriga.

Runtii labadaa qodob waa labada qodob oo ugu daran oo lays leeyahay wadankeena waxay ku hayaan weerar waana wax u baahan in dowlada iyo shacabka Soomaaliyeedba ay la yimaadaan istaraatiyad ay kula dagaalanto.

Waxaa kale oo ayana iswaydiin mudan Madaxweyne xasan maxuu ugu yimid Aqalka Madaxtooyada iyo taladii dalka oo uu la wareegay sida uu asagaba sheegay qaybo ka mid ah waxaan dhihi karaa intaan la socdo waxyaabaha uu dhaxlay waxaa ka mid ah.

  • Ciidamo mushaar la’aan mudo sedex bilood ah
  • Qasnada Dowlada oo aan waxba oolin
  • Safaarado iyo Safiiro badan oo Madaxweynihii hore Magacaabay.
  • Degmooyin tiro badan oo ku salaysan hab beeleed oo la magacaabay
  • Derajooyin tiro badan oo la bixiyay.
  • Nidaamka Federaalka ah oo lagu kala aragti duwan yahay oo shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiintaba ayadoo kala aragti duwanaashahaasna ay tahay intabadan mid ku salaysan hab qabiil ee aan ahayn hab wadanimo ayadoo aad arkayso ama siyaasi ha ahaado ama shaqsi caadi ah dadka raba federaalka inay hal dhinac u badan yihiin halka kuwa diidana u badan yihiin hal dhinac.

Ayadoo intaa uu dhaxlay Madaxweyne Xasan ayuu waxa uu muujiyay asaga, Raysalwasaarihiisa  iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay muujiyeen shaqo wanaag iyo isku kalsoonaan aan runtii horay loogu baran dowladihii ka horeeyay ilaa carta.

Madaxweynaha Iyo Raysalwasaarihiisa waxyaabaha uu ku guulaysteen waxaa ka mid ah:

  • Asagoo si fiican uga fekaray una sameeyay inay is fahmaan oo wada shaqeeyaan Isaga  iyo Gudoomiyhiisa Baarlamaanka.
  • Asagoo aan ognahay inay u gaysteen 48 qof oo soomaaliyeed inuu ka doortay raysalwasaare asaga la shaqayn kara ooy is fahmayaan.
  • Ayagoo soo wada dhistay golo wasiiro oo aad u yar Soomaaliyana aan abid loo dhisin 10 Wasiir ama Wasaaradood.
  • Ayagoo ka gudbay nidaamkii 4.5 ka Soomaalina tusay inay dadku siman yihiin wax kala sareeya ama kala badana aysan jirin.
  • Ayagoo cadeeyay Wasaarada Arimaha Dibada inay u baahan tahay dib u eegid shaqadeeda iyo habmaamuuskeeda una saaray gudi safiiro ah kuwaas oo isku keeni doona dhamaan shaqaalaha safaaradaha yarayn doonana cadadka Safaaradaha.
  • Ayagoo bilaabay ama dalabday in Ciidamada Soomaaliyeed lagu tababaro wadanka gudihiisa kuna guulaystay
  • Ayagoo golaha wasiirada Dumarka Soomaaliyeed ka siiyay 20% iyo raysalwasaare ku xigeen aan taariikhda Soomaaliya horay uga dhicin.
  • Asagoo cadeeyay samaynta Maamul Goboleedyada inuusan diidanayn balse ay muhiim tahay in la helo dariiq sax ah oo loo maro iyo dastuur hagaya kaas oo laga sugayo golaha Baarlamaanka markay March soo noqdaan.
  • Asagoo doonaya wasaarad walba in dib loo habeeyo loona keeno dadkii aqoonta u lahaa ama horay uga shaqayn jiray sida garsoorka iyo Arimaha Gudaha iyo Gaashaandhigaba.
  • Asagoo meel cad ka istaagay mowqifka dastuurka ee Federaalka ah.
  • Asagoo ku guulaystay inuu AMISOM ka dhaadhiciyo dib u eegida heshiiskii horay loola galay
  • Asagoo IGAD u sheegay in Maamul u samaynta Soomaaliya ay u taalo Dowlada Soomaaliya Gudi matalaya Dowlada Soomaaliyeedna ku daray Gudiyada IGAD.
  • Asagoo Qaaday Lixdan Isbaaro oo yaalay Magaalada Muqdisho
  • Asagoo dalbaday in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta Hubka kana dhaadhiciyay dowladaha deriska ah,Turkiga , UN,EU iyo Maraykankaba una marayso meel fiican in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya.
  • Asagoo ku guulaystay mudo ka yar 5 bilood inuu soo celiyo Aqoonsigiii Soomaaliya oo 22 sano lagala maqnaa oo manta ay Dowlada Maraykanka Aqoonsatay Soomaaliya Aana garanayno siyaasiyan albaabada ay Soomaaliya u Furayso.
  • Asagoo world Bank iyo hay’adaha kale ooy qusaysaba waydiistay hantidii dowladii hore ee Soomaaliyeed ooy haysteen 22 sano inay dib u soo celiyaan meel fiicana u marayso in loo ogalaado.

Ugu danbayntii waxyaabaha ay dowladaan afarta bilood jirtaa ku guulaysatay maaha wax la soo koobi karo laakiin mida ugu muhiimsan waa khilaaf la’aanta ka dhex jirta sedexda masuul oo dowlada ugu  saraysa taas oo la dhihi karo haday afarta sano socoto waxaa la gaarayaa dariiq sax ah iyo inagoo wadadii cadayd cagta saarna marka waxaad moodaa inuu jiro guux badan oo dad Soomaaliyeed ay qabaan oo isku dayayaan markay waayeen khilaaf madaxda Sare ee dowlada ka dhex muuqda inay Raysalwasaaraha Kiciyaan oo dhahaan waa hurdaa iwm marka waxaan jeclahay inaan halkaan ugu hambalayeeyo madaxdeena habkay nooo wadaan dadka ayaga ku dhaliilsan maxay isku khilaafi la’ yihiina waxaan leeyahay waad ku qaldan tihiin arinkaa ee aan taageerno dowladeena 22 sano soo celisay aqoonsiga caalamiga ah iyo Madaxweyne Xasan guusha uu Soomaali u keenay .

F.G.Maqaalkayga kan xigana waxaan uga hadli doonaa ogaanteey iyo aqoonteey federaalka iyo siday Soomaalida ka kala aaminsan tahay, cunaqabataynta hubka oo la qaadayo iyo waliba sida lagu soo dhisi karo ciidamadii qaranka Soomaaliyeed.

W/Q: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) - 20/01/13 | Hashi66@hotmail.com

BA(Honours),FD (MVCO) and HND Media | Madaxweynaha Maamul Goboleedka Bartamaha Soomaaliya.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.