MADAXWEYNEYAAL

Soomaalida dhaqan ahaan waa bulsho war ku nool ah, isla markaana aanay suurta gal aheyn in ay ka aamusaan wax walba oo ay arkaan, waxaana u caada ah dhaliil joogta ah wallow xiliyada qaar dad aan badneyn la arko iyaga oo amaan-sidayaal ah.
Maqaallo Keydmedia Online
MADAXWEYNEYAAL

Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii Xukuumadii dhexe ee Soomaaliya 1991 wax walba waxa ay noqdeen jaantaa rogan iyo is xisaabin la’aan, waxaana mudadaasi wixii ka danbeeyay Dalka ka dhacay wax walba oo dunida ay u calaamadeysatay in ay yihiin kuwa aan macquul aheyn misna dhici Karin.

 

Waxaa la qabatay shirar kale duwan oo dhaxalkooda ahaa wax loogu yeeray Madaxweyne qaran, laakiin marnaba lagama bogsoon, looma dhama iyo annagaa ka mudan miskiinkan meesha loo dhiibay  waxaana taasi ay na dhaxalsiisay in xaalada ay gaarto halka aynu manta joogno.

 

Diwaanka taariikhda waxaa galay dhacdooyin Siyaasadeed midba tan kale ay leedahay anaa kaa mudan in leygu xuso bogga kuwaad waxa aad bi’isay wax badan anaa baabi’iyay, waxaana dhacdooyinkaasi marka la eego gaar ahaan dadka uur jileeca, qalbi dabaca iyo Dal jaceylka uu ku danbeeyo  qabto ilmo judhiiba soo dhaafta indhaha baalashooda, halka kuwa aan jixin jixin kuna taqasusay burburinta iyo baabi’inta ay ka qaadaan qosal iyo kaliya adeeg.

 

Soomaaliya xiligan la joogo waxa ay leedahay in ka badan shan madaxweyne oo dhamaantood xaq isu arka mana jirto mid midka kale ogol, waxaana dalkii loo kala qeybiyay iyadoo aanu Gumeysi soo bareeray oo mowqifkiisa cadeestay aanu joogin in ka badan todoba qeybood.

 

Waxaan Maqalnay Faroole, waxaa xigay Siilaanyo, Caalina kama agdheera, Darmaan waa dibad joog, Madaxweynaha Hiiraanland dhawaan baa lagu dhawaaqay,intuba yaa abaabulay?

 

Dhamaan waxa ay u kala ordaan oo ay tartan ugu kala jiraan saaxib ka dhigashada waxa ay u yaqaanaan Beesha Caalamka balse macna ahaan aan ka fogeyn (BEESHA DHIBAATADA SOOMAALIYA), waxaana gabigood lagu sabaa in ay yihiin xaq wada yaal aan qaldoomin misna mustabal wanaagsan leh.

 

Kuwan iyaga ah ee Madaxnimada isku sawiraya marka aan ka nimaano waxaa jira kuwa kale oo iyana qaatay magaca wadaado kuna doodaya in ay Diinta Alle ay  u adeegayaan kana shaqeynayaan sidii Kalimada Alle ay u kor noqon laheyd, laakiin wadiiqada ay ku socdaan ma ahan tii kalimada Alle oo waa laga been sheegay marka ficiladooda la eego misna lafagur lagu sameeyo.

 

Magaca kuu doono ha ahaado Wadaad iyo Madaxweyne intuba ma jiro mid u taagan shacabka inuu caana Qabow oo baraf leh siiyo taa badalkeedna dhamaantood waxa ay wataan hub ujeedadiisu ay tahay in ay ku daadiyaan dhiiga shacabka, hadaba yaa u maqan shacabka?.

 

Soomaalida marka ay arkaan arin isku cakarin oo aan laheyn si loo kala furdaamiyo, waxa ay yiraahdaan cidda arintaasi ay saameynta ku leedahay “Cidna uma maqna Ceelna uma qodna” sheekada markay halkaas mareysa waxaa muuqaneysa in Soomaalida waxa ugu weyn ee ay ka fakaraan ay Biyaha yihiin maadaama ay badankood ahaayeen reer guuraa ka soo naq raacay Miyga.

 

Hadaba su’aasha jawaabta u baahan misna in si weyn looga wada fakara mudan ayaa ah Madaxya badan maankeeda halkuu ku danbeyn doonaa?  

 

Akhriste bal mar ila eeg mid ka mid ah mucjisooyinka Madaxya badan “ Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir waxa ay ka mid tahay degmooyinka Dalka ee soo maray layaabka sheekada la xiriirta Madaxya badan,mar qura ayeey yeelatay laba Madaxweyne C/qaasim Salaad oo lagu soo doortay Carta oo jabuuti ah misna xaruntiisa aheyd KM4 gaar ahaan agagaarka Dugsi sare Banaadir iyo  C/nuur Axmed Darmaan oo isku sheegay Madaxweynaha Xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed, Ina Salaad Xasan shir dabadiis waa la badalay balse Darmaan wali waxa uu ku doodaa Madaxweyne xaq ah oo aan sinaba loo badali Karin”.

Hadaba xalka Soomaaliya xiligan ma ku jiraa in loo ordo Madaxnimo? Jawaabta waa mid sida cad -ceedda oo kale isaga muuqata waxaana ay noqoneysaa “maya”, oo Soomaaliya xiligan waxay u baahantahay badbaado iyo samabixin bulsho, waayo dadku waa kuwa daalay oo dhibtooday.

 

W/Q Haji Seeko - keydmedia.net

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

 Email:mrseeko@live.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.