QIIMAHA WAQTIGAAGA

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Waqtigu waa Hodan-nimada ugu saraysa ee Rabbi (swt) adoomihiisa siiyay, si cadaalad iyo sinaan ahna ugu qaybiyay, waxaana aad uyar inta garatay qiimihiisa ee si sax ah uga faa'idaysata. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

QIIMAHA WAQTIGAAGA

Si'aad u fahamto Qiimaha 10-kii sanee lasoo dhaafay  -  Weydii lamaane dhawaan isfuray.

Si'aad u fahamto Qiimaha 4-sano  -  Weydii Qof dhawaan Jaamacada kaqalin jabiyay.

Si'aad u fahamto Qiimaha Sanadka  -  Weydii Arday ku dhacay imtixaankii Sanadka.

Si'aad u fahamto Qiimaha Bisha  -  Weydii Hooyo Ilmihii kasoo dhacay Bil kahor Waqtigiisii.

Si'aad u fahamto Qiimaha Asbuuca  -  Weydii soosaare Joornaal Asbuucle ah.

Si'aad u fahamto Qiimaha Saacada  -  Weydii Qof Jaceyl hayo oo Saaxiibkii sugaya.

Si'aad u fahamto Qiimaha Daqiiqada  -  Weydii Qof Baskii ama Trainkii ka dhaqaaqay.

Si'aad u fahamto Qiimaha 1-sekend  -  Weydii Qof ku guulaystay Biladii Ciyaarta.

Si'aad u fahamto Qiimaha Nolosha  -  Fiiri Qof ay Naftu kasii baxayso.

S'iaad u fahamto Qiimaha xuska Ilaahey  -  Dhimo oo fiiri inta Waqti aad kafaa'iideysan kartay kaa dhumay adoo hilmaan kujirta.

Sidaa darteed Waqtigu waa Dahab gacantaada kujira, daqiiqad kasta oo kusoo martaana waa Hodan-nimo aad kafaa'iideysan karto ama aad dhumin karto.

Umadaha hor umaray iyo kuwa dib udhacayna waxaa kala reebay garashada Qiimaha Waqtiga iyo kafaa'iidaysigiisa.

Hadaba ogaw Waqtigu inuu ka Qaalisanyahay Dahabka, maxaayeelay Dahabku haduu kaa dhumo waxaa laga yaabaa, inaad markale hesho, laakiin Waqtigii kaa dhuma kuuma soo laabto ilaa Maalinta Qiyaamada ee Rabbi (swt) lahor istaagi doono!

Maalinta Qiyaamadana waqti kasta oo nasoo maray wuxuu imaanayaa isagoo noo markhaati furaya, ama isagoo nagu markhaati furaya, khiyaar 3-xaadna majiro.

  • Haduu waqtigu kugu dhaafay adigoo Rabbi (swt) xasuusan, Khayr samaynaysay, waxbaranaysay, ama dadkale wax baraysay, Wanaag iyo Samefal ka shqaynaysay, Ummada Khayrkeeda iyo horumarkeeda ku dadaalaysay wuxuu imaanayaa isagaa kuu markhaati furaya, adna aad ku farxayso.
  • Hadii kale oo waqtigaaga aad kudhumin jirtay Dulmi, dhib, xumafal, Qayilaad, madadaalo, Hurdo xad dhaaf  ah iwm xaalku aad buu uxun yahay, saacad kastana waxay imaanaysaa iyadoo kugu markhaati furaysa ku eedaynaysa, arageeduna aad kuu dhibayo.

Sanadku waa 4xilli, Gu, Xagaa, Dayr iyo Jiilaal, waana 12 Bilood, 48Usbuuc iyo 356 Maalmood. Waxaa waajib ah, sanad markuu dhamaado qofku inuu isweydiiyo sanadkaan baxay maxaan kasbaday ama korodsaday?

Maxaan faaiiday? maxaanse khasaaray? Maxaa ii kordhay maxaa iga nuqsaamay? Qofkaan taas is weydiinin waa qof ka jaahilka ah, Ra'sumaalkiisa iyo meesha ay usocdaan, oo aan rabin inuu xaalkiisu tooso Jidka saxda ah bidhaansado.

Shayga uqaalisan ee Qofku uu haystaa waa Waqtigiisa iyo Caqligiisa, labadaa qofkii dayacana waa qof Dahabkii uu Alle siiyay, aan qadarinin ilaalinin, oo dayacay ama iska tuuray. Waqtiga qiimihiisa darteed buu Rabbi (swt) dadka oo dhan kasimay, oo qofna uusan kankale uga badinin!

Caqligana qofwalba inbaa laga siiyay waxaana layna faray inaan gobcino, inagoo adeegsanayna: Iimaan, Cilmo, Fikir, akhris iyo dadaal siaan u hormarino garashadeena ama Caqligeena.

Qofwalbana isagaa qora Taariikh nololeedkiisa, maxaa yeelay taariikh nololeedku waxay ka samaysantaa waxaad qaban jirtay, shaqadaad badin jirtay, dadka aad lasaaxiibka ahayd iwm.

Weyna dhib yartahay qofku inuu ogaado taariikhdiisu siday u egtahay, kaliya waa inuu habeenkii isweydiiyo maanta maxaan qabtay? 12-Saacadood ee isoo maray maxay iga sheegi doonaan? Maxaa Diiwaanka Malaa'igta maanta ii galay?

Su'aalahaas haduu qofku sidaacad ah uga jawaabo, maalin walba, Usbuuc walba, Bil walba iyo Sanad walba, waxaa cad qofkaasi inuu ka bixi karo imtixaankii waqtiga.

FIIRO GAAR AH:

  • NOLOSHAADU HADAF MALEEDAHAY?  SAACADAADU MA SHAQAYSAA?
  • WAQTIGAAGA MAQIIMAYSAA? MASE KUU XISAAB-SANYAHAY?   
  • MAALMAHAAGU MIRO FAA'IIDA LEH MADHALAAN? MISE JIHADII BAA KAA DHUNTAY, WAADNA IS ILOWDAY? 
  • SAACADAADIINA WEY ISTAAGTAY?  WAQTIGAAGIINA FARUHUU KABAXAY?

Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia
Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.