Mahiga & Shantan miyeey Soomaali u Afduuban tahay? - Xogta Keydmedia!

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Qof walbaw u tooghay dhacdo lama filaan ah. Siyaasi isku sheegga damaca badan wax walba waa u xalaal, wax alla wixii u meel-mari karana waa samaaynayaa.
Maqaallo Keydmedia Online
Mahiga & Shantan miyeey Soomaali u Afduuban tahay? - Xogta Keydmedia!

 

Dawladda dhalan doonta waxaa isku soo sharraxday Shan Nin oo Soomaalidu u afduuban tahay, waxayna kala yihiin: Mudane Shariif Axmad, Mudane Shariif Xasan, Mudane C/maan Faroole, Mudane Maaxamad A. Caalin iyo Cabdiweli M. Caligaas.

Dhammaantood waa heshiis, nin walba wuxuu helayaa waxa dantiisu ku jirto ama wuxuu jecel yahay. Khilaaf ma dhexyaal, wax walbana hore ayaa loogu heshiiyey. Waxa hawlaha lagu kala furdaamin doono waxaa ugu weyn waa Lacag badan oo Shilin Soomaali ah oo Suudaan lagu soo daabici doono oo Garoowe lagu kala qaybsan doono doorashada kahor.

 

Xogta ugu dambaysey oo Keydemedia ka heshay ilo xog-ogaal waxay tilmaamaysaa: Qaabka Xildhibaanka loo soo xulan doono. Magaalada doorashada lagu qaban doono. Qaab-sharciyeedka lo adeegsan doono inaan doorashada Muqdisho laga wareejiyey.

Ciidanka nabadda sugi doona. Lacagta laalushka ah oo la adeegsan doono. Waqtiga codbixintu dhici doonto, iyo cidda ansixin doonta habka Doorashadu u dhici u dhacdo.

Xogta la helay waxay tilmaamaysaa sida soo socota:

Ciidamo beeleed oo Shanta tartameyaal ay soo hubeeyaan ayaa Muqdisho ka bilaabi doona Dil iyo Qarxin Argagixin loola jeedo (oo Hadaba Bilaabatay).

Marka Doorashada ay Toddobaad ka harto ayaa Madaxweynuhu wuxuu sixiixi doonaa dekreeto caddaynaysa in goobtii codbixinta Garoowe loo wareejiyey nabadgelyo awgeed. Mahiga waa la oggolaysin doonaa inu ka markhaati kaco oo uu ayido ujeeddada dekreetada isagoo qaban doona Shir jaraa’d.

Maalinta Madaxweynuhu sixiixay dekreetada ayaa Garoowe loo sii duulin doonaa 225 xildhibaan oo dawladdu gacantooda kusoo naqaysteen ee ayna ahayn kuwo bulshadoodii soo xulatay.

Madaxdii musharraxiinta ahaydna Garoowe ayay is sii xaadirin doonaa. Si aan dunidu u hakin afduuban xukun boobka ah, wax walba waa la dadajin doona si aan faragelin dibadda uga iman.

Doorashadu waxay dhici doontaa saqdhexe oo habayn, waxayna socon doontaa muddo 2 saac ah. Inta codka la tiriyo ayaa lagu dhawaaqi doonaa marka waagu baryo.

Nabadda magaalada Garoowe waxaa sugi doona Ciidanka Maamulka Puntland oo ku hubaysan Qalab casri ah: Sida goobta madaafiica, Qalabka riddada dheer oo gaadiidka ku dul-rakiban, dayuuradaha qummaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin qalab culus oo darandoori u dhaca.

Dayuuradaha waxaa duulinaya Saraakiil calooshooda u shaqayteyaal ah oo kamid ahaan jirey Ciidankii Aperhad-ka. Magaaladu sidaas bay u cabbursanaan doontaa oo ciduna masoo geli doonto, ciduna kama bixi doonta ilaa martidii loo kala geeyo deegaannadoodii.

Sida xogtu leedahay, madaxnimada sidatan baa loo kala qaadan doonaa:

  1. Shariif Axmad wuxuu noqon doonaa Madaxweynaha Qaranka 
  2. Shariif Xasan wuxuu noqon doonaa af-hayeenka Baarlamaanka
  3. Cabduraxmaan M. Faroole wuxuu noqon doonaa Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad.
  4. Maxamad A. Caalin wuxuu noqon doonaa Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad
  5. Cabdiweli M.Caligaas wuxuu noqon doonaa Wasiirka 1-aad.

Sidoo kale, Garoowe waxaa loo aqoonsan doonaa Caasimadda 2-aad ee Dalka "nabadgelyada awgeed".

Xagga ragga xukunka qaybsaday marka laga eego, Lacag badan baa Madaxda bulshada loo sii qaybin donaa kuwaasoo baahin doona citiraaf iyo ayidid dawladda la dhisay. Bulsho-weynta Soomaaliyeed lama oga sidii ay uga dabaakhtami lahayd.  

Afduubka Dawladnimada maxaa ku xigi doona? Nimanka xukunka afduubay maxay ku dambayn doonaan?  Soomaali weyn side uga dabaakhtami doontaa? Nimanka xukunka afduubay maxay ku dambayn doonaan?

Ciidanka AMISOM maxuu ku dambayn doonaa? IGAD xal ma heli doontaa? Al-Shabaab dib ma usoo noolaan doontaa? Aayaha Soomaaliyeed muxuu ku dambayn doonaa. Adduun-weynuhu  faragelin masoo samayn doonaa?

Waqtiga ayaa jawaabaha ka jawaabi doona!

Keydmedia.net


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - Ayuub.a.aden@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.