Marabtaa inaad Nabi Muxamad (Calayhi Asalam) ... Riyo ku Aragtid?

Maqaallo Keydmedia Online

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) — Nin baa u tagay Sheekh, wuxuuna waydiiyay sideen Rasuulka riyo ugu arki karaa? - Sheekhina wuxuu ugu Jawaabay: Waa ay sahlan tahay, hadaad sisax ah u samayso waxa aan kuu sheego, tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Marabtaa inaad Nabi Muxamad (Calayhi Asalam) ... Riyo ku Aragtid?

Asigoo danaynaya jawaabta Sheekha ayuu wuxuu yiri ii sheeg, aad baan u xiisaynayaa inaan Rasuulka calayhi asalaam riyo ku arko, sisax ahna waan u samayn waxa aad iisheegto.

Sheekhina wuxuu yiri; (maanta markaad guriga tagto ku qadee kaluun, kuna badi cusbada, biyana haka daba cabain, cashadana sidoo kale ku cashee kaluun, cusbada aad ku badi, biyana afka hasaarin) sidaana kuseexo, maxayeelay hadaad biyo cabto waxba ma arkaysid.

Ninkiina wuxuu yiri, ma intaa bas ah ayaan sameeyaa? Sheekhiina wuxuu yiri; haa intaa bas ah samee, oonka ku qaban doonana sifiican uga hortag, oo biyo afka hasaarin.

Sidiibuuna yeelay, qado iyo casho wuxuu cunay kaluun sifiican loo cusbeeyay, wuxuuna dareemay oon badan iyo inay calooshiisu gubanayso. Wuxuuna soo xasuustay dardaarankii sheekha, wuxuuna sariirta galay, isagoo dareemaya oon aad u daran, naftiisuna ay farayso markasta inuu biyo cabo, siuu caloosha u qaboojiyo.

Balse wuxuu soo xasuusanayay, dardaarankii sheekha, wuxuuna ka baqayay inuu Nabiga arki waayo. Hurdaddiina way ka imaan wayday, wuxuuna dareemayay inay calooshiisu gubanayso, balbalayso, wax badana wuxuu ku fikiray inuu biyo cabo, balse wuxuu soo xasuusanayay hadafkii uu lahaa iyo dardaarankii sheekhu siiayay. Hurdo gaaban kadibna waa giibaa baryay, wuxuuna ku kalahay sheekhii.

Sheekhii baana su´aal ku bilaabay xalay Rasuulkii calayhi asalaam maku riyootay?

Isna wuxuu yiri maya, ma arkin!! wuxuuna sii waydiiyay maxaad ku riyootay xalay?

Waxaan ku riyooday; anigoo biyo cabaya, ku dabaalanaya, roob badana uu da´aya, dhulkana biyo badani kasoo baxayaan dhinac kasta, biyo unbaan xalay oo dhan ku riyoonayay, Rasuulkiina ma arkin, sidaad ii sheegtay!!

Sheekhiina wuxuu yiri; (hadaad seexan lahayd, adigoo Rasuulka calayhi asalaam u jecel, sidaad biyaha ujeclayd, qalbigaaguna uga fikiri lahaa Rasuulka calayhi asalaam sidaad biyaha ugu fikiraysay Rasuulkaad calayhi asalaam ku riyoon lahayd)!! (Waxaa lagu riyoodaa qof ama shay lajecel yahay, loo baahnaa, lagu taamayay).

Hadaba, hadaad rabto inaad Rasuulka calayhi asalaam riyo ku aragto waxaa waajib ah, inuu jacaylkiisu buuxiyo qalbigaaga, dareen-kaaga, fikir-kaaga oo dhan, ooda kafikirin kana buuxinin qalbigaaga qofkale ama shay kale. Markaas ayuu Rabbi (swt) kugu sharfi doonaa inaad Rasuulka calayhi asalaam riyo ku aragto.

Ninkaas dareenkiisu aad buu u fiicnaa, oo wuxuu tiigsanayay xadiis uu Rasuulku ku yiri (qofkii riyo igu arkaa wuxuu ii arki doonaa si dhab ah/ soojeed (maalinta Qiyamada), maxayeelay shaytaanku sawirkayga maqaadan karo).

Hadaba qofkii jecel inuu nabi Muxamad calayhi asalam arko, lakulmo maalinta qiyamada waxaa waajib ku ah inuu aad u jeclaado, uga fikiro/ ugu dadaalo siduu u raaci lahaa jidkiisa/ sunadiisa, u barana lahaa siiradiisa, akhlaaqdiisa, aad u badiyo inuu ku saliyo calayhi asalam.

Taasina waa mid aan dhamaanteen wada dadreemi karo, oo qofku wuxuu ku riyoodaa qofka, ama shayga uu jecel yahay, qadariyo ku taamayo lakulankiisan, xiisaynayo aragtidiisa, qadarinayo darajadiisa.

Dr. Axmad Cabdulahi  - KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.