Marxaladda Kala Guurka Ah Iyo Madaxda Mustaqbalka - Qeybta 1-aad

Bashir M. Hersi - Waxaa maalmahan loo wada xusul duubayaa ama xawli loogu jiraa, sidii loo soo xuli lahaa gudiyada marxaladda kala guurka ah, si ay u qabtaan hawlo badan oo aad u adag, labo ayaase ugu muhimsan gudiyadan, kalana ah: Ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo soo Xulidda Xildhibaanada.
Maqaallo Keydmedia Online
Marxaladda Kala Guurka Ah Iyo Madaxda Mustaqbalka - Qeybta 1-aad

Intaanba hawshii la gudagalin, ayaa waxaa dhashay tuhun iyo farfiiq, eedda ayaa dhalatay, ka dib markii la furay Sayladda Suuqa lagu kala iibsanayo Odayaasha loo igman doono hawlahan.

Inta aanan abbaarin arrimahan, waa muhim ah, inaan dhawr qodob duljoogsado, oo aan is leeyhahay in la qeexo waa lagama maarmaan, maxaa yeelay, waxaa isku dhex miliqsan arrimo badan, ujeed iyo ogaalna la isugu daray, waxyaabaha qaarna laba maldahay! Illeen wax aan dani ka dambayn ma jiraane.

Marka laga soo tago; abaaraha, gaajada, colaadaha, dagaallada iyo dhibaatooyinka guud ee Soomaaliya hareeyey, waxaa lala eegtay sadax arrimood, oo kala ah:

-Dawlado ku meel gaar ah: Labaatanka sano ee burburka lagu jiro, dalka waxaa soo maray ku dhawaad shan dawlado ku meel gaar, dhaqan ahaan iyo maskax ahaanba, ku meel gaarka, waxay ahayd inay ka dambayso marlaxad nagi iyodeganaansho, haddii markii hore loo baahnaa in heerka la joogo laga gudbo, loona baxshay ku meel gaar, si loo caddeeyo inaysan ahayn daa’in iyo wax waligeed sii soconaya, balse,  ayaandarrada Soomaalida ku habsatay ayey ka mid tehee, waaba la daa’imiyey.

-Shirar dib u heshiineed: Sida tan hore mugdiga dad badan uga jiro, tan waxaan filaa inay tahay bannaanyaal iyo wax iska cad. Shirarka la qabtay iyo sanadaha burburka lagu jiro marka aad is garabdhigto, waxaad ogaan inaysan kala badnayn oo iska daba dhaw yihiin, kana dhigan qiyaastii in sadaxdii sanaba mar shir la qabanayey, heer ay noqdeen shirirkani qubanayaal madashoodaaan la faaruqin, loona madlan yahay dhawr gu’ ka dibba.

-Ergay cusub: Lixdii sanee u dambaysay, waxaa la soo magacaabay sadax ergay, oo uu ugu dambeyo mudane Mahiga, haddaad gadaal sii qooraansatana qoorta ayaa ku daalaysa kaliya, waxaaba laga yaabaa inaad tirin weyso, dabcan, ujeed la’aan ma ahan, dhammaan qodobadan aan soo xusay, mid walba waxaa laga leeyahay dan gaar ah, aan isku dayno inaan fahamno. Kan hore, ee  “ku meel gaarka” waa waligaagarab rarato iyo geeddi ha ka gudbin. Kan labaad, ee “Shirarka dib u heshiineed” waa waligaa gabraarta shisheeyaha ha ka guurin. Kan ugu dambeeya, ee “Ergay cusub, waa waligaa basaas ha noo kaa dhex joogo.

Arartan gaaban ka dib, aan u daadego dulucda qormada, oo u badnaa doonta tilmaamo iyo talooyin. Sidaa awgeed, waxaan ka sii cudurdaaranayaa qofkii aan igu aragti ahayn, inuusan ii ciilloon, maya, inuusan igacaroon. Ujeedku ma ahan qof iyo qabiilkali iyo koox. Waxaanse farta ku fiiqi doonaa meelo badan, waana midda aan ka sii afeefanayo, illeen waa tii la yiriye: “Hadalkaaga hortiisa afeef ayaa la dhigtaa, Gurigaaga hortiisana ood”.

Marxaladda Kala guurka ah

Laba sano oo ku meel gaar ah ka dib, iyo sanad “Kampala Accord” loogu waqlalay, ahaase xadgudub ka dhan ah Dastuurka Dawladnimada iyo Dadnimada, maadaama mudaduu madax ahaan lahaa dhammaystay, haddana Kaadir Musaveni ayaa u kordhiyey, inaw Meles ogaana maanka ku hay. Iminkase waxaa la marayaa gabagabadii gugaa Musafani gooyee, maxaa goobta lala iman?.

Weydiinta madaxa daalinaysa ayaa ah: (Horta Ku meel gaar inaan ka baxno yaa dani ugu jirtaa? Ma anaga [Soomaalida] Mise Shisheeyaha [Dunida]) Aayaheenu wuxuu mar walba ku xiran yahay hadba warcelinta laga baxsho weydiintan, micnaha labada dan midda xoog yeelata ayaa xarigga noo qaban, aanse kala qaadee, haddii anaga dani noogu jirto, ma leenahay hoggaan xilkas ah? Ma leenahay madax qaran? Ma leenahay Maamul adag amaba jira? Ma leenahay ……? Ma leenahay……? Ma leenahay….? Ma leenahay….? Ma leenahay….?.

Haddiise ay dani ugu jirto shisheeyaha, haddaa, maxaa loogu dig iyo dam leeyahay? Maxaa loogu wada hamuun qabaa? Wax aan dhibkiisa mooye, dheeftiisu muuqan, maxaa loogu wada dhadhabayaa? Waan filaa inay dad badan u caddahay raggan aqoon yahanka lagu sheegayo, inay yihiin dullaaliin daboolan, oo ay dhammaan wada matalaan shirkado shisheeye. Maxaa yeelay, mid walba markuu yimaado, wuxuu heshiis la galaa shirkado gaar ah, oo uu ka qaato xoogaa laaluusha ah iyo sandareerta yar.

Waxa loo wada xusul duubayo, ayaa ah in mar qura eraga: “Ku meel gaarka” laga gudbo, danta laga leeyahay ayaana ah, in shirkadahan shisheeye, wixii loo saxiixo aan lagu soo dabagalin, illeen wixii ay maanta la saxiixdaan MAFIYADAN berri ayaa la duri karaaye, maadaama aysan wadanka ka jirin dawlad buuxda, haddaba aqriste, ma kula qumman tahay in xeeladdaasi meel marto?.

Dal aysan deganaan guud iyo mid gaaraba ka jirin, waa yaabe: sidee uga gudbaa ku meel, markii horaba la galiyey? Aqriste, armaad is tiraa, ninkani waa kuwa buka ee qaba, in dalka Maxmiyad la galiyo! Maya, bal si kale u eeg, armaanba hadda Maxmiyad aan magacaabnayn ku jirnaa? bal sadarrada sare aqriska ku celi. Hubaal inaad garan, inaannaan gob madax bannaan ahayn.

Marka laga soo tago caddaanka dalka Badda iyo Cirka ka eegta, wadanka waxaa maamulan jirtay Xabashi, hadda waxaa wadaag la noqotay Ugand iyo Kenya, ninkay caad ka saaran tahay, ha u fiirsho qaabka wadanka loo maamulayo, hase ku kadsoomin magac bixinta aan meelna haysan; Madaxweyne, Ra’isul wasaare, Wasiirro, Xildhibaanno IWM.

Guddiga Dastuurka

Ugu horrayn, tirada guddigan iyadoo lagu wareersan yahay, ayaa waxaa noo koobay Wasiirka Dastuurkaiyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh sheegayna in ay horay u ahaayeen soddon qof [30], haddana ay yihiin sagaal qof [9] oo uu ku tilmaamay “khubaro” -Sir iyo caad ogayaal- waa siduu hadalka u dhigee, sagaalka sargaal wuxuu ka xusay mudanayaashan -oo dabcan uu wada ammaanay-: Caasha Kiin Faarax Ducaale, Prof jawaari, Dr Cali Siciid Faqi, Shukri Diini iyo Xannaan.

Guddigan waxaa la magacaabay markuu dhammaaday shirkii dib u heshiisiinta ee Kenya lagu qabtay sanaddii 2004-tii, waxaa lala magacaabay guddiyo gaarayaa ilaa saddax iyo toban guddi, waxaa ka mida guddiyadaa Guddi dib u heshiisiinta.

Dawladda Shariif ayaa isku dayday inay guddiga xubno ku darsato, la laaqa Dhariga la Karinayo, qas iyo qalalaasaba ha looga jeedee, waase ku guuldarraysatay! Haddaba su’aasha ayaa ah: Guddigani awoodda intaa la eg siduu ku helay? Xaggeese ka keenay?.

Mid aan sir ahaynse aan sheego, in guddigani maalintii la aasaasay ilaa iminka uu mushaar joogta ah qaadanayey, taa kaliya ma ahan, Guddigani waa ka safar badan yahay madaxda dawladda, oo haddaa, yaa ka bixiya qarashka safarka? Maya, horta sidooda yaa biila? lacagta ku baxda xaggee laga keenaa? Xafiiskee siiyaa? Guddigani Xafiiskoodu xaggee ku yaallaa? Mise waa garab rarato Lap Top-ku Kilkisha ugu jiro, walina aan gaarin iPad!

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya, in Guddigan maalintii la magacaabay ilaa maantadan ay ku baxday qarash badan, aqriste lacagtu ma yaree, bal kurisga xajiso, inta aanan kuu sheegin, waa inaan kuu sii digaaye, waxaa lagu beelay beeso dhan hal Malyan oo Dallar [1Milyan$] haddaba yaan la oran dalku muxuu Sabool u yahay? Illeen Yuubatadan ayaa wixii soo galiba u yuurartee!

Dastuurka qabyo qoraalka ah

Dastuurkan waxaa lagu madalsan yahay, in la soo bandhigo bartaha bisha may ee foodda nagu soo haysa, sidaa awgeed, mashaqada ugu darani way soo socotaa, oo waxan ay Dastuurka ku sheegayaan, waxaa ku jiro qodobo aysan iyagu qorin, sida ka muuqatana ay qorteen dalalka dariska ah, qodobada qaarna waxaaba qortay qabiillada qaarkood, oo aadba moodda inay ku fillaa waysay, sadbursiga ay maanta ku hayaan beelaha intooda kale, awal ayaanba qaati ka taagnayn afar iyo bare, ma waxay noo soo wadaan goosgoos aan gabina gaari karin?.

Balaan ku hormaro qodobka la yaabka leh ee ah: “Jinsiyadda/Dhalshada” Dastuurka qabyo qoraalka ah waxaa ku qoran sidan:

CUTUBKA 2AAD-JINSIYADDA

Qodobka 11aad-U-dhalashada Jinsiyadda

(1) Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

Qodobka 12aad-Muwaaddinnimada lagu heli Soomaaliyeynta

(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shurrdaha sharciga Jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

(4) Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu Soomaaliyeeyo guur ama deggnaansho kuma xirna in uu buuxiyey ka hor ama ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka.

Balaan jeexjeexo qodobka Jinisyadda, mid waa inaan isla wada qirnaa, inaan nahay dal xitaa aan SABOOLlagu tilmaami karin, intaa waxaa noo sii dheer, inaan ku jirno dawladaha dhan walba ku fashilmay, haba ugu darnaadaan dhanka ammaanka, maamulka iyo garsoorka, waaba haddii raadkood la hayee.

Sidaa waxaan u leeyahay, qofka marka uu mudnaado Jinsiyad/Dhalasho, wuxuu yeelanayaa xuquuq uusan markii hore lahayn, maya, wuxuu la mid noqonayaa Muuwaadinka Soomaaliyeed, ee aan laSoomaaliyeyna. Haddaba, miyeysan habboonayn inaan arrinta si fudud loo gudagalin? Waa midda koowaade, dhaqaalo uma haynno, in qof walba oo shan sano na dhexjooga aan dhalasho dhab ku siino. Anagii ayaa naf la caari ah, ee sideen dad kale ku xammili karnaa? Aniga iima dhadhamin.

Midda naxdinta leh ayaa ah, in qodobkan ay qorteen dawladaha ay ciidanka ka joogaan wadanka, si gaaraXabashida, oo danteedu tahay inay ku yeelato Soomaalida dhexdeeda, dad badan oo la Soomaaliyeeyey, micnaha dad asal ahaan ka soo jeedo wadankeeda, balse, xaq buuxa ku leh Soomaaliya. Haddaba, maxaa ka horjoogsanaya in ay berri madax noqdo?.

Waxaan la yabaa dad badan oo muran ka kenay qofka Soomaaliga ah ee xil qabanaya inaysan shardi u ahayn inuu Muslin ahaado! Waana meesha kaliya ee laga hadlay ilaa iminka, waxaa ku soo xiga middasadbursiga. Waaba yaabe, dadkan maba u muuqdo wadankan xaraashka ah, ee la leeyahay qof walba wuxuu noqon karaa Muwaadin Soomaaliyeed, sida iyo saabku muhim ma ahan, waaba laguu sadrayee ku dul susub, sina ha uga seerayn.

Berri waxaa soo socda kuwa madaw iyo caddaan isugu jira, oo aan Soomaali ahayn, lase leeyahay waa Soomaali, Muslinnimana haba sheegin warkeed, oo xukunka qaban doona. Hadda ayeyba billaabatay, dad la siiyey dhalshada, sida ay sheegayaan xog hoose oo laga helay Waaxda Jinsiyadda ee Xamar, aanse ka wardhawrno maalmaha! Wallee inay wax riman yihiine.

Run ahaan, qodobkan wuxuu keeni doonaa in dad badan oo iminka Soomaaliya jooga, ujeedna loo geeyey, ay berri ku doodi doonaan, inay Soomaali yihiin, maxaa yeelay, waxay Soomaaliya deganaayeen in ka baddan shan sano, oo uu Dastuurkani xadidayo, Qoraaga sare: C/qaadir Cusmaan Max’ud (Aroma), ayaa Naynaas ahaan ula baxay (Oromo) isagoo ku muujinaya Afrikaannimadiisa, kana cararaya Carabnimo ama Carabayn.

Markuu burburkii dhacay, ayuu ku baraarugay kuwa la leeyahay waa Oromo masaakiin ah, oo dadkii qaarijin ku dhammeeyey, ka dibna, Naynaastii ku badshay (Aromo) oo ah geed udgoon.

Malaha meeshii C/qaadir Cusmaan Max’ud (Aromo) uu ka dagaalamayey ayaan maanta maraynaa? Maxaa yeelay, qodobkan waxaa ka dhalanaya in Ajaanib badan ay xaq u yeeshaan dhalshada Soomaali. Hubaal in dad badan kugula doodayaan, in ay jiraan Soomaali badan oo qurbaha ku haysta dhalsho kale. Aanse caddeeyee, tan iyo kuwaas kala duwan, markaan yeelano dhaqaalaha dawladahaa oo kale, ee aan dal dhisan iyo dad deggan yeelanno ha la gaaro, ee maanta miyey mudan tahay in sheeko caynkaa ah Dastuur naloogu qoro?

Waxaa jira dalal badan oo naga hodonsan, oo aan qodobkani u qornayn, sida S.Afrika, Jappan, S.korea, Malesia, UAE IWM, kuwaaba kuma degdegine, waa maxay kadlayntan anaga nagu jirta? Wallee inaan shaki ku jirin, inay Xabashi qoratay qodobka Jinsiyadda/Dhalashada, ee Soomaaliyeey, armay maanta ku habboon tahay, inaan raggan iska qabanno?.

Dhanka kale, dawlado reer Yurub ah, ayaanba ku bixin dhalashada shan sano, ama kuba baxsha shantaa oo shuruudo lehe, sidey ku dhici kartaa dal G8 [Dawldaha warshadaha ku hormaray] ku jira, sida Italia, in dhalashada lagu helo toban sano oo degaansho ah, annagu aan shan sano oo daganaashao ah ku bixinno? Aniga iima cuntamin, aqriste, adna?.

Waxaan gudcur ku jirin oo aan u baahnayn hillaabasho, in guddigan iyo kuwa la mid ah, ay dalka ka dhigayaan mid aan la kala xigin. Ma kuu joogaan Gaangaystarro aad isaga maaro waysay, waa laguu hayaa halkii aad gayn lahayd, waa Soomaaliya. Ma leedahay kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah, waa laguu yaqaan meesha aad ku beeri lahayd, waa Soomaaliya. Ma ku xiran tahay MAFIYA, waa laguu yaqaan meesha ay mashaariicdiinnu ka hirgalayaan, waa Soomaaliya.

Fisha, qaybta xigta ee qormada.

Bashir M. Hersi - brdiraac@hotmail.com


Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.