Mashaqada Muqdisho: Muran Mutaxan iyo Madfac

Oodqaad. Muranka Baarlamaanka. Khilaafka Madaxada Dawladda. Maalinta Badar. Duqaynta Dadweynaha. Xilka Culimada. Gunaanad.
Maqaallo Keydmedia Online
Mashaqada Muqdisho: Muran Mutaxan iyo Madfac

Oodqaad:

Maalmahaan waxaa magaalada Muqdisho ka socda dagaaallo aad u qaraar, una dhexeeya maleeshiyadka dawladda iyo kooxaha gafuurka duubta ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam, waxaa wehliya dagaallada duqaymo qaraxyo iyo dilal qorshayn, waxaa ugu xanuun badnaa kii ka dhacay hotel Muna, oo lagu xasuuqay xildhibaanno iyo dad rayid ah, dagaalladdaa waxaa ka dhashay qasaaro lixaad leh, isugu jira naf iyo maal, qolo walbana sheeganayso guulo iyo inay gaartay goobo hor leh.

Dawladdu waxay shacabka ugu baaqday inay is dajiyaan, iyada oo ku dhawaaqday inay qaadayso dagaal kama dambays ah!, "Habar Fadhida Lagdan la Fudud!", ma ahan markii u horraysey ee hadal caynkan ah ka soo yeero, mana noqon doonto matka ugu dambeysa, inta neefi ku jirto way rafan, maanta waxaan qormada ku qaadaadhiggi doonnaa qodobbo dhawr ah, waxaan ku dadaali doonnaa inaan isku wada xirno, aanna ku wada halosinno jidka hor leh.

Muranka Baarlamaanka:

maraan sidaa u sii dheerayn waxaa la doortay guddoomiye baarlamaan, loona doortay Mudane Sh. Shariif Xasan, doorashada ka horna waxaa jiray ismari waa ka taagnaa xilka qaadista Sh. Aadan Madoobe, is jiijiid dheer ka dib, waxaa lagu guulaystay in la qabto doorsho, oo lagu tilmaamay in lagu shubtay!, muhimaddu taa ma ahan, ee maadaama guddoon cusub la doortay saw ma ahayn in muranku yaraado, bal dhawr waxa ka dhacaya gudaha baarlamaanka, muran aan jiho iyo jid lahayn ayaa wali dabada la hayaa.

ceeb kama xishooyadayaasha xilka iyo dhibka isa saaray "xildhibaanada", waxaa tusaale nooga filan prof: Dalxa, oo dood badan ka qabay in laga qaado ku xigeennimada baarlamaanka uu ka hayo, heeruu u gudbiyey dacwad maxkamadda sare ee baqaarka ku xiran, markiise loo magacaabay wasiirka wasaaradda dhaqancelinta iyo arimaha bulshada idinku warkiisa ma maqasheen? muranku wuxuu ku dhammaan karaa oo kaliya, in xil loo wada magacaao dhammaan Soomaalida si kale maya!.
Murankii wali ma dhammaan indha dhammaanayana mallahan, sida uu ku dhammaanaya cid garanaysa ma jirto, sababtoo ah waa dad aan ku qanceyn wax aan xil ahayn, si kale uma qancaan wax kalana kuma qancaan!, dadkii wax qabadka laga sugayey haddii ay ka dhammaan la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.