Maxaa laga filan karaa Farmaajo kadib Muddo-korarsiga?

Maqaallo Keydmedia Online

Muddo-kordhinta halka dhinac ee Gollaha Shacabka u sameeyay Farmaajo Isniintii, April 12 waxay soo xirtay albaabadii wadahadallada doorashadda iyo rajadii Shacabka in laga baxo hubanti la’aanta mustaqbalka dalka, waa Warbixinta Keydmedia Online. 

Maxaa laga filan karaa Farmaajo kadib Muddo-korarsiga?

Marka la eego dastuurka, go’aanka Gollaha Shacabka ee muddo-kordhinta waa mid sharci darro ah oo baal marsan xeerka dalka, maadaama Aqalka Sare ee Baarlamaanka aan u codeynin, lana baal mariyay.

Farmaajo wuxuu jebiyay Qodobka 55aad ee Dastuurka KMG oo dhigayaa in qaraar kasta oo aan soo marin labad Golle ee Baarlamaanka wuu yahay waxba kama jiraan, wuxuuna sameystay muddo-kordhin.

Baarlamaanka 10aad wuxuu muddo-xileedkiisa dhacay 27-kii December 2020, wuxuuna dastuurka KMG ah siinayaa fursad inuu booska sii joogo si dalka looga ilaaliyo firaaq hay’adeed, balse ma lahan awood u uku gaari karo go’aan masiiri ah.

Isagoo og wadada uu ku socdo inay horey ka xiran tahay, ayuu Farmaajo sameystay muddo-kordhin labo sano ah, isagoo ku tagri-falay dastuurka wadanka, islamarkaana agfembi aan dhiig ku daadan ku qabsaday xukunka kadib markii uu muddo-xileedkiisa dhamaaday February 8.

Maxaa ka dhalan kara Muddo-kordhin Farmaajo?

Go’aanka halka dhinac ah ee kasoo baxay Gollaha Shacabka Isniintii wuxuu niyad jebiyay Soomaalida iyo Saaxiibadda Beesha Caalamka, oo sheegay inuu ka dhalan karaan khataro amni iyo mid siyaasadeed Muddo-kordhin sharci-darro ah oo Farmaajo loo sameeyo.

Sidoo kale, go’aanka wuxuu sii kala fogeeyay saamileyda siyaasadda dalka, iyadoo fogeeyay xal laga gaaro khilaafka doorashadda, kaasoo ka dhashay hogaan-xumadda Farmaajo iyo siyaasadiisa gurracan.

Farmaajo wuxuu damqiyay boogihii dagaalka Sokeeye, isagoo dalka dib ugu celiyay nidaam lagu jabay oo kaligii-talisnimo ah, isagoo xilli soo kabasho lagu jiro u durbaan tumaya colaad, bur-bur iyo barakac kale.

Go’aanka lagu kordhiyay muddo-xileedka dowladda Farmaajo ayaa sida uu Mareykanka sheegay wiiqaya dedaallada soo-celinta nabadda iyo amniga dalka, oo Beesha Caalamka dhaqaalo badan ku bixisay.

Muddo-korarsiga waxaa kahor yimid Madasha Badbaado Qaran, Ururada Bulshadda Rayidka iyo Beesha Caalamka oo ka digay halista ka dhalan karta, taasoo si shaqsi ah mas’uuliyadeeda u qaadayo Farmaajo.

Waxyaabaha laga cabsi qabo inay dhacaan ayaa waxaa kamid ah in Ciidankii la dhisayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay oo burburo iyadoo hadda askar badan u goosteen Puntland iyo Somaliland, oo Al-Shabaab dalka dib u qabsato iyo wada-shaqeyn la’aan dowladda iyo maamullada.

Farmaajo iyo Maxa’ed Mursal ayaa heshiis gaar ah ku galay inay meesha ka saaraan Aqalka Sare, iyadoo go’aanada uu Gollaha Shacabka soo saaro toos u tagaan Xafiiska Madaxweynaha, kadibna la saxiixo.

Farmaajo ayaa xalay saxiixay qaraarkii Gollaha Shacabka ansixiyay 12-kii April 2021, ee jiheynta doorasho Villa Somalia ku sheegtay qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya labo sano kadib, iyadoo midii dadbanayd ee 4.5-ka ku saleysnayd lagu fashilmay in la qabto.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Muxammad Sh. Cusmaan “Jawaari” ayaa qormo maalintii talaadadda lagu soo daabacay Keydmedia Online yiri: “Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda guud ahaan, siiba Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa ku habboon in ay aad u ilaaliyaan ku dhaqanka axkaamta dastuurka Federaalka, kana fogaadaan wax kastaoo loo malayn karo baalmaridda dastuurka, ama fal kastoo aloosi kara xasillonidarro siyaasadeed, ama sumcad xumo usoo jiidi kara Golayaasha BFS, ama didin kara deeq-bixiyeyaasha iyo beesha caalamka oo ilaa hadda dalku uga maarmin iskaashiga dhaqaale, amniga iyo tageerada siyaasadeed ee duwaliga”.

Soomaaliya waxey taagan tahay wado isgoys ah hadda, lama oga halka ay aadi doonto dagaal iyo doorasho.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.