MAXAA KALA HEYSTA MUKHALLAS, FOORJARIISTE IYO UMMADA SOOMAALIYEED EE MALAYSIA!

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” - “War Helaa, Talo Hela!” - Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Maqaallo Keydmedia Online
MAXAA KALA HEYSTA MUKHALLAS, FOORJARIISTE IYO UMMADA SOOMAALIYEED EE MALAYSIA!

Intaas kabacdi, waxaan Aqristayaasha Sharafta badan rabaa in aan usoo gudbiyo qormadan muhiimka ah, si aan ugu wada baraarujiyo dhibkan Ummada heeysta meelkastaba ha joogtee, si kuwa eey ku dhacdey ee aan ogeyna ugu baraarugaan, kuwa eeysan ku dhicna mustaqbalka uga gaashaantaan si aaney ugu dhicin.

Hadal badan haan ma buuxshee, qormadan oo aan qodobeeyey,waxeey inoogu bilaabaneeysaa sidata:

1-Bal Kawaran! Hadii ardeyda iyo guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee Malaysia qaar ka mid ah, lagu qanciyey marka eey wadanka kasii baxayeen, iyo waliba qaar jooga gudaha wadankaba, in eey kaararkooda Bank-ga eey siiyaan ama ka gataan niman Mukhalisiin "Soomaaliyeed" ah, kuwaasoo kasii gata niman kaloo Nigerian ah, oo tuugo waaweyn ah "High Profile Criminal Gangs" oo eey dadka kaararka uga soo aruuriyaan, kuwaasoo iyana Bank-yada waaweyn ee wadankan Malaysia kaararkaa ku jabsada. Ogoow!Taa micnaheedu waa in ardayadii laheyd ama Ardeygii lahaa Kaarkaas in uu yahay dambiilaha dhabta ah ee Bank-yadaa jabsadey, ileyn magaciisa, iyo dhamaan data-diisa ayaa wax lagu dhacayaaye.

Nasiib darro! In sidaa xaalku yahay, iyagana ma fahamsana, kuwan hungurigu qaadey ee maqaarka sare Soomaalida ka ahna uma sheegayaan, oo Shilimaadkaas Nigeriyaanku siinayo ayaa kala qeeymo badan. Crime-kaa ardeygaa iska miskiinka ah, ee Soomaaliyeed, ee aan waxba fahamsaneyn qoorta loo galinayana waxba kama galin oo cidi uma jixinjixeeyso.

Nasiib darro! Qaarkood iyaga oo wadanka ka maqan ayaa dambiyadaa/Crime-kaa halista ah darteed ayaa documents halis ah wadankan Malaysia kawada yaallaan, qaarna maba ogaba in "Black List" eey wadankan Malaysia uga jiraan, oo eeysanba soo gali karin wadankan inta cimrigooda ka dhiman, hadii eey isku soo dayaana, lala kicidoono.

2-Bal Kaawaran! Maamadii cunugeeda qalliin wadankan Malaysia ugu keensatey, ee mukhallasiin aan naxeyn heleen, oo inta Isbitaal eey la shaqeeystaan geeyeen, Lacag xoogan markii hore ka qaateen, hadana markasta uu Isbitaalkii dhahayo, "Wiilkaada infection ayuu qaadayaa ama waxaas iyo waxaas ayaa ku dhacaya, hadii aan qalliin kale degdeg loogu celin, si qalliin loogu sameeyana waa in intaas oo KUN oo Doolar, aad degdeg ku bixisaa", waxyar kabacdi hadana, waa mashruuc cusub iyo Dhowr Kun oo Doolar oo kale. Illaa eey oohin aflabadii yeertey, oo Soomaalidii kusoo dhexdhacdey, oo odayaal iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo damiirku dhaqaaqey Isbitaalkii ku baxeen, oo la hadleen, ee la yiri "Waan u cafinney, qaliinnada dhimanna, waan u dhameeyneeynaa!"

3-Bal kawaran! Bukaan Soomaaliyeed oo la geynkaro Isbitaallo dowlada leedahay, rakhiisna ah, walibana Tayo sareysa leh, ayaa Waxaa Bukaanadaa Soomaaliyeed dadkii eey qaraabo ahaan u Miciinbidayeen, geynayaan Isbitaallo gaar loo leeyahay (Private ah), oo aad qaali u ah, Sababtuna eey tahay oo kaliya, in Isbitaalkaa Private-ka ahuu Calaa qof Lacag Commission ah kusiinayo Mukhalasiintaa. Imagine! Qofkii Dumarka ahaa ee Bukaanka liita ahaa ee $30,000/ la galiyey, iyadoo eeysan lacagtaa iyo wax u dhowba aaney u baahneyn. Nasiib darana! lacagtaa inteeda badan "1/3=$10,000/" Commission loo qaatey. "Just to mention one of the many examples I know".

4-Bal Kawaran! Mukhalastkii dad Maras ah oo dumar iyo caruur u badnaa, inta doon ka buuxdhaafiyey, oo calaa qof dhowr Kun oo Doolar, oo reerahoodii eey ugu qeeylo dhaansadeen Buufis darteed, inta ka urursadey, Nasiib darro! Geeyey gobol Jaziirad ah, oo isla wadankan Malaysia ka tirsan, ee inta xilli habeen ah ku daadiyey meeshaas, ku yiri “Haye Australia ayaad joogtaane, Doolarka Dhulka iska daadsan ee buux dhaafiyey, farqaha ka buuxsada!".

5-Bal Kawaran! Midkii gabdho Soomaaliyeed wadankan Malaysia kaligiis Buufis ku keeney, ee inta Islaamihii gabdhahaa dhalay lacag kasoo dhacay, isagoo leh Ingiriiska ayaan dhowr saacadood idinkugu geynayaa, ee kadib inta xaafad Soomaalidu aad ugu badantahay dajiyey, hadana ka dhaadhacsiiyey in eeysan albaabkaba tagin, maadaama meesha Soomaaliduba lagu diimo, oo aaney hal qof xitaa joogin.

Ogoow xaafadaa Ajaanibta dagani 85% waa Soomaali, ee mudo markii eey ugu huursanaayeen, qaarkood Soomaali dariishadaha ka arkeen, ee qaar si qasab ah banaanka ugu baxeen, Soomaali lasoo sheekeeysteen, una sheekeeyeen, kadibna Soomalidii ogaatey. Nasiib darase! Inta aan lagu soo bixin ayuu meeshooda inta uga dhaqaajiyey, ayuu lacagtoodiina isagiiba kusii tahriibey. Waa kuwa murugo iyo Ilmo Dhulka la wada fariistey!

6-Bal Kawaran! Mukhallasiintii Soomaalida ee tuugada waaweynka ahaa, ee 13-ka ardey ee Soomaaliyeed inta Lacag calaa qof $5000/ ugu yaraan ka qaatey (13 x 5000=65,000/)-Waa inta la maqlaye-Ee ku yiri, waxaan idiin heeyna deeq waxbarasho (Full Scholarships) oo Malaysia ah, oo eey ku jirto deeqaankii, cuntadii, oo waxkastaba free ah, illaa aad ka dhameysataan, ee Nasiib darro! Qarash Ticket soo galiyey, iyo waliba shopping-kii safarka, ee Nasiib darro! Iska daa qeeq waxbarasho oo eey helaane, dhamaantood diyaaradii keentey  garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur (KLIA) ee Malaysia, dhamaantood Dalkii dib loogu wada celiyey, Lacagtoodiina tuugadu sidaa ku dhacdey, oo afka iska marisey. "Allow Nin aan wax ogeyn, ha cadaabin!"

7-Bal Kawaran! Ardeygii Miskiinka aha, ee iska da'da yaraa, ee waxbarasho wadankan Malaysia loogu soo dirsadey, ee Nasiib darro! Soomaaligii Airport kasoo qaadey, ee meeshuu rabay geynayey, uu Drop-kaa ama meelgeyntaa oo kaliya Ijaar Taksi ahaan uga qaatey, lacag gaareeysa $900/, waa sida uu ku qanciyaye. Lacagta ugu badan ee saxda ahina aheyd ($30/=RM: 90/=).

8-Bal Kawaran! Gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa Kuala Lumpur-oo ah Caasimada dalka Malaysia- looga dhacay $2500/=Iyadoo lagu yiri waa qarashkii laguugu sameyn lahaa VISA sanad ah. Nasiib darro! Waxaa computer la dhexdhigey qol loogu soo farsameey Visa ardey kale uu lahaa, iyadoo Photoshop la isticmaalayo, ayaana qoraalkii ardeygu lahaa ee ku yaalley Visaha saxda ah, inta laga tirtirey, kuweeda lagu buux buuxiyey.

Nasiibwanaag! Dad garankara ayey tustey, kuwaasoo tusiyey qaladaadka iska cad ee iskaba muuqda. Nasiib darrose! Marasta qaar ma fahmi karaan! Maxaa ka calool xumo badan, $2500/ oo si lagu keeney Allaah uun ogyahay, wax qol lagu farsameeyey, oo aan warqadaha qashinka waxaba dhaamin, halagaaga qaato, oo halagugu dhoco!

9-Balkawaran! Odayaashii Masaakiinta ahaa, ee maadaama wadankan Malaysia eey ku cusubyihiin, oo caafimaadna u yimaadeen, dhalinyaro eey ehel ahaayeean Lacagtoodii ku aaminey. Nasiibdaro! Markastoo lacag inoo soo sarifa yiraahdeense, meeshii $100/ loogu soo sarifi lahaa RM: 300/= loogu soo sarifijirey haafkeeda oo ah "RM:150/=", ugu dambeynse, maalin maalmaha ka mid eey si degdeg ah lacag ugu baahdeen in eey u sariftaan odayaashi laftooda, kadibna $100 loogu sarifey RM:300/, tasoo yaabka aduunka ku noqotey! Iyagoo leh "War ma doolarka ayaa kacey, sidan xaal ma ahaan jirine?” Nasiibwanaagse! Loo sheegey in uu sidan normal-kiisuba yahayba! Waa kuwa afka Gacanta saartey!

10-Bal Kawaran! "Safaarada Meeshan ah" oo wadan meeshan ah uu leeyahay, taasoo looga sii Tahriibo Yurub. Visahana Soomaalida si fudud, iyo lacag aad u yar kusiin jirtey, Soomaalidana aad looga jeclaa, aadna ugu dadaali jirtey in eey dhaqaaleeyso, ee kuwo Mukhalasiin ah ula tageen "Barnaamij" ah in Soomaalidu aaney waxba fahamsaneyn, aadna ugu baahanyihiin "Visaha wadankan" si eey ugu sii tahriibaan Yurub, dhaqaalo kastoo loosheegana in eey ogolyihiin, dad aad u farabadan oo Soomaali ahna iyaga keenayaan, oo waliba dhaqaalahaa intaa la eg calaa qof ku keenayaan, sidaa daraadeedna, eey tahay in just commission-ka intaa ah loo ogolaado oo kaliya.

Wixii eey dadkaas kasoo qaadankaraana gaar uga soo qaadanayaan. Bal malee! Visihii Ummada degdega, rakhiista iyo wanaajinta ku heli jirtey, waa kuwaas cunaha Ummadii kawada qabtey, si Mukhallasiintaa eey shilimaad uga dhiig-miirtaan Ummadeena.Ogoow meelkastoo Soomaalida kazoo xeranto, Mukhallas ayaa soo xirey/xirtey.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Waxaan qormadan kusoo ururiyey qisooyinkii sida dhabta ahaa uga dhacay wadankan Malaysia, anigoo xaqiiqda ku saleynaya ayaan hadana waxaan ka taxadarey in aanan habayaraatee kusoo qaadan wax magacyo ah dhinackastaba ha ahaadeene, maadaama ula jeedadu aaney aheyn ceebeyn qof ama koox gaar ah, balse eey tahay oo kaliya in ummada lagu baraarujiyo dhibaatooyinka ina heysta, si looga wada gaashaanto.

Waxaan Allaah ka rajeeynayaa in uu noqdo qoraal waxtar leh, oo waxbadan inoo iftiimiya, waxbadanna inoogu wada badbaadaan. Waxaan Allaah ka rajeeynaayaa in uu dhamaan wanaag inooga wada abaal mariyo. Mahadsanidiin

“War Helaa, Talo Hela!”

TIXRAAC: [url=http://www.jawiil.com/jawiil/index.php/news/waxbarshadda/3031.html]http://www.jawiil.com/jawiil/index.php/news/waxbarshadda/3031.html[/url]

Wabillaahi Towfiiq.


W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”  
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha  
Al-Madinah International University, Malaysia  
abdulkadirphd@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.