Maxaa Soo Dedejiyay Jabka & Ka Bixitaanka Shababka Ee Muqdisho?

Nairobi (Keydmedia) - 13 January 2009 ayay ahayd markii Ciidammadii Ethiopia ee dalka xoogga ku soo galay ay bilaabeen in ay isaga baxaan Muqdisho, Maalinkaas iyo maalmihii xigayba waxay dadka Soomaaliyeed isgu hambalyeynayeen bixitaanka Ethiopia, si la mid ah sida ay maanta isugu hambalyeynayaan jabka iyo bixitaanka Shabaabka.
Maqaallo Keydmedia Online
Maxaa Soo Dedejiyay Jabka & Ka Bixitaanka Shababka Ee Muqdisho?

Dad badan waxay ku aheyd arin cajiib ah maqalka la xiriira Alshabaab oo Muqdisho ka baxay, waxaana aad u adkeyd in la rumeysto  warkaas, laakiin saakay 7 dii subaxnimo iyo qadar daqiiqada ah ayaa waxaa si cad uu cali dheere oo ah afhayeenka shabaab shaaca uga qaaday in kooxdooda ay ka baxday Muqisho.sababtana waxa uu ku sheegay dib u gurasho iyo xeelad milatari.

Hadaba xaqiiqda waxa ay tahay, Horjoogayaasha Kaaxdani ayaa dejin Istratejiyad fog iyo mid dhow oo saaxada siyaasada Somaliya ay kaga sii dhax muuqan karaan, marka la eego marxaladihii la soo gudboonaaday dhaqaaqa kooxda Shabaabka, bilihii la soo dhaafay.

Waxaa muhiim ah in dib u eegis lagu sameeyo sababaha keenay in shabaab xiligan ay guud ahaan magaalada faarujiyaan, si akhristaha uu arimaha jira ula socda waxaa haboon inuu dib u eego qodobadan:

  1. Dilkii Fazuul C.lle oo ahaa wakiilkii Alqaacida ee bariga Afrika oo keenay in kooxda ay kala fogaato, waxaana xubna ka tirsan shabaabku ay aamineen in Dilkaasi uu abaabulay horjoogaha Shabaab ninka lagu magacaabo Axmed Godane. Waxaana dilkaasi uu sababay in shababa uu la garab kala noqdo, isla markkaana ay yaraato kalsoonidii iyo wadajirkii, kooxda waxa ay u kala jajabtay qabii qabiil iyo jufo jufo.
  2. Khilaafka hogaanka kooxda uu sababay in la waayo istaraatiijiyad mideysan oo ay kooxda ka duuli karto, waxaana arintaasi ay sababtay in dagaalada ay galayaan ay noqdaan kuwa ku dhisan ha yaacdo iyo fakar waxaana taasi ay sababtay in fursad ay helaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada.
  3. Badanka ajaanibtii kooxda ka barbar dagaalameysay oo iyagu u jiheestay dhanka Yamen iyaga oo adeegsanaya doomo, waxaana arintan ay ka danbemysay duqeymihii jubooyinka iyo hanjabaadii maraykanka ee ku aadaneed in shabaab ay ku beegsan doonaan meel walbo.
  4. Dhaqaale xumo, waxaa ay ka dhalatay arintan dagaaada faraha badan ee kooxda ku furmay iyo waliba xirnaashaha suuqa bakaaraha oo il dhaqaale oo muhiim ah u aheyd Shabaab, si dhaqaale ay u abuuraan shabaab waxa ay fasaxeen hey’adaha qaarkood laakiin arintaasi dhaqaale badan kama helin, hey’adahana dalabka shabaab dhiifoonaan dheeri ah ayeey ka galeen.

Culeys soo wajahay Hogaanka Al Shabaab

Ma jirto sabab keeni karta in ay waarto koox aan heysan taageerada dadka ay u taliso meel kasta ha gaartee, waxaase jira arrimo muuqda oo qeyb ka ah jabka Kooxdaani.

Tan Hore, waxay tahay in aan kooxdu lahayn Ujeedo iyo hadaf siyaasadeed oo cad oo ay bulshadu ku garab istaagi karaan, iyadoo hogaaneedu uu ka soo jeedo Gobolada Waqooyiga ay ku guuldareysteen iney degaanadaasi barnaamijkoodu gaarsiiyaan.

Sidoo kale waxaa soo dedejiyay falalka guracan ee Gowraca iyo gumaadka Shacabka Sooomaaliyeed iyo gaaleysiinta qofkii aan iyaga ku fikir ahayn, Calanka Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo astaamo laga soo minguuriyay gaalada, iyo ficillo iyo fikiro kale oo gurracan ma ahan wax marnaba lagu kasban karo quluubta dadka Soomaaliyeed ee wanaagga jecel.

Arrin kale oo jabkooda soo dedejisay waxay tahay iyagoo oo waayay dhaqaale ay ku sii huriyaan dagaalka, kadib markii ay sababtooda ku xirmeen suuqyadii waaweynaa ee kooxdu badda ka qaadan jirtay, taasi oo keentay in carruurtii la khaldii jiray ay dagaalkii iyo is qarxintii ka soo jeestaan, markii ay xaqiiqsadeen in uu been ahaa hadaaqii hoggaamiyayaashooda ee ayaa in ay Alaska ku furan doonaan Aakayaasha ay wataan.

Arrin kale waxay tahay Niyad jabka weyn ee hor joogayaasha kooxdu ka qaadeen geeridii Horjoogihii Alqaacidda Osama Bin Laden oo la dilay bishii May ee sanadkan iyo sidoo kale dilkii Ciidammada Soomaaliya u geysteen 8-dii bishii June Fazul Cabdalla Maxamed oo ahaa hoggaamiyaha Alqaacidda ee geeska Afrika.

Horjoogaha kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane, waxa uu ku sheegay farriintii ugu dambeysay ee uu soo diro in Kooxdooda ay haysato dhibaato wayn oo dhinaca hoggaanka ah, kadib markii sida uu sheegay ay dhammaadeen dadkii wax galka ahaa oo ula jeedo ajaanibtii la laayay.

Khilaafka u dhexeeya madaxda maleeshiyaadka Shabaab, ayaa isna qeyb ka ah jabka soo degdegay ee Alshabaab, waxaa la tilmaamayaa in kooxdu u kala jabtay labo isbahaysi oo kala ujeeddo ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in rag ay ku jiraan Xasan Daahir Aways iyo Mukhtaar Roobow ay qorsheynayaan in ay dhisaan urur cusub, markii ay ku daaleen Alshabaab.

Marka laga soo tago guuldarrooyinka milatari iyo dhaqaale xumiada baahsan ee mudooyinkaan dul hoganeysay kooxdani ayaa lagu sababeyn karaa Hogaan iyo maamul xumo ay horseedeen shaqsiyaadka waqooyiga ka soo haajiray, waxaa hubaal ah in ilaah aqbalay habaarka iyo huqda hooyooyinka Soomaaliyeed ee ay carruurtoodii iyo raggoodiiba ku laayeen dagaallada xaq darrada ah , ka dibna ay gaajo u dileen markii u diideen in gargaar la gaarsiiyo.

Waxaa hubaal ah in hooyada Soomaaliyeed ee lugeysay 500 oo Km si ay u hesho wax ay dhuunta mariso, waddadana ay uga dhinteen carruurtii qaaliga ahaa ee ay dhashay aysan abaal u hayn una duceynaynin Alshabaab.

Kooxdani ayaa jabkooda dhaboowday, kadib markii taariikhda Soomaalida iyo aadanahaba ka galeen baal madow, jabkoodu waa hadiyad ay ku socota carruurta ay Shabaab agoonteeyeen , hooyooyinka ay Shabaab gablamiyeen, Madaxdii Soomaaliyeed ee ku baxay gacanta shabaabka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo maanta xaq u leh in ay farxad iyo rayn rayn ku ciidaan.

Inkastoo ay jiraan arimahasi oo dhan hadana akhriste keydmedia waxay dooneysaa in ay ogaato aragtida macaamiisha keydmedia ee ku aadan tag darida soo wajahday Alshabaab, ma aaminsantahay in la gaaray xiligii gabi ahaan uu burburi lahaa magaca Shabaab, mise waxaad rumeysantahay in ay kooxda dib isu soo abaabuli doonto?

Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook ama bogga aragtida ee keydmedia aragti walba oo aad rumesantahay soo raaci sababta iyo cadeymaha aad ku daafaceyso aragtidaada.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.