Maxamed Dheere: Nolol ii Dhineed iga dheh!!!

Haji Seeko (Keydmedia) - Waxaan aaminsanaa, waxaan arkayo iyo waxa ii harsan waa kuwa kaaf iyo kala dheere ah, erayadiisa waa kuwa laga filan karo qof walba oo awood is bada isla markaana waqtiga iyo waayaha ay ka daba yimaadaan xaqana uu ka hiiliyo.
Maqaallo Keydmedia Online
Maxamed Dheere: Nolol ii Dhineed iga dheh!!!

Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere waxa uu ahaa sanadihii la soo dhaafay hogaamiye kooxeed ku caanbaxay hal adeeg iyo go’aano dhinaca qaladan loo gaaro oo aan laga fiirsan lagana shaalaayin, waxa uu ku caanbaxay erayo adag oo warbaahinta uu ka tabiyo, waxaana xiliyada qaar hadaladiisa ku jira aflagaado shaqsiyadeed, mid kooxeed marna kama waantoobin Max’ed Dheere in qori iyo awood uu ku faano, balse maanta maxaa heysta.

Tan iyo markii uu madaxa la galay siyaasada aan fadhin ee soomaaliya kuna saleysan dilka, argagax galinta, dhaca, fowdada, hanjabaada waxaana uu tan iyo waagaa Max’ed dheere ku hoyan jiray Hooy balaaran ama Hotel qarash badan lau bixiyo laakiin maanta nolashii wey is badashay waxaana Max’ed uu ku jiraa xabsi dowlada ay maamusho kadib markii Amisom iyo dowlada ay kala soo baxeen Hotel Naasahablood laba oo ku yaala Tiyaatarkii agtiisa.

Muran badan ayaa ka dhashay hanaan ciqaabeedka la marsiin doona Max’ed Dheere oo qeyb ka ah  dad ku eedeysan xasuuq shacab oo 15-kii Bishan loo geestay shacab dibad baxayay taageerayayna dowlada, waxaana rasaasta ciidamada ay fureen ku geeriyooday 4 ruux iyadoona 7 kale ay ku dhaawacmeen.

Dad badan ayaa isa su’aalaya sababta dowlada iyo Amisom ay u doortaan deg deg u ciqaabida dadka ku eedeysan shaqaaqadii tiytaarka tiyoo dowlada laga dhawrayay wax ka qabashada xasuuqii shacab ee 31-kii Janaayo ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka waxa ay ku doodayaan in xiriir qaraabo iyo mid ehelnimo darteed loo hormariyay kiiskan ugubka ah  ee dadka tirada yar lagu dhibaateeyay, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin in ay daw aheyd in kiisaska la kala qaado iyadoo dhibaatadooda iyo qasaarahooda lagu qiimeynayo.

Max’ed Dheere oo la hadlay warbaahinta shalay galinkii danbe xili Amisom ay ku wareejineysay ciidamada dowlada ayaa sheegay in aanu isaga danbe galin uuna ku qanacsanyahay talaaba walba oo garsoorka gaara, wallow muuqaalkiisa laga dheehanayay sida aanu uga qanacsaneen qaabka ay wax u socdaan.

“Wacnaan laheydaa in qof walba oo danbi gala sidan oo kale loo soo xiro, laguna qaado danbigiisa inta uu la egyahay, laakiin aaway dadkii xasuuqay shacabkii Isgoyska Banaadir, aaway dadkii qarxiyay Hotel Shaamow, aaway kuwa maalin walba duqeeya shacabka” su’aalahaasi waa kuwa ka guuxaya qalbiyada Shacabka, iyagoona is weydiinaya xiliga la xisaabin doono dadkaas iyo kuwa kaloo badan.

Laamaha garsoorka ee dowlada iminka waxaa horyaala Su’aala dhawr ah oo u baahan jawaabo qanciya shacabcka  ku hoos dolman taliska dowlada ee dhibaatada kala kulma ciidamada dowlada iyo kuwa taageera ee Amisom..

Photos by: Radiomuqdisho

Haji Seeko - Keydmedia Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.