Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya oo Qatar ku jirto - Heshiis Malaga Yaabaa?

Cabdullahi Ibrahim Cumar — Kadib markii lagu hungoobay rajadii laga qabay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh, ayaa waxaa soo badanayo fikiradaha taageerayo gooni-isutaagga Somaliland, kuwaas oo ka imaanayo Soomaalida gaar ahaan dadka reer Koonfureedka ah, waxaana tusaale kuugu filan sida looga qeyb galayo 18 May, maalin madow iga dheh.
Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya oo Qatar ku jirto - Heshiis Malaga Yaabaa?

Tan iyo markii lagu dhawaaqay Maamulka Somaliland muddo haatan laga joogo dhowr iyo Labaatan Sano, waxa ay Siyaasiyiinta reer Somaliland iyo taageerayaashooda dadaal dheer ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen ictiraaf laakiin nasiib wanaag ma jiro dal ilaa Maanta aqoonsaday Maamulkaasi ama xitta olole ugu jira ictiraaf raadintooda.
 
Maamulkan midnimo diidka ah, ayaa waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii loo ictiraafi lahaa, Isagoo kaalmeysanayo dalal cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna garaacay albaaab kasta oo uu u arkaayey in uu ku caawin karo aragtidooda guracan ee ah kala dhaantaalidda midnimada iyo wadajirka Wadanka laakin Ilaahay Mahaddi dalna ma dhageysan calaacalkooda foosha xun. Wallee Sayidka run sheeg.
 
Maadaama aysan Caalamka u muuqan kala duwanaansho dhanka Diinta, midabka, dhaqanka iyo Luuqadda, waxa ay taasi keentay in la waayo wadan aqoonsado ama xitta u ololeeya gooni-isutaaggooda laakiin waxaa hadda muuqanayo is badal weyn ka dib markii ay Soomaalidu dabacday dhib badan ka dib, islamarkaana ay ogolaatay in loo taliyo.

Kadib markii ay saaxada soo galeen Siyaasiyiin aan lahayn khibrad iyo han sareeya, islamarkaana ay fashilmeen dowladihii laga dhisay Koonfurta oo ay ku jirto midda hadda jirta,sidoo kalena ay daaleen Shacabkii Soomaaliyeed, Ayaa waxaa soo baxayo Siyaasiyiin iyo Oday dhaqameedyo ku baaqayo in la fasaxo Somaliland Islamarkaana la ictiraafo, waxaana tusaaale u soo qaadan karnaa Odayaashii reer Koonfureedka ahaa ee booqday deegaanada uu ka taliyo Maamulka Somaliland.
 
Kadib markii ay Dowladda Federaalku ka baxday Ku-meelgaarkii, Islamarkaana la doortay Madaxweynaha hadda jira Xasan Sheekh, ayaa waxaa la filaayey in ay wax badan is badali doonaan gaar ahaan amniga iyo siyaasadda laakiin nasiib daro waxa dhacday waxa ay Soomaalidu u taqaanno ka daroo dibi dhal, Waana sababta keentay in ay soo baxaan dad reer koonfureed ah oo ku baaqayo in la ictiraafo Somaliland.
 
Waxa Iyadana  arimaha sii xumeeyey nidaamka federaalsim-ka, kaas oo noqday mid sii kala qoqoba dalkii, waxaana tusaale kuugu filan waxyaabaha ay sameynayaan Maamulada Puntland, Jubaland, Galmudug ,Ahlu-sunna iyo Koonfur galbeed, kuwaas oo u dhaqmayo sida dowlado ka madax banaan Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh. Wallee hadaan sidaan ku moodno kuuma sabcineyn.
 
Karti xumida haysata guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan kuwa hadda majaraha u hayo Dowladda Federaalka iyo wada shaqeyn la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.